Gaajada Ka Dheeree! W/Q: Abokor Jirde Cabdi

Published on Sep 30 2015 // Maqaalo
Noloshu cuyub ayay iila ekonaatay. Indho kul kulul oo soo taaggan,ayay igu soo eegtay; cataw iyo calaacal ayaa iga soo hadhay. Wax la ii sawir. Sawir jaan oo riyo ah, runnimadiisana aannan wali xaqiiqsan. Iimaanku iga maqan, Shalay maahee darraad ayuu I nabad galyeeyay. Faq aannu yeelannay saaxiibkay...

NinKa Dagaalka Iyo Rabshaddu Ku Badan Yihiin, Waxa Uu Cuqdad Ka Qabaa, Fikirka Ay Dadku Ka Aaminsan Yihiin Ragannimadiisa Oo Uu Doonayaa In Uu U Muujiyo

Published on Sep 30 2015 // Googooska Geeska
NinKa Dagaalka Iyo Rabshaddu Ku Badan Yihiin, Waxa     Uu Cuqdad Ka Qabaa, Fikirka Ay Dadku Ka Aaminsan         Yihiin Ragannimadiisa Oo Uu Doonayaa In Uu U Muujiyo
Washington (Geeska)- Cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in ragga nafsi ahaan u aaminsan in ragannimadoodu ka yara hoosayso intii caadiga ahayd ama ugu yaraan ay dadku sidaa u arkaan ay dareemaan diiqad iyo cuqdad nafsi ah oo inta badan dabeecaddooda ka dhigta mid dagaalka iyo rabshadda...

Khatarta Caafimaad Ee Shambooyada Gacmaha Lagu Maydhaa Ay Ku Keenaan Ubadka Iyo Sababta

Published on Sep 30 2015 // Googooska Geeska
Khatarta Caafimaad Ee Shambooyada Gacmaha  Lagu Maydhaa Ay Ku Keenaan Ubadka Iyo Sababta
Washington (Geeska)- Tirokoob ay faafisay xarunta ku sumowda dawooyinka oo ka tirsan cisbitaalka Kansas ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in dalka Maraykanka 153 carruur ah sannadkan oo keliya uu ku dhacay sumow sababtiisu Al-kool (Isbiirto) tahay, kadib markii afkooda uu si uun ku gaadhay shaambooga...

Adeeg Cusub Oo Talefannada Casriga Ah U Suurto-Gelinaysa In Ay Si Sahal Ah Sawirrada U Wadaagaan

Published on Sep 30 2015 // Googooska Geeska
Adeeg Cusub Oo Talefannada Casriga Ah U Suurto-Gelinaysa In Ay Si Sahal Ah Sawirrada U Wadaagaan
Hargeysa (Geeska)- Maalmihii u dambeeyey waxaa suuqyada ku jiray adeeg cusub oo dadka isticmaala talefannada iyo aaladaha kale ee casriga ah u suurtogelinaya in si sahal ah ay u wadaagaan sawirrada. Adeeggan oo lagu magacaabo Shoto waxa uu suurtogelinayaa in asxaabta ama ehelka iyo cid kasta oo doonaysaaba...

Musharaxnimada Muuse Biixi Iyo Maxamed Biixi: Waxa Ay Madaxweyne Siilaanyo Ku Qasbi Doonta Laba Daran Mid Dooro

Published on Sep 30 2015 // Warar
Musharaxnimada Muuse Biixi Iyo Maxamed Biixi: Waxa Ay Madaxweyne Siilaanyo Ku Qasbi Doonta Laba Daran Mid Dooro
Hargeysa(Geeska)-Loolanka musharaxnimo ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi ee ku saabsan musharaxnimada xisbiga KULMIYE, ayaa u muuqda in uu Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisaba dhaxalsiinayo dhaawac siyaasadeed oo riiqdiisu daba dheeraato. Musharaxnimada labadan siyaasi oo leh...

Dawladda Somaliya Oo Dawladda Somaliland Ku Cambaaraysay Xadhiga Kooxda Fanaaniinta Ah Ee Xabsiga Ku Jira

Published on Sep 30 2015 // Warar
Dawladda Somaliya Oo Dawladda Somaliland Ku Cambaaraysay Xadhiga Kooxda Fanaaniinta Ah Ee Xabsiga Ku Jira
Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa dawladda Somaliland ku cambaaraysay xadhiga kooxda fanaaniinta ah ee ah ee ay dawladda Somaliland dhawaan xabsiga u taxaabtay. Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Somaliya Cabdiraxmaan Caynte, ayaa qoraalo dhawr ah oo uu geliyay barta uu...

