Qalinkaa Wax Suureeya 13

Published on Oct 30 2011 // Columnists
  Hal-abuurka iyo Nolosha 3 Bal maanta aan eegno faraqa u dhaxeeya bulshooyinka ku guulaystay  in ay hantaan hal-abuur siyaasadeed oo ay ku maareeyaan noloshooda siyaasadeed iyo kuwa ku fashilmay hanashada hal-abuurka siyaasadda: Bulsho leh Ha-abuur Siyaasadeed: Bulshadan waxa u kacay xubno...

Qalinkaa Wax Suureeya 12

Published on Oct 30 2011 // Columnists
  Hal-abuurka iyo Nolosha 2 Qormadii tan ka horeysay waxa aan tilmaanay sida hal-abuurku muhiim ugu yahay nolosha, mance lagu hirtona aanay yeelanayan noloshu haddii ay baal marto hal-abuurka, iyada oo aan taas ka anba qaadayno waxa aan ku tilmaami doonaaqormooyinkan soo socda macnaha iyo milgaha...

Qalinkaa Wax Suureeya 11

Published on Oct 30 2011 // Columnists
  Hal-abuurka iyo Nolosha 1 Waayaha noloshu wuu badan yahay, hab-dhac lamaane ah ayuu u sameysan yahay; lab iyo dhedig, dhib iyo dheef, aqoon iyo jahli, wanaag iyo xumaan, farxad iyo naxdin, barwaaqo iyo abaar, caddaalad iyo dulmi, cir iyo dhul, bad iyo berri, iwm. Dhammaan lamaaneyaashaas aan tilmaanay...

Qalinkaa Wax Suureeya 10

Published on Oct 30 2011 // Columnists
  Talo iyo Hawl Waxa aan ku tilmaanay qoraalkii hore doorka uu degenaashuhu u leeyahay nolosha, waxa taas ka horeeyey oo aan qoraalo hore ku ifbixinay garaadka iyo garashada oo muhiim u ah geedi socodka nolosha la’aantoodna ay adag tahay in la helo degenaasho, in kasta oo garaadka iyo garashadu...

Qalinkaa Wax Suureeya 9

Published on Oct 30 2011 // Columnists
  DEGANAANSHAHA Degenaanshuhu waa udub-dhexaadka horumarka bulsho walba oo adduunka ku nool, waa kan abuura in lagu fekero beri iyo sida wax u dhacayaan, waxa uu ka yeelaa dadka inay higsadaan hab nololeed oo ka fiican kan ay maanta joogaan, waxa uu fududeeyaa sidii jawaabo ku haboon loogu heli...

TACSI

Published on Oct 30 2011 // Warar
TACSI
1. Siciid Baashe Cambalaash iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa 2. Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) iyo Xaaskiisa iyo carruurtiisa 3. Faysal Aw Cabdi Cambalaash iyo Xaaskiisa iyo carruurtiisa 4. Maxamed Iid Cabdikayd iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa 5. Maxamed Yoonis Cawaale iyo Xaaskiisa iyo carruurtiisa 6....

Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddigii Hore Ee Uu U Magacaabay Bilicda Caasimadda Ka Daba Geeyay Guddi Labaad Oo Uu Sameeyay

Published on Oct 30 2011 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddigii Hore  Ee Uu U Magacaabay Bilicda Caasimadda Ka Daba Geeyay Guddi Labaad Oo Uu Sameeyay
    Madaxweynuhu Ma Wuxuu Kala Garan Waayay Guddiyada Badan Ee Uu Magacaabo? Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa mar labaad magacaabay guddiga bilicda iyo fayo-dhawrka caasimadda Hargeysa oo uu hore ugu magacaabay guddi hore.     Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa...

