“Arrimaha Dhulku Waxay Noqdeen Arrimaha Ugu Dhibaatada Badan, Khilaafaadka Ugu Badan Iyo Xiisadaha Ugu Badana Dalka Ka Kiciya”

0
690

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay kulanka Somaliland iyo Somaliya ku dhexmaray Magaalo Madaxda dalka Itoobiya ee Adisababa, ee ujeedadiisu ahaa maamulka Hawada, waxaanu tilmaamay in nuxurka kulankani ahaa sidii looga heshiin lahaa maamulka hawada iyo sidii loo qaybsan lahaa wixii kharash ah ee ka soo baxa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha dhulku yihiin arrimaha ugu badan ee xiisada iyo khilaafaadka ugu badan dalka ka kiciya, waxaanu xusay in inta badan nidaamka dhulka loo sharciyo, ama loo iibsado, aanu waafaqsanayn sharciga, waxaanu xusay madaama wakhti Doorasho lagu jiro inay joojiyeen arrimaha ku saabsan dhulka,waxa kale oo uu baaq u diray Xisbiyada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn anagoo wax ka weydiinay nuxurka kulanka Adisbaba ku dhexmaray Somaliland iyo Somaliya ee ku saabsan Maamulka Hawada ayaa yidhi “Wasiirkeena Duulistu waa kii Adisabab tagay, waxaana Adisababa kuwada hadlay cida ay Hawadu khuseeyso, wixii aynu isku afgaran karno Somaliya, ee aynu Hawada ku wada maamuli karno, dal waliba hawada inta uu ku leeyahay, sida Caalamka kale xidhiidh loola yeelanayo, qaabka lacagta ka soo baxda loo qaybsanayo,waxayna wax walba ku xidhan tahay sida ay labada Wasaaradood u heshiiyaan, kolay kulankuna intaas ayuu ku saabsanaa, haddii ALLE idma Wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa inooga warami doonaa wixii warbixina ee kulan ku saabsanaa”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey arimaha dhulka ayaa yidhi “Arrimaha Dhulku waxay noqdeen arrimaha ugu dhibaatada badan, khilaafaadka ugu badan iyo xiisadaha ugu badana  dalka ka kiciya waa arrimaha dhulka, waxaad mooda in muddo dheer sida dhulka loo sharciyeynayey, ama loo iibsanaayey ama loo boobayey, si aan waafaqsanayn sharciyada ama nidaamka dhulka lagu maamulo, taasina imika ayey buuq badan keentay, magaalooyinkeenii oo si nidaam daro ah u koroya iyo dhulkii oo la isku haysto, wakhitgan doorashadana ma doonayno wax kiciya  oo inaga jeediyey ujeedadii ilaalinta nabadgalyada, waana inaynu qabanaa Doorasho nabadgalyo ah oo xalaal ah, mana doonayno wax inaga mashquuliya, sidaas daraadeed ayaanu u soo saarnay go’aankaas dhulka, wareegtana aanu ku soo saarayna aanu cid waliba ugu sheegayno, tafaasiisheedana waanu caddayn doonaa”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Doorashadii baa inagu soo fool leh, Madaxweynuhuna wuxuu soo saaray wareegtooyin ah in anshaxa la ilaaliyo, wareegtooyinkaas ayaanu anaguna hirgalinaynaa, waxaana ka rajaynaynaa Xisbiyada iyo dhammaan Hay’addaha Dawladda iyo Shacabkaba in loo hogaansamo wareegtooyinkaas uu Madaxweynuhu soo saaray, waana in loo hogaansamaa, oo lagu dhaqmaa, kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay Doorashadu noqoto Doorasho xalaal ah, nabadgalyada la ilaaliyo, anshaxa Doorashada lagu galayana la ilaaliyo, iyadoo tartanku furan yahay, oo dabcan Xisbi waliba wuxuu xaq u leeyahay iyo wixii uu ku tartamayo uu soo bandhigi doono, haddana qaabka ay tilmaamayaan wareegtooyinkaas uu Madaxweynuhu soo saaray, ee Guddida Doorashooyinkuna soo saartay, in lagu dhaqmo oo la wada taageero ayaanu rajaynaynaa, cid waliba ha ku dhaqanto, cida aan ku dhaqmina ha la wada ogaado in sharciga iyo xeerku qabanayo, muddada Doorashada ka hadhayna, Dawladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudduhuba aad iyo aad ayey nabadgalyada u ilaalinayaan, wax xad gudub ahna yeeli mayno, cidna ka yeeli mayno carqalad iyo wax nabadgalyada lid ku ah, qof walba, Xisbi waliba iyo koox walba iyo deegaan waliba waa inay ilaaliyaan nabadgalyada, cid walba oo carqalad keentana sharciga ayaa lala tiigsanayaa”

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ee Turkigu ka furtay Muqdisho iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland ayaa yidhi “Somaliya wixii ay heshiisyo gasho iyada ayaa akhtiyaarkeeda ku gashay, inaga magaceena ku gali mayso, wadan waliba wuu u madax banaan yahay cida uu heshiis la galayo iyo siyaasadiisa arrimaha dibadda iyo nabadgalyadiisaba inuu ilaashado, wadan walbana uu ka digtoon yahay wixii saamayn ku yeelan kara nabadgalyadiisa, inaga wadan ahaan wax saamayn inagu yeelan kara oo toos ah oo ay sheegeen imika ma jirto, laakiin nabadgalyadeena weynu u digtoonahay, oo weynu ilaashanaynaa, wax walba oo khatar inagu ahna weynu ka feejigan nahay, wax walba oo nabadgalyadeena wax yeelanayana difaaceeda waanu ka tabaabushaysanay”.