Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Fawaxish La Sameeyo Sannadka Cusub

Published on Dec 31 2011 // Warar
Sheekh Dirir Oo Ka Digay In Fawaxish La Sameeyo Sannadka Cusub
Hargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay wuxuu ku soo qaatay mawduuc muhiim ah oo uu kaga digayay fawaaxishka ay dadka qaarkii sameeyaan sannadka cusub ee taariikhda milaadiga oo uu sannadkii 2012 caawa bilaabmayo, haddii Alle idmo. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Canaan Iyo Wax U Sheeg Isugu Daray Wasiiradiisa

Published on Dec 31 2011 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Oo Canaan Iyo Wax U Sheeg Isugu Daray Wasiiradiisa
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa canaantay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaanu ku waaniyay inay joojiyaan in warbaahinta la isugu jawaabo iyo weliba in waxyaabaha lagaga wada hadlo kulamada golaha wasiirada lagu baahiyo wargeysyada. Madaxweyne Siilaanyo...

Sarkaal Itoobiyaan Ah Oo Ku Xidhan Madaarka Hargeysa

Published on Dec 31 2011 // Warar
Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee madaarka Hargeysa ayaa khamiistii xidhay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanyahay ismaamulka Somalida Itoobiya ee kililka shannaad. Sarkaalkan oo aanay hay’adaha ammaanku wax war ah ka soo saarin xadhigiisa ayaa laga qabtay madaarka Cigal Airport oo uu ka soo...

Wasiir Duur Oo Qiray Culayska Saaran Wasiirul Daakhiliga

Published on Dec 31 2011 // Warar
Wasiir Duur Oo Qiray Culayska Saaran Wasiirul Daakhiliga
Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa qiray culayska saaran qofka masuul looga dhigo amniga Somaliland, waxaanu ka sheekeeyay fikirkii uu ka aaminsanaan iyo aragtidiisa hadda oo loo dhiibay xil culays badan. Wasiir Duur oo shalay hadal ka jeediyay xaflad...

Waraysi Gaar Ah: Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Ka Jawaabay Su’aalo Kala Duwan

Published on Dec 30 2011 // Warar
Waraysi Gaar Ah: Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Ka Jawaabay Su’aalo Kala Duwan
Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka waramay halka ay u marayaan laba mashruuc oo dib loogu dhisayo madaarada Hargeysa iyo Berbera, kaas oo ay maalgelinayso dawladda Kuwayt. Wasiir Xaashi, oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay...

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo is difaacay

Published on Dec 30 2011 // Warar
Hargaysa( Geeska )-Wasiirka wasaarada Macdanta biyaha iyo tamarta Md.  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay si adag uga hadlay lunsigii lacageed ee lagu eedeeyay, waxanu wasiirku iska fogeeyay eedaymahaas loo soo jeediyay, isaga oo ku tilmaamay in maxkamad layskula gali karo arintaas. Sidaasina waxa...

Qaybta Labaad Ee Waraysiga Dr. Gabose

Published on Dec 28 2011 // Warar
Qaybta Labaad Ee Waraysiga Dr. Gabose
Hargeysa, (Geeska)- Akhristayaal cadadkii shalay ee Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee waraysi dhinacyo badan oo aanu la yeelanay Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo ah guddoomiyaha urur syaasadeedka UMADDA. Qaybtan labaadna wuxuu kaga hadlayaa arrimo kala duwan oo ay ka mid...

Xasan Ciise Oo Cabanaan Ku Dhaliilay Xukuumadda Siilaanyo

Published on Dec 28 2011 // Warar
Xasan Ciise Oo Cabanaan Ku Dhaliilay Xukuumadda Siilaanyo
Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa Madaxweyne-xigeenkii u horeeyay ee ay Somaliland yeelato ayaa is barbar dhig ku sameeyay farqiga u nuglaanshaha mucaaradada ee u dhexeeya xukuumadii hore ee UDUB iyo xukumadan KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo. Xasan Ciise Jaamac, oo...