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Nabadgelyada Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Naqdiyay

Published on Oct 30 2011 // Warar
Golaha Wakiilada Oo  Ansixiyay Xeerka Nabadgelyada Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Naqdiyay
  Hargeysa (Geeska) Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay ku ansixiyey xeerka nabadgelyada Guud.   Xeerkan oo muddo golaha hor yaalay, doodahiisuna ka dhaceen ayaa shalay mudanayaashii golaha fadhiyey oo tiradoodu gaadhaysay 43, waxay 21 xubnood ogolaadeen meelmarinta xeerkan...

“Xisbigan UDUB Damaca Gaarka Ah Waa Laga Saarayaa, Ninka Loo Garto Inuu Noqon Karo Murashax Soo Dhiciya Xukuumadii Laga Ritay Ayaa Imanaya”

Published on Oct 30 2011 // Warar
“Xisbigan UDUB Damaca Gaarka Ah Waa Laga Saarayaa, Ninka Loo Garto Inuu Noqon Karo Murashax Soo Dhiciya Xukuumadii Laga Ritay Ayaa Imanaya”
  Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka xisbiga UDUB ahna ku simaha guddoomiyaha xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay shirweyne xisbiga UDUB magaalada Hargeysa uga furmaya isniinta berri, haddii Alle idmo.   Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska...

Dugsiyada Hoose Ee Gaarka Loo Leeyahay Oo Ardaydooda Dirays Uga Dhigay Astaanta Calanka Dalka Somaliya Iyo Damanaanta Xukuumadda

Published on Oct 29 2011 // Warar
Dugsiyada Hoose Ee Gaarka Loo Leeyahay Oo Ardaydooda Dirays Uga Dhigay Astaanta Calanka Dalka Somaliya Iyo Damanaanta Xukuumadda
  Hargeysa(Geeska)-Curashadii Jamhuuriyadda Somaliland, waxa la kowsaday dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo madaariista Islaamiga ah oo ah kuwo ka madaxbanaan dawladda. Waxa ay dugsiyadaasi iyagoo ka faa’iidaysanaya dabaca awoodihii dawladnimo ee Somaliland ee xilligaas samaysteen dirays u...

“Daahir Rayaale Wuxuu Doonayaa Inuu Xisbigii Oo Isku Dhan Oo Bahweyntii UDUB Ah Wareejiyo, Waayo Madaxtinimadii Somalilandba Waa Kii Wareejiyay”

Published on Oct 28 2011 // Warar
“Daahir Rayaale  Wuxuu Doonayaa Inuu Xisbigii  Oo Isku Dhan Oo Bahweyntii UDUB Ah Wareejiyo, Waayo Madaxtinimadii Somalilandba Waa Kii Wareejiyay”
  Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay shirweynaha xisbiga UDUB oo la filayo inuu toddobaadka dambe furmo iyo weliba xidhiidhkii uu la lahaan jiray Raysalwasaaraha Kenya Mr. Raila Odinga oo muddooyinkan dambe la hadal hayay inuu...

Madaxweyne Silanyo Oo Codsaday Inuu Kulan Xaasaasi Ah La Yeesho Gudomiyaha Midowga Afrika Iyo Wejiga Uu Ku Qaabili Doono Oo Ay Su’aali Ka Taagantahay

Published on Oct 26 2011 // Warar
Madaxweyne Silanyo Oo Codsaday Inuu Kulan Xaasaasi Ah La Yeesho Gudomiyaha Midowga Afrika Iyo Wejiga  Uu Ku Qaabili Doono Oo Ay Su’aali Ka Taagantahay
  Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dalbaday inuu kulan la yeesho guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Mr. Jean Ping.Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha kulankan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha dibadda...

Muuse Biixi Oo Ka Digay Khilaaf Siyaasadeed Oo Ka Dhalan Kara Qodob Ku Jira Xeerka Ay Wakiiladu Wax Ka Bedelka Ku Sameeyeen

Published on Oct 26 2011 // Warar
Muuse Biixi Oo Ka Digay Khilaaf Siyaasadeed Oo Ka Dhalan Kara Qodob Ku Jira Xeerka Ay Wakiiladu Wax Ka Bedelka Ku Sameeyeen
  Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhalan kara kaabista ay mudanayaasha golaha wakiiladu ku sameeyeen xeerka 14/2011, gaar ahaan qodobka 25aad faqradiisa 3aad oo tilmaamaysa in marka la furayo ururada siyaasadda ay...

