Arrimo Ka Fogaanshiyahoodu Fure U Noqonayo Farxadda Iyo Guusha Shaqada (Q.2)

31
3882

Waa qaybtii labaad ee talooyinkii qoraaga Todd Nordstrom:

  1. Ha dhibsan caqabadaha iyo taakooyinka badan ee ku horyaalla: Marka aad hawlgelayso, waqti badan ha ku lumin ka fikirka caqabadaha kaa hor imanaya. Waxa aad ogaataa in caqadabahaaas iyo turaanturrooyinkaasi ay laftigoodu yihiin godad dahab ah oo kuu sahlaya uun in aad guusha gaadho.

Mar kasta oo aad hawlgelayso waxa aad niyadda ku haysaa in hal-abuurrada iyo curinta ugu weyn ee adduunka taalla, cidda hindistay ay heshay iyada oo aan u jeedin in ay hesho, balse ka fikiraysay sidii ay mushkilado u xallin lahayd.

  1. Waxa kasta oo shaqada ka mid ahi run ma’aha: Iska jir in wax kasta oo shaqada ka mid ah aad u qaadato ma dhaafaan iyo kaftan la’aan. Waxa aad ogaataa in kaftanka iyo hawl fududaysigu mararka qaarkood muhiim u yahay shaqadaada.

Rayi-ururin la sameeyey ayaa daahfurtay in boqolkiiba 79 ka mid ah agaasimeyaasha iyo maamulayaasha shaqadau ay aaminsanyihiin in kaftanka iyo mararka qaarkood hawlaha aan si kallifaad iyo run ah loo gelini ay muhiim u tahay shaqada. Taas oo macnaheedu yahay in aynaan u qaadan in wax kasta oo shaqada la xidhiidhaa uu yahay uu yahay wax aan kaftan iyo fudaydsi geli karin.

  1. Wax ksata ogolaanshiyo ha u sugin: Ha isku mashquulin in aad fasax u hesho tallaabo kasta oo aad qaadayso. Agaasimeyaasha qaarkood waxa ay shaqaalahooda ku waajibiyaan in ay mar kasta rayigooda qaataan. Laakiin in la kala aragti duwanaadaa sida ay dad badani moodaan uma khatar badan. Maamulaha waxaa la gudboon in uu mar kasta u dabacsanaado aragtida ka soo horjeeda, haddii ay noqonayso in uu taageero iyo haddii ay noqonayso in uu si xikmadaysan u daayo.

Sida oo kale qofka shaqaalaha ah ee masuuliyad cayiman loo sameeyey, uma baahna in uu mar kasta fasax u helo qaadista tallaabooyinka ku dhex jira xayndaabka masuuliyaddiisa, ku dadaal in aanad xayndaabkaaga ka bixin, laakiin xasuusnoow in fasax aad mar kasta sugtaa uu sababi karo in tallaabooyin badan oo aad qaadi kari lahayd muhiimna ahaa dayacdo.

  1. Ha is odhan kelidaa baa guul dhaliye ah: Inta badan guusha iyo horumarku waxa uu qofka ku beeraa qab iyo in uu isu arko in uu yahay qofka isagu guusha keenay. Guushu waxa ay ku timaaddaa dadaal iyo hawlo wadareed dhinacyo badan ka timid oo adiga isugu kaa soo ururtay.

Ha illaabin dadka talada ku siiyey, kuwa wax ku baray aqoonta iyo waayo-aragnimada aad guusha ku keentay ku siiyey, kuwa kaa dhigay waxa aad imika tahay, kuwa shaqada aad hayso qaybta ka ahaa ee mid kastaa wax uun ku darsaday shaqada guusha keentay. Ogo guusha qof keliyi ma yeelan karo, naftaadana u sheeg runta oo ha illaabin dadka kula leh guusha. Sida oo kale guusha ka baro dersi ah in aanad ka maarmayn dad ku hareero taagan, oo sida ay markan kuu caawiyeen, guulo dambana kaaga caawin kara. Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here