Ma Dhabaa In Siilaanyo Fulinayo Taladii Rayaale Ee Inaanu Saddex Nin Xilka Ka Qaadin?

Published on Dec 27 2011 // Warar
Ma Dhabaa In Siilaanyo Fulinayo Taladii Rayaale Ee Inaanu Saddex Nin Xilka Ka Qaadin?
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay in kulan uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay markii talada lagaga guulaystay balse aanu xilka wareejin uu tallo ku siiyay inaanu xilka ka qaadin saddex masuul oo ka tirsanaa xukuumadiisa.   Inkastoo aanu...

Waraysi Gaar Ah Oo uu Geeska afrika La Yeeshay Dr. Gabose

Published on Dec 27 2011 // Warar
Waraysi Gaar Ah Oo uu Geeska afrika La Yeeshay Dr. Gabose
Hargeysa, (Geeska)- Gudoomiyaha ururka UMADA, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay inaanu wax aqoon ah u lahayn nin sheegay inuu qaatay magaca ururkiisii, xilligan loo fasaxay wejigii labaad ee dhaqdhaqaaqa dhowaana dhamaan gobolada dalka gaadhi doonaan. Dr, Maxamed C. Gaboose ayaa cadeeyey inay u...

“Anigu Weligayba Waxaan Watay Warancade”..Axmed Yuusuf Yaasiin

Published on Dec 25 2011 // Warar
“Anigu Weligayba Waxaan Watay Warancade”..Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa(Geeska)-Ku simaha guddoomiyaha UDUB ahna guddoomiye xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha xisbiga. Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu si cad u sheegay inuu isagu watay in Cali Maxamed Warancade noqdo murashaxa Madaxweyne...

Wasiirka Macdanta Iyo Biyuhu Ha Is Casilo…Staff Writer

Published on Dec 25 2011 // Warar
Wasiirka Macdanta Iyo Biyuhu Ha Is Casilo…Staff Writer
Hargeysa(Geeska)-Jimcihii waxa mar qudha magaalada caasimadda ee Hargeysa ku faafay war sheegayay inuu is casilay wasiirkii maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka cadhooday wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, oo lacag uu ka soo qaaday labada shirkadood ee macdanta ee Opher Energy...

Madaxweynaha Oo Xeelad Ku Hakiyay Istiqaaladii Maxamed Xaashi, Sababta Keentay iyo Kulankii Xalay

Published on Dec 24 2011 // Warar
Madaxweynaha Oo Xeelad Ku Hakiyay Istiqaaladii Maxamed Xaashi, Sababta Keentay iyo Kulankii Xalay
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wasiirkiisa maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi ka diiday codsi shaqo ka tegis ah oo uu habeen hore u mariyay khadka Email-ka. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo wasiirka maaliyadda midkoodna, laakiin sidan...

Ma Masar Baa Isbedeshay Mise Somaliland Baa Qardo Jeex Ah..Staff Writer

Published on Dec 24 2011 // Warar
Salaasadii toddobaadkan waxa dalka Masar u ambobaxay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu weheliyo Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Weftigaasi waxa ay saxaafadda u sheegeen in ujeedada safarkoodu la xidhiidho martiqaad rasmi ah oo...

Waraysi: Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadii UDUB

Published on Dec 24 2011 // Warar
Waraysi: Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadii UDUB
Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii caafimaadka ee xukuumadii hore ee UDUB Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay in markii uu talada qabtay uu xilalkii ka qaaday agaasimayaashii iyo maareeyayaashii waday hawlaha maamul, kuwaas oo uu sheegay inay sabab u noqdeen inay shaqadii qaranku...

CAWIL MUXUU KA YIDHI MAGACAABISTA CALI XOOR XOOR

Published on Dec 23 2011 // Warar
CAWIL MUXUU KA YIDHI MAGACAABISTA CALI XOOR XOOR
Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadii UDUB Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa u sacabo tumay go’aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Eng. Cali Xoor-xoor ugu magacaabay maareeyaha dekedda Berbera, waxaanu sheegay inay magacaabistiisu muujinayso in wax badan oo uu KULMIYE...

