Ma Og Tahay In Xawaaraha Bixista Timuhu Ku Xidhan Tahay Qaaradda Aad Ka Soo Jeeddo Iyo In Ay Jiraan Habab Dabiici Ah Oo Kaa Caawinaya Bixistooda

Published on Jun 13 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Akhriste, ma’ ogtahay in timaha dadka isir ahaan ka soo jeeda qaaradda Eeshiya ay celcelis ahaan bishii baxaan inta u dhexeysa 1.5 illaa 2 Sentimitir, halka timaha dadka Afