Ardayda Jaamacadda Addis Ababa Medical University College Oo Hawlgal Caafimaad Ah Ka Fuliyey Xaafada Sh. Cumar

0
679

Picture1Hargeysa(Geeska)-Manta oo taariikhdu ahayd  8/4/2014, xerada qaxoontigu dagan yahay ee sheikh cumar IDPs waxaa laga fuliyay hawlgal caafimaad, hoosayso 5 sanno iyo hooyooyinka uurka leh, hawlgalkaas caafimaad oo ay ujeedadiisu ahayd u kuurgalka xaalada nafaqo ee degmadaas, kaas oo ay fulinayeen qaarka mid ah ardayda ka qalin jebinaysa Jaamacadda addis-ababa medical university college hargeisa compus,  ee ku hawlan xog-ogaanshaha baahiyaha caafimaad ee bulshada (community health need assessment), hawlgalkaas oo ahaa mid lagu bixinayey baadhitaan ah nooca looyaqaan (physical assessment and anthropometric measurement), daawayn iyo talo-bixin caafimaad oo loo fidiyey bulshadaas danyarta ah ee ku dhaqan xeradaas qaxooti ee sh.cumar IDPs.

Haddaba waxaa manta ay ardaydaas katirsan bahweynta caafimaadka kusameeyeen baadhitaan iyo daawayn dad ay tiradoodu dhan tahay 350 carruur ah iyo 80 hooyo oo uurley ah, kuwaas oo ay ka daweeyeen intooda badan xanuunada nafaqo-darada, sambabada iyo neefmareenada, kaadimareenka iyo kelyaha, shubanka iyo xanuunada maqaarka iyo hooyooyinka oo laga daweyey dhiig la’aan.

Ardayda hawshan fulinaysey waxay ahayd group three oo  ka mid ah ardayda upgrade-ka ee jaamacadda addis ababa medical university college kuwas oo ku mashqulsan hawshoodii caafimaad ee bulshada.