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Puntland Ka Gaysatay Gudaha Somaliland

Published on Sep 30 2015 // Warar
Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Puntland Ka Gaysatay Gudaha Somaliland
Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Faarax Buureed, ayaa sheegay in Ciidamo Puntland ah oo ku soo xadgudbay biyaha Somaliland dileen muwaadin Kaluumayste ah ee reer Somaliland ah. Arrintan oo ka dhacday biyaha Somaliland ee aagga degmada Laasqoray ayuu wasiirku...

Kaftan: Guuguule Oo Gabay Ku Socda Maxamed Biixi Ka Soo Qaaday Muuse Biixi

Published on Sep 30 2015 // Warar
Kaftan: Guuguule Oo Gabay Ku Socda Maxamed Biixi Ka Soo Qaaday Muuse Biixi
Anigoo xalay gelin dhexaadkii gaaf-wareegaya Hargeysa ayaan ka dul degay ninkii Muuse Biixi oo hoos fadhiya geed ku yaala gurigiisa. Waxaanan ka soo bawsaday gabay kooban oo uu iigu soo dhiibay Maxamed Biixi, waxaanu yidhi Horta Maxamed Biixoow Ilayn waad maqnaydoo Dalka maanad joogine Marmar inaynu...

Qisaska Xanuunka Badan Ee Xujaydii Ku Wax-Yeellowday Shilkii Mina

Published on Sep 30 2015 // Warar
Qisaska Xanuunka  Badan Ee Xujaydii Ku Wax-Yeellowday Shilkii Mina
Riyaad (Geeska)- Shaqaalihii badbaadinayey dadkii ku wax yeelloobay Is-jiidhkii xujayda ee ka dhacay Mina iyo dadkii kale ee goob-joogga ahaa ayaa ilmada xejisan kari waayey markii ay arkeen xaajiyad gacanta haysata odaygeedii oo ka mid noqday dadka shilkan ku geeriyooday. Xaajiyaddan oo u dhalatay qaaradda...

Machadka Sidam Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Dufcadii 11-aad Ee Ka Qalan Jabisa

Published on Sep 30 2015 // Warar
Machadka Sidam Oo  Shahaadooyin Gudoonsiiyay Dufcadii 11-aad Ee Ka Qalan Jabisa
Hargeysa (Geeska)-Machadka Sidam College ee xaruntiisi tahay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qalan jabiyey dufacadii 11-aad, iyada oo Ardayda ka qalan jabiyey ay ahaayeen 350 Arday oo bartay culuunta kala duwan ee uu Machadkani bixiyo. Munaasibadii Shahaadooyinka lagu bixinaayey oo Shalay ka dhacday...

Wiil Yar Oo Uu Dhaawac Gubasho Ahi Soo Gaadhay Markii Talefanka Gacantu Jeebkiisa Ku Dhex Qarxay

Published on Sep 29 2015 // Googooska Geeska
Wiil Yar Oo Uu Dhaawac Gubasho Ahi Soo Gaadhay Markii Talefanka Gacantu Jeebkiisa Ku Dhex Qarxay
Qaahira (Geeska)- Wiil yar oo 12 sano jir ah ayaa uu dhaawac culusi ka soo gaadhay bawdyada kadib markii uu si lama filaan ah ugu qarxay talefanka gacanta (Mobile) oo jeebkiisa ku jiray xilli uu sis i caadi ah isaga dhex fadhiyey saaxiibbadii. Wiilkan yar oo lagu magacaabo Cabdillaahi Al-Xarbi ayaa la...

Xulka Qaranka Ee Kubbadda Cagta Haweenka Iiraan Oo La Ogaaday In Ay Siddeed Nin Ku Dhex Jireen Muddo

Published on Sep 29 2015 // Googooska Geeska
Xulka Qaranka Ee Kubbadda Cagta Haweenka Iiraan  Oo La Ogaaday In Ay Siddeed Nin Ku Dhex Jireen Muddo
Tehran (Geeska)- Fadeexad weyn ayaa soo waajahday dalka Iiraan kadib markii jimcihii toddobaadkan uu soo baxay war xaqiijinaya in Siddeed ciyaartoy oo rag ahi ay ka qayb qaateen ciyaarihii xulka kubadda cagta Qaranka ee hablaha Iiraan ay kaga qayb galeen koobkii adduunka ee kubadda cagta hablaha oo sannadkii...