“Waan Iska Dhex Sharaxayaa KULMIYE, Diyaarna Waan Ahay”

Published on Oct 26 2011 // Warar
“Waan Iska Dhex Sharaxayaa KULMIYE, Diyaarna Waan Ahay”
  Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa daboolka  ka qaaday inuu si rasmi ah isaga dhex sharixi doono xisbiga KULMIYE, isagoo ku loolami doona murashaxnimada Madaxweynaha.   Abiib Timacad, oo uu shalay weriye ka...

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Ka Qayb Galay Aaska Dhaxal Sugihii Boqorka Sucudiga

Published on Oct 26 2011 // Warar
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Ka Qayb Galay Aaska Dhaxal Sugihii Boqorka Sucudiga
  Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka qayb galay aaska dhaxal sugihii boqortooyada Sucuudiga oo shalay lagu aasay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya.   Marxuumka oo habeen hore laga soo qaaday dalka Maraykanka oo uu ku geeriyooday...

“Waa In Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxkamad La Hor Keeno Ama Waa In Jaamac Maxamed Qaalib Beri Ahaado, Sharcigu Waa Inuu Qof Walba Qabtaa”

Published on Oct 25 2011 // Warar
“Waa In Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxkamad  La Hor Keeno Ama Waa In Jaamac Maxamed Qaalib  Beri Ahaado, Sharcigu Waa Inuu Qof Walba Qabtaa”
  Hargeysa  (Geeska)-Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Dheere), oo ah gudoomiyaha guddida Dastuurka, Cadaalada, Shuruucda iyo Xuquuqal-insaanka ee golaha wakiilada, ayaa cadeeyey hadaan wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar maxkamad la hor keenin inaan Siyaasiga Jaamac M. Qaalin...

Wasaarada Maaliyadda Oo Xawaaladaha Iyo Diyaaradaha Ugu Hanjabtay Inay Albaabada U Xidhi Doonto Haddii Aanay Liisan Goosan

Published on Oct 25 2011 // Warar
  Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa xawaaladaha iyo shirkadaha diyaaradaha  dalka ugu hanjabtay inay albaabada u xidhi doonto haddii aanay iska bixin cashuurta ruqsadda liisanka ganacsi. Qoraal wargelin iyo digniin ah oo uu maamulaha degmada 26 June ee waaxda cashuuraha...

“Xilkii La Ii Magacaabay Waajib Ayay Ahayd Inaan Saluugo, Waayo Agaasime Waan Dhaafay”

Published on Oct 25 2011 // Warar
“Xilkii La Ii Magacaabay Waajib  Ayay Ahayd Inaan Saluugo,   Waayo Agaasime Waan Dhaafay”
  Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal cadadkayagii Sabtidii waxaanu idiin soo gudbinay qaybtii koowaad ee waraysi aanu la yeelanay Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo ahaa safiirkii hore ee xukuumadii hore u fadhiyay Addis Ababa.   Maanta waxaanu idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee waraysiga...

“Waxa I Xidhay Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Aanu Is Qabanay”

Published on Oct 25 2011 // Warar
“Waxa I Xidhay  Wasiirka Duulista Iyo  Hawada Oo Aanu Is Qabanay”
  Hargeysa(Geeska)-Oday Cabdi Ibrahim Yusuf (Cabdi-Cawar) oo ka mid ah odayaasha magaalada Hargeysa islamarkaana ah mulkiilaha hoteel laga cuno cuntooyinka fudud iyo sharaabka oo ku yaala madaarka Hargeysa, ayaa Wasiirka duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ku eedeeyay inuu kula kacay xadhig sharci...

