Argentina Oo U Iska Xaadirisay Finalka Copa America iyo Messi Oo dhigay Rigoodh Cusub.

0
846

messi-1Geeska (Sports) Xulka qaranka Argentina ayaa u gudbay finalka Copa america kadib markii ay xasuuqeen xulka Maraykanka oo ay isku haleeleen ciyaartii semi finalka.

Ezequiel Lavezzi ayaa Argentina hogaanka u dhiibay saddex daqiiqo oo kaliya markii ciyaartu socotay

Kabtanka Argentina captain Lionel Messi ayaa u labeeyey kubad laag xor ah oo uu si layaab leh xaga sare uga xareeyey isla qaybtii hore ee ciyaarta.

Goolkaas oo ahaa kii 55 aad ee uu qarankiisa u dhaliyo, wuxuu kuqabsaday rikoodhka gool dhalinta xulka Argentina.Gonzalo Higuain ayaa laba daran-doori ah u raaciyay.

Argentina ayaanay guushu ku raacday 4 iyo 0. Waxaanay sidaasi ku xaqiijisay Finalka Copa America oo ay ku wehelin doonto kooxda soo baxda Labada kooxood ee Colombia iyo Chile.