Shakhsiyadda Gabadha Iyo Dabeecadaheeda Daahsoon Ee Ragga Badankoodu Aanay Aqoonin (Q:2)

Published on Sep 29 2015 // Googooska Geeska
Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Sayidati oo ka falloota arrimaha iyo haweenka iyo guud ahaan qoyska. Waxa aana aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dabeecadaha u gaarka ah shakhsiyadda haweenka laakiin ragga badankoodu aanay fahmin: 3. Gabadhu waxa...

Dacwadii U Dhaxaysay Jaamacada Hargeysa Iyo Jaamacada Hargeisa International University Oo La Soo Gunaanaday

Published on Sep 29 2015 // Warar
Dacwadii U Dhaxaysay Jaamacada Hargeysa Iyo Jaamacada Hargeisa International University Oo La Soo Gunaanaday
?Hargeysa(Geeska)-Waxa Axadii toddobaadkan si rasmi ah ay maxkamadda gobalka Hargeysa u soo gunaanaday dacwad u dhaxaysay jaamacada Hargeysa iyo jaamacad kale oo la baxday Hargeisa International University. Jaamacada Hargeysa ayaa dacwad ku oogtay jaamacadan cusub oo uu aasaasay Dr. Cabdi Gaas oo hore...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Odayaal Kala Taageersan Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi U Balan Qaaday Inuu Dhex U Noqon Doono

Published on Sep 29 2015 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Oo Odayaal Kala Taageersan Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi U Balan Qaaday Inuu Dhex U Noqon Doono
Hargeysa(Geeska)-Ka dib markii ay habeenimadii Axadu soo galaysay ee toddobaadkan ay Madaxweyne Siilaanyo la kulmeen laba garab oo kala taageersan Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu Madaxweyne Siilaanyo labada garaba u cadeeyay inuu dhex u yahay dhammaan tartamayaasha. Madaxweyne...

Xasan Guure Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Soo Daynta Fanaaniinta

Published on Sep 29 2015 // Warar
Xasan Guure Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Soo Daynta Fanaaniinta
Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa Xukuumadda ku canbaarayey xadhigii Fanaanta Xiddigaha Geeska ee Xamar tagay, waxaanu sheegay in aanay Fanaantu ahayn Siyaasiyiin, Xamarna u tageen oo qudha bandhig iyo inay ka soo heesaan, waxaanu Xukuumadda...

“Xukuumadda Cid Uga Wanaagsan Gacan Ku Haynta Haamaha Ma Jirto”

Published on Sep 29 2015 // Warar
“Xukuumadda Cid Uga Wanaagsan Gacan Ku Haynta Haamaha Ma Jirto”
Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan Shaadh oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa Xukuumadda u soo jeediyey talo ah inay gacanta ku hayso Haamaha Shidaalka, waxaanu tilmaamay in cid Xukuumadda ugu wanaagsan gacan ku haynta Haamuhu aanay jirin, balse waxa uu kula taliyey inay...

“Waxaanu Raacnay Waddo Cusub Oo Ah Saxafiga Inaan Loo Xidhin Mihnaddiisa Uu Gudanayo”

Published on Sep 29 2015 // Warar
“Waxaanu Raacnay Waddo Cusub Oo Ah Saxafiga Inaan Loo Xidhin Mihnaddiisa Uu Gudanayo”
Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay inay dejiyeen hanaan cusub oo ay raacayso cidda cabasho ka qabta Saxaafadda islamarkaana aanay dhici doonin hay’ad warbaahineed ama suxufi lagu xidho mihnaddiisa xukun la’aan. Waxa uu sidoo kale ka...

Dayax Madoobaadka September Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Diimaha iyo Dhaqamada Aadamaha

Published on Sep 29 2015 // Warar
Dayax Madoobaadka September  Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Diimaha iyo Dhaqamada Aadamaha
Sida aynu la wada socono madoobaanshiiyaha dayaxa iyo cadceeda labaduba waa laba dhacdo oo aragtida cilmiga ah ee casrigan tilmaan u ah dhacdo marxaladeed yar oo uu dhulku ama dayaxu marba mid kagu gudbamayo xagga iftiinka cadceeda dabadeedna uu hadhka ka samaysmay uu dhulka ama dayaxu kolba kan kale...