Aniga iyo Col. Qadaafi

Published on Oct 23 2011 // Warar
  QAYBTA LABAAD Maalintaas  hore waxa muuqiisa iigu xigtay 29 January 2010 oo uu Mucamaral Qadaafi damacsanaa in sannad kale loogu kordhiyo  xilkii guddoomiyaha Midowga Afrika, waana shirkii midowga Afrika ee 2010,  waxaanu labadaas wakhti u dhexeeyay wax sannad ka yar. Hoteelada...

“Wax Dhibaato Ku Ah Somaliland Oo Aan Galay Ma Jiro, Wanaag Mooyee Xumaana Kuma Samayn, Xadhigaygana Waxaan U Arkaa Arrin Shakhsi Ah”

Published on Oct 23 2011 // Warar
  Hargeysa(Geeska)-Cabdalle Xaaji Cali, oo ah siyaasi Somaliland u dhashay horena uga tanaasulay xilkii xildhibaanimo ee uu ka hayay dawladda Somaliya, ayaa shalay xabsiga loo taxaabay. Cabdalle Xaaji Cali, oo ay xukuumadii hore cafis u fidisay ka dib markii uu sheegay inuu ka tanaasulay mawqifkiisii...

Aniga iyo Col. Qadaafi

Published on Oct 22 2011 // Warar
Aniga iyo Col. Qadaafi
  Waxa Qorey Maxamed Rambo (Tafatiraha Wargeyska Geeska Afrika) Goor barqo ah oo lagu jiray badhtamihii Bishii March ee sannadkii 2009 oo aan caasimadda Itoobiya u tagay ka qayb galka shir saxaafadeed loo qabtay saxafiyiinta Bariga Afrika, ayaanu ogaanay warka sheegaya in guddoomiyihii ururka Midowga...

Abwaan Gaariye Oo Ka Warbixiyay Xaaladisa Caafimaad

Published on Oct 22 2011 // Warar
Abwaan Gaariye Oo Ka Warbixiyay Xaaladisa Caafimaad
  Hargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, oo muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u joogay dalka Norway, ayaa sheegay inay xaaladiisa caafimaad hadda soo raynayso, islamarkaana uu caafimaadkiisu isu soo bedelayo maalin maalin.   Abwaan Gaariye, oo isagoo jooga dalka Norway...

21 Oktoobar: Xusuus Murugo Leh

Published on Oct 22 2011 // Warar
  Shalay oo ay taariikhdu tahay 21 Oktoobar waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 42aad ee ka soo wareegtay maalintii ay talladii dalkii Soomaaliya la wareegeen Saraakiil Milatari oo uu hoggaaminayay Gen. Maxamed Siyaad Barre oo taladii qori caaradii lagaga tuuray sannadkii 1991-kii, ka dib markii...

Ambassador Nuuriye Oo Ka Hadlay Sida Uu Ku Iman Karo Ictiraafka Qadiyada Somaliland

Published on Oct 22 2011 // Warar
Ambassador Nuuriye Oo Ka Hadlay Sida Uu Ku Iman Karo Ictiraafka Qadiyada Somaliland
  Hargeysa(Geeska)-Diblomaasiga ruug cadaa ah oo mudo badan kasoo shaqeeyay Arimaha Siyaasada iyo Diblamaasiyada, Ambasador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladii hore ee Soomaliya iyo Xukuumada Somaliland islamarkaana, Safiir kasoo ahaa dalalka Canada,Nayjeeriya,...

“Waxaan Idiin Sheegayaa Madaxweynuhu Inaanu Tagayn Shir Hawleed, Socdaalkiisu Waa Mid Nasasho Oo U Khaasa, Xisbiyadu Way Khaldamene Warkaasi….”

