Arsenal Oo Noqotay Kooxda Ugu Dhaawacyaada Badan Horyaalka Premier League-ga 5-tii Sanadood Ee Ugu Dambeeyey

Published on Apr 01 2017 // Ciyaaro

“Saamaynta Dhaawacyada Badan Ku Leeyahay Hoos U Dhaca Guulaha Kooxda”

 

 

Kooxda Arsenal ayaa noqotay kooxda ugu dhaawacyo badna horyaalka Premeir League-ga, waxaanay taasi keentay guuldarooyinka u bilaabma bisha February. Mudadii uu joogay Wenger, waxa guud ahaan ciyaartooyadiisu dhaawac uga fadhiisteen 10,825 Maalmood, kuwaas oo halboolayaal  u ahaa kooxda uu layliyo ee Arsenal.

Arsenal ayaa shantii sanno ee ugu dambeeyey ku caan baxday inay hogaaka qabato bilaha ugu horeeya horyaalka, waxaanay ugu dambaynta soo fadhiisanaysay kaalmaha 3-aad iyo 4-aad, sababta keentay arintan ayaana Majalada The Sun falaanqaysay.  Warkan oo aanu kasoo xiganay The Sun ayaana ku sababaysay inay mushkiladdaha ugu badan ee soo wajaha kooxda Arsenal iyo Macalin Wenger. Marka lasoo gaadho bisha February, guud ahaan Arsenal ayaa wax u billaabma guul darooyin hor leh, waxaanay la daalaa dhacdaa kamid noqoshada afarta kaalmood ee horyaalka. Sida dhacda waxa ay Arsenal La kulantaa DHaawacyo soo gaadha Xidigaheeda Caanka, taasina waa caqabada ugu wayn ee ay la kulanto kooxda Wenger.

 

Kooxda Arsenal ayaa hanashsada horyaalka ug dambaysay xili ciyaareedkii 2003-2004’kii, waxaanay majalada The Sun isbar bar dhigtay xidigaha ay wayday Arsenal iyo saamaynta ay ku yeelatay. Shantii sannadood ee ugu dambeeyey Arsenal wxay noqotay kooxda ugu dhaawaca badan waxaanay xubnaha xidigaheeda safka hore ka dhaawacmeen 10,285 maalmood, balse Man United oo kusoo xigta ayaa iyadna wayday xidigaheeda 9,600 maalmood.

1# Arsenal: 10,285 Maalmood. 2# Man United: 9,600 Maalmood. 3# Everton: 8,058. 4# Liverpool: 8,044. 5# Tottenham: 7,625. Dhamaan xidigaha  kooxaha kale ka bogo sawirkan hoose;

Si kastaba ha ahaatee lama odhan karo dhaawacyadani waa sababta kaliya ee Arsenal ugu wacan hoos u dhaca. Wallow saamayn wayn ku yeesho dhaawaca joogtada ah eek u yimaada xidigaha halbowlaha u ah.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!