Arday Imtixaanaadka Maskax Xumo Darteed U Dhici Jiray Oo Maanta Ah Ninka Dunida Ugu Xusuusta Xooggan

0
1324

1London (Geeska)- Dominic O’Brien oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa lagu tilmaamay in uu yahay ninka aadamaha maanta dunida ku nool inta la og yahay ugu xusuusta badan, kadib markii siddeed sano oo isku xigta uu si mucjiso ah kaalintta koowaad u galay tijaabo loogu tartamayey awoodda xusuuseed ee aadamaha. Buugga lagu ururiyo arrimaha layaabka ku ah aadamaha ee lagu magacaabo Guinness World Record ayaa Dominic sannadkii 2002dii u aqoonsaday in uu yahay ninka dunida ugu xasuusta badan, kadib markii u usi sahal ah u xasuustay 2808 (54 baaakidh) oo turub ah oo inta mar la wada tusay kadib dhabarka loo rogay si uu mid kasta u xasuusto.

Ninkan oo hadda ah qoraa leh dhowr buug oo uu kaga hadlo xusuusta iyo xoojinteedu waxa kale oo uu caan ku yahay muxaadarooyin uu ka jeediyo jaamacadaha iyo tababarro la xidhiidha xusuus dhiska oo uu meelo kala duwan oo dunida ah ku qabto.

Arrinta xiisaha lihi waa in Dominic aanu ku dhalan xusuusta, oo markii uu dhashay ahaa qof caadiya, sidoo kale ardaynimadiisii uu ahaa qof xitaa inta caadiga ah ka hooseeya, sida uu isaguba naftiisa kaga sheekeeyey, oo uu sheegay in imtixaannada uu dhici jirtay, si joogto ahna loogu dhex ceebayn jiray fasallada waxbarashada, laakiin waxa ay arrintu mar keliya is beddeshay sannadkii 1987kii oo mar keliya la arkay isaga oo awood u leh xusuus yaab leh oo inta dabiiciga ah aad uga badan.

Dominic oo dhashay bishii Ogos ee sannadkii 1957kii ayaa carruurnimadiisii lagu arkay in uu yahay carruurta akhrisku dhibaatada ku yahay, feejignaanta maskaxdooduna inta dabiiciga ah ka hoosayso, arrintan oo sababteeda lagu xidhiidhiyey shil isaga oo naaska jaqaya ay hooyadii la gashay oo gaadhsiiyey jug madaxa qaybtiisa hore ah, sidaa awgeed dhakhaatiirtu mar kasta oo baahsanaanta maskaxdiisa iyo liidashadiisa waxbarasho loo sheego, shilkanna ay ogaadaan waxa ay ku adkaysan jireen in shilkaasi uu jug gaadhsiiyey maskaxda.

Dominic waxauu sheegay in dhibaatadaa dhinaca maskaxda ka haysatay aanay niyad jabin balse uu go’aansaday in uu xusuustiisa koriyo, isaga oo ku celceliyey in qofka bani’aadamka ahi wax kasta samayn karo, haddii uu go’aan fiican iyo hal-adayg la yimaadd.

Sannadkii 1987kii ayaa Dominic waxa uu talefishanka ka daawaday nin la sheegayo in uu awood u leeyahay in uu xafido tiro kaadhadhka turubka ah, arritaas oo aad u soo jiidatay awgeed ayaanu go’aansaday in uu isaguna xusuustaas oo kale samaysto, laakiin waa uu dhaafay oo maanta waxa uu awoodaa in uu dusha ka xafido kaadhadh turub oo uu ilbidhiqsiyo keliya isha wada mariyey kadibna laga rogay. “Sideedaba maskaxdu sawirka iyo hadalka waxa ay xasuusan ogtahay sawirka, sidaa awgeed haddii aad doonayso in aad xasuusato badeecado 10 ah oo aad doonayso in aad suuqaka soo adeegato,  waxa keliya ee kula gudbooni waa in aanad badeecadahaas magac ahaan u xafidin, ee aad ku dadaasho in shay kasta sawirkiisa aad maskaxda geliso ee aanad magacyadooda xusuustooda isku mashquulin. Haddii sawirka iyo qiso la isku xidhana waaba ay ka sii fiicnaanaysaa” Sidaas ayaa uu Dominic yidhi mar uu dhowaan muxaadaro xusuus-xoojin ah a galay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxa aanu sheegay in maskaxdu ay u qaybsanto laba qaybood oo kala ah, xusuusta ku meel-gaadhka ah iyo xusuusta shaqaysa, dadka badankooduna waxa ay adeegsadaan xusuusta ku-meel-gaadhka ah, dadkuna sidoodaba waxa ay leeyihiin xusuus awood badan, balse kuma baraaruugsana, mana rumaysna in xusuustooda ay korin kara.