Published on Oct 22 2011 // Warar
“Waxaan Idiin Sheegayaa Madaxweynuhu Inaanu Tagayn Shir Hawleed, Socdaalkiisu Waa Mid Nasasho Oo U Khaasa, Xisbiyadu Way Khaldamene Warkaasi….”
  Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadal ay xisbiyada mucaaradku Arbacadii ku sheegeen in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dalka Ingiriiska u tagayo shir lagu casuumay maamul goboleedyada Somaliya ee Puntland iyo Galmudug. Md....

Dr. Sacad Oo Madaxweynaha Uga Digay Kacdoon Dadweyne Iyo Faysal Oo Sheegay Inay Taliso Cid Aan Madaxweynaha Ahayni

Published on Oct 21 2011 // Warar
Dr. Sacad Oo Madaxweynaha Uga Digay Kacdoon Dadweyne Iyo Faysal Oo Sheegay Inay Taliso Cid Aan Madaxweynaha Ahayni
  Hargeysa(Geeska)-Madaxda xisbiyada mucaaradka ee UDUB iyo UCID ayaa si ba’an u weeraray Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo siyaasadihiisa kala duwan ee dibadda iyo cadaalad u qaybinta manaasiibta dalka.UDUB iyo UCID, waxa ay shalay shirjaraa’id ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaanay...

Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Ku Hawlan Sidii Uu Dawladda Kenya Ugu Qancin Lahaa Inay Dabciso Mawqifkeeda Qaddiyadda Somaliland

Published on Oct 21 2011 // Warar
    Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare, ayaa ku hawlan inuu debciyo siyaasadda dawladda Kenya ee ku waajahan qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Dawladda Kenya ayaa ka mid ah dalalka bariga Afrika ee ka soo horjeeda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland,...

Madaxweyne Siilaanyo Miyuu Ka Noqday Mawqifkiisii Ahaa Inaan Budhcad Badeeda Shisheeye Lagu Hayn Xabsiyada Somaliland?

Published on Oct 19 2011 // Warar
Madaxweyne Siilaanyo Miyuu Ka Noqday Mawqifkiisii Ahaa Inaan Budhcad Badeeda Shisheeye Lagu Hayn Xabsiyada Somaliland?
  Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka noqday go’aan adag oo uu hore uga qaatay in Somaliland lagu maxkamadeeyo budhcad badeeda aan wadanka u dhalan ee lagu soo qabto badaha waaweyn. Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraal ku qornaa luuqadda...

Xiisaha Taariikhiga Ah Ee Ku Duugan Dood Uu Baarlamaankii Somaliland 5 April 1960 Ka Yeeshay Midnimadii Fashilantay Iyo Digniinta Dawladii Ingiriis

Published on Oct 19 2011 // Warar
  London(Geeska)-Waxa dhawaan xafiiska lagu kaydiyo qoraalada taariikhiga ah ee dunida oo ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu soo bandhigay qoraalo taariikhi ah oo ku saabsan midnimadii sannadkii 1960 dhex martay labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya. Waxyaabaha la soo bandhigay...

Madaxweyne-xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Maxjarka Labaad Ee Jaabiri

Published on Oct 19 2011 // Warar
  Berbera(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismaha maxjar labaad oo Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al-jaabiri ka hirgelisay magaalada xeebta ah ee Berbera ee gobolka Saaxil. Madaxweyne ku xigeenka...

“Haddaanu Madaxweynuhu Raali Ka Ahayn Kama Qayb Geli Kareen Shirka (Shirkii Dubur), Qorshahaygana Maaha Inaan Hadda Is Casilo”

Published on Oct 18 2011 // Warar
“Haddaanu Madaxweynuhu Raali Ka Ahayn Kama Qayb Geli Kareen Shirka (Shirkii Dubur), Qorshahaygana Maaha Inaan Hadda Is Casilo”
  Waraysi Gaar Ah Oo Uu Wasiir Sacad Kaga Hadlay Xeerka Hay’adaha Caalamiga Ah Lagu Dhaqayo Iyo Shirkii Beeshiisa Ee Uu Ka Qayb Galay   Hargeysa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay wasaaradu ku hawlantahay...