Ma Warancade Ayaan Ahayn Ninkaan Aqaanay Mise Anigaan Anigii Ahayn?

Published on Sep 29 2015 // Maqaalo
Ma Warancade Ayaan Ahayn Ninkaan Aqaanay Mise Anigaan Anigii Ahayn?
?Cali Maxamed Warancade, waxaan bartay hilaadii lixdamaadkii oo uu joogay saldhiga dhexe ee Hargeysa oo aan filayo inuu madax ka ahaa xafiiska OP-ga loo yaqaano. Intaas wixii ka dambeeyay barasho wanaagsan ayaan u lahaa xilal kala duwan oo aan ahayn kuwa sare oo dawladii Somaliya ka qabtayna dusha ayaan...

Boqor Buur-Mawow Waa Dhif iyo Naadir Hoggaamiye Dhaqameed La Miisaan iyo karti ah

Published on Sep 29 2015 // Maqaalo, Warar
Boqor Buur-Mawow Waa Dhif iyo Naadir Hoggaamiye Dhaqameed La Miisaan iyo karti ah
Boqor Cismaan Aw Maxamuud ‘’Buur-Madow’’ waa halyey ku suntan run sheeg badan oo loo arko, in uu yahay nin ka xoroobey aafada qoobadaysan ee qabyaaladdu leedahay iyo sidoo kale, bakhaylnimada- dhab caalnimada ku salaysan. waa nin fikirkiisa aan ugu hamran shakhsi  boqor iyo...

Shakhsiyadda Gabadha Iyo Dabeecadaheeda Daahsoon Ee Ragga Badankoodu Aanay Aqoonin (Q:1)

Published on Sep 27 2015 // Googooska Geeska
Hargeysa (Geeska)- Ninku marka uu doonayo in uu qalbiga gabadha ku dhowaado si uu u hanto waxa uu inta badan ku daalaa raadinta sirta iyo hal-xidhaalaha ku duugan shakhsiyadda gabadhan, waxa aanu in badan waqti ku lumiyaa in uu ogaado waxyaabo gaar ah oo nolosheeda ku saabsan, taariikhdeeda iyo nolosheeda...

Aaladaha Casriga Ah, Sida Tablet Ku Waxa Ay Ubadka Ku Keenaa Caafimaad Darro Badan Oo Nafsi Ah

Published on Sep 27 2015 // Googooska Geeska
Aaladaha Casriga Ah, Sida Tablet Ku Waxa Ay  Ubadka Ku Keenaa Caafimaad Darro Badan Oo Nafsi Ah
Qaahira (Geeska)- Khubaro caafimaad ayaa ka digay in carruurta aadka u da’da yar loo ogolaado isticmaalka aaladda Tablets ka loo yaqaanno ee ay ka mid yihiin (iPad ka iyo Tablets ka) iyaga oo xaqiijiyey in ay ku keenaan ilmaha khalkhal dhinaca hadalka ah, ama in ilmuhu uu hore u hadal baran waayo,...

Cudur-Daarrada Yaabka Leh Ee Aynu Mararka Qaar Ku Sababayno Ka Maqnaanshiyaheenna Shaqada (Q:2)

Published on Sep 27 2015 // Googooska Geeska
London (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaasha kula wadaagayey qormadan soo bandhigaysa qaar ka mid ah cudur-daarrada yaabka leh ee dadka qaar ay ku sababeeyaan ka maqnaanshiyahooda shaqada. Wargeyska qormadan oo uu Afsoomaali u rogay waxa uu ka soo xigtay BBC...