Aragiyaha Laga Bixiyay Magacabista Cali Xoor Xoor

Published on Dec 21 2011 // Warar
Aragiyaha Laga Bixiyay Magacabista Cali Xoor Xoor
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay maareeyaha dekedda Berbera u magacaabay Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-Xoor) waxaanu xilkii ka qaaday maareeyihii dekedda Berbera Md. Axmed Yuusuf Dirir. Madaxweyne Siilaanyo ayaa Cali Xoor Xoor xilkan uu shalay u magacaabay...

Basaasiinta Shiinaha iyo Ruushka Oo Sida Shinida Ugu Xoomay Iran

Published on Dec 21 2011 // Warar
Dawladda Iran ayaa si adag ula gorgortamaysa sirdoonka Shiinaha iyo Ruushka inay u oggolaato inay eegaan oo baadhitaan ku sameeyaan farsamada loo sameeyey dayuuradda bilaa duuliyaha ah ee aan raadarku qaban ee US stealth drone RQ-170 ee dhawaan ay gacanta ku dhigeen cidaanka difaaca cirka ee waddanka...

Xukuumadu Maxay ka tidhi xadhiga Buurmadoow?

Published on Dec 21 2011 // Warar
Xukuumadu Maxay ka tidhi xadhiga Buurmadoow?
Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo muddo ku xidhan dalka Imaaraadka Carabta. Hay’adaha ammaanka ee dawaladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo ka hor xidhay Buurmadoow oo ka soo noqday gudashadii waajibaadka Xajka...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib U Soo Celiyay Cali Xoorxoor

Published on Dec 20 2011 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib U Soo Celiyay Cali Xoorxoor
Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir. Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo...

Gobalka Maroodi jeex Oo Hantiyiyay Koobkii Gobalada

Published on Dec 18 2011 // Warar
Gobalka Maroodi jeex Oo Hantiyiyay Koobkii Gobalada
Gobalka Maroodi Jeex ayaa ku guulaystay koobka gobalada Somaliland ka dib markii uu maanta ciyaartii kama dambaysta 1-0 kaga adkaaday gobalka Hawd oo ay isku soo hadheen. Gobalka Maroodi Jeex ayaa qaybtii hore ee ciyaarta keensaday goolka ay guushu ku raacday, inkastoo uu Hawd isku dayay inuu goolkaas...

Abiib Timacad Oo La Sii Daayay

Published on Dec 18 2011 // Warar
Abiib Timacad Oo La Sii Daayay
Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xalay cawayskii xabsiga ka sii daysay la taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo muddo laba toddobaad ah ku xidhnaa xarunta ciidanka dambi baadhista ee magaalada Hargeysa. Abiib Timacad, ayaa waxa ay xukuumadu ku eedaysay...

Hargeysa: Carwada oo si rasmi ah u furantay

Published on Dec 18 2011 // Warar
Hargeysa: Carwada oo si rasmi ah u furantay
Hargeysa(Geeska)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa shalay furay carwada ganacsiga Somaliland oo soo agasimay ururka Somailland Business Fair, waxaana ka qayb galay shirkado isugu jira wadani iyo ajaanib. Carwadaasi oo ay qaybaha kala duwan ee ganacsigooda ku...

Madaxweynaha Oo Burco Kaga Qayb Galaya Ciyaarta Hargeysa iyo Hawd

Published on Dec 18 2011 // Warar
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta Burco u tagaya ka qayb galka ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka gobalada Somaliland oo maanta ku qabsoomaysa magaalada Burco. Ciyaartaas oo ay ku kulmayaan labada gobal ee Maroodi Jeex iyo Hawd, waxa la filayaa in Madaxweynuhu...

