Arday Reer Somaliland Ah Oo Wax Ka Barta Jaamacada Hope Oo Ku Qalinjebiyay Kampala

0
557

Picture4Kampala(Geeska)-26 arday oo reer Somaliland ah oo qaatay shahaadada sare ee Master ayaa ka mid noqday 2873 arday oo khamisitii ka qalin jebiyay jaamacadda Kampala University ee wadanka Ugaandha, waxaanay ardaydani wax ka bartaan jaamacadda Hope University ee magaalada Hargeysa oo xidhiidh iskaashi la leh jaamacaddaas Kampala.

Ardaydan reer Somaliland waxa xafladda qalin jebinta magaalada Kampala kaga qayb galay lix arday oo Hargeysa ka ambobaxay, halka kuwa kalena dhawaan magaalada Hargeysa loogu samayn doono xafladii qalin jebintooda. Ardayda ka qayb gashay xafladda qalin jebinta ee Kampala ka dhacday waxa weheliyay guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Hope Prof. Najiib Sheekh Cabdikariim iyo Mukhtaar Cumar oo ka tirsan maamulka Jaamacadda.

Ardayda reer Somaliland ee 26-ka ah ayaa shahaadooyinkooda Master-ta waxay ku kala qaateen Master of diplomacy and international relations, master of public health management, Master of Development studies iyo MBA.

Jaamacadda Hope oo ka sakow Somaliland, laamo ku leh magalooyinka Muqdisho iyo Garowe ee Somaliya, waxa guud ahaan ardayda Somaliland iyo Somaliya uga qalin jebisay ay sannadkan noqonayaan 59 arday oo ah dufcadii 3aad.

Somaliland, waxa sannadkii koowaad ka qalin jebiyay 9 arday, sannadkii labaadna 10, halka ay maantana qalin jebiyeen 26 arday.

Xafladda qalin jebinta oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay, waxa ka qayb galay wasiirka waxbarashada Ugaandha, madax sare oo ka socotay wadanka Tansaaniya iyo marti kale oo gaadhay laba iyo toban kun oo ruux.