Wargeyska Indian Ocean Oo Sheegay In Cabdiraxmaan-Cirro Uu Madaxweyne Siilaanyo Kaga Dheereeyay Xidhiidhka Uu Beesha Caalamka La Leeyahay

Published on Sep 27 2015 // Warar
Wargeyska Indian Ocean Oo Sheegay In  Cabdiraxmaan-Cirro Uu Madaxweyne Siilaanyo Kaga  Dheereeyay Xidhiidhka Uu Beesha Caalamka La Leeyahay
Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii toddobaadkan soo baxay wuxuu ku qoray in guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweyne Siilaanyo kaga dheereeyay xidhiidhka beesha caalamka. Beesha caalamka ayuu wargeysku qoray inay doonayso inay Cabdiraxmaan-Cirro...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar U Baxaya Iyo Kulaylka Xumadii KULMIYE Oo La Dareemayo

Published on Sep 27 2015 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar U Baxaya Iyo Kulaylka Xumadii KULMIYE Oo La Dareemayo
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta u socdaalaan wadamada Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Ireland. Madaxweyne Siilaanyo ayaa lugtiisa koowaad sii mari doona dalka Imaaraadka Carabta, isagoo horaanta bisha Oktoobar gaadhi...

Cirro Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Culays Gaar Ah Oo Ay Dhul Dhigtay Bulshada Reer Saaxil

Published on Sep 27 2015 // Warar
Cirro Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Culays Gaar Ah Oo Ay Dhul Dhigtay Bulshada Reer Saaxil
Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay xukuumadu culays dheeraad ah saarayso magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil. Md. Cirro oo shalay ka soo noqday safar uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta,...

“Xukuumaddani Wey Ka Indho Adag Tahay, Xukuumaddii Hore”

Published on Sep 27 2015 // Warar
“Xukuumaddani Wey Ka Indho Adag Tahay, Xukuumaddii Hore”
Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilad, ayaa is barbar dhig ku sameeyey Xukuumaddan iyo Xukuumaddii hore ee uu Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa, waxaanu sheegay inay Xukuumaddani ka liidato kana faan badan tahay xukuumaddii hore. Xildhibaan...

Xarunta Xuquulqan Insanaka Oo Cambaaraysay Xadhiga Weriye Soofadhiiste Iyo Suldaan Sabayse

Published on Sep 27 2015 // Warar
Xarunta Xuquulqan Insanaka Oo Cambaaraysay Xadhiga Weriye Soofadhiiste Iyo Suldaan Sabayse
Hargeysa(Geeska)-Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ayaa cambaaraysay xadhiga loo gaystay weriye Maxamed Cabdillaahi (Soofadhiiste) iyo Suldaan Mawliid Sabayse. Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha xaruntan Guuleed Axmed Jaamac, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay...

Suldaan Baane Oo Ka Hadlay Xadhiga Boqor Raabi Iyo Qaddiyadda Banka Qoolcaday

Published on Sep 27 2015 // Warar
Suldaan Baane Oo Ka  Hadlay Xadhiga Boqor Raabi  Iyo Qaddiyadda Banka Qoolcaday
Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cali Baane oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay xidhitaanka banka qoolcaday iyo xadhiga lagula kacay boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi. Suldaan Cali Baane ayaa arinta kaga hadlay qoraal uu ka soo saaray magaalada Hargeysa, Suldaanku, wuxuu yidhi “Aniga...

Weriye Soofadhiiste oo Dib Xorriyadiisa U Helay

Published on Sep 27 2015 // Warar
Weriye Soofadhiiste oo  Dib Xorriyadiisa U Helay
Hargeysa(Geeska)-Weriye Maxamed Cabdillaahi soofadhiiste ayaa shalay xorriyadiisii dib u helay ka dib laba maalmood oo uu ku xidhnaa saldhiga dhexe ee Berbera. Weriyahan iyo saxafiyiin kale oo la raadinayo ayaa lagu haysta warar ay ka baahiyeen qaylo iyo foodhi lagula kacay wasiir-xigeenada xanaanada...

Dhibaatooyinka Nafsiga Ah Ee Ninka Soo Waajaha Marka Ay Xaaskiisa Kala Tagaan

Published on Sep 24 2015 // Googooska Geeska
Dhibaatooyinka Nafsiga Ah Ee Ninka  Soo Waajaha Marka Ay Xaaskiisa Kala Tagaan
Hargeysa (Geeska)- Sida ay xeeldheerayaasha cilminafsigu ka marag kaceen, ragga ay xaaskooda kala tagaan waxaa inta badan ay isku arkaan shucuur fashilaad iyo niyad jab ah, baadhitaanno ay xeeldheerayaashani sameeyeen ayaanay ku ogaadeen in inta badan ay dhibtan nafsiga ah ee raggan ku dhacdaa ay ka...