Xukuumada Somaliland oo ku guulaysatay mashruucii ugu balaadhnaa ee biyaha caasimada Hargeysa

Published on Dec 18 2011 // Warar
Hargeysa, (Geeska)- Wasaaradda Tamarta, Macdanta, iyo Biyaha Somaliland ayaa ku guulaysatay mashruucii ugu balaadhnaa ee wax lagaga qabanayey baahida biyo-la’aanta ka taagan caasimada Hargeysa, tan iyo markii jamhuuriyadda Somaliland xornimadeedii la soo noqotay sannadkii 1991. Wasiirka Tamarta,...

Shalay Iyo Xil Wareejintii Labada Taliye Ciidan

Published on Dec 18 2011 // Warar
Hargeysa(Geeska)-Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) ayaa shalay si rasmi ah xilkii uga wareegay taliyihii hore Gen. Nuux Ismacil Taani oo uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore xilka ka qaaday. Munaasibad shalay lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka ayaa...

Qalinkaa Wax Suureeya 18

Published on Dec 17 2011 // Columnists
Qalinkaa Wax Suureeya   18   Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir   Qoraalkeena maanta aan ku bilaabo su’aal u baahan jawaab: Waa maxay taariikhda maanta ina hor taalaa?   Waxa dhici karta in jawaabta su’aashan siyaabo kala duwan looga jawaabo, waa suurogal inay sawir fiican...

Baarlamanku Ma Beddeli Karo Go’aanka Shacabka Ee Dowladdu Yaanay Taageerada Kala Bakhaylin KULMIYE ..W.Q Jamaal Madar

Published on Dec 17 2011 // Warar
Baarlamanku Ma Beddeli Karo Go’aanka Shacabka Ee Dowladdu Yaanay Taageerada Kala Bakhaylin KULMIYE ..W.Q Jamaal Madar
Nidaamka dimuqraadiga ah sidiisaba, awoodda siyaasadeed ee ugu sarreysa (highest political authority) ee dal ka jirta ee aan laga daba hadli karin lana beddeli karin go’aanka ay gaadhaan waa shacabka. Awoodaha hay’adaha dastuuriga ahna intooda ugu doorka roon waxa laga soo dhirindhiriyaa...

Jamaal Cali Xuseen Oo Hargeysa U Imanaya Loolanka Murashaxnimo Ee UDUB

Published on Dec 17 2011 // Warar
Jamaal Cali Xuseen Oo Hargeysa U Imanaya Loolanka Murashaxnimo Ee UDUB
Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa la filayaa inuu toddobaadkan magaalada Hargeysa u yimaado ka qayb qaadashada loolanka murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UDUB. Xisbiga UDUB ayaa toddobaadkan si rasmi ah u shaaciyay in la...

Dr. Gabose oo la kulmay garabka dhallinyarada ee ururkiisa

Published on Dec 17 2011 // Warar
Hargaysa( Geeska ) Ururka Umadda ee uu gadhwadeenka ka yahay Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa xaflad balaadhan u qabtay dhalinyaro tiro ahaan ku dhawaa  700  oo gabdho iyo wiilal isugu jiray. Xafladan oo shalay ku qabsoontay Hotel Kaah ayaa ay masuuliyiinta ururku shaaciyeen inay tahay maalin...

Xildhibaan Mataan iyo laba nin oo kale oo uu Baabuur la gaddoomay

Published on Dec 16 2011 // Warar
Hargeysa(Geeska)-Waxa uu maanta gelinkii dambe gaadhi kula gadoomay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan) iyo laba nin oo kale oo ku sii jeeday magaalada Burco si ay u xoojiyaan gobalka HAWD oo beri ciyaarta kama dambaysta ee koobka gobalada ay iskaga hor imanayaan...

Madaxweyne Siilaanyo Oo Baaqii Xisbiyada Dhegaha ka Furaystay

Published on Dec 15 2011 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Oo Baaqii Xisbiyada Dhegaha ka Furaystay
Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa iska dhego tiray baaqyo uga yimid saddexda xisbi qaran oo uu ku jiray xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE iyo labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID, ka dib markii uu shalay dhaqan geliyay wax ka bedel iyo kaabis  lagu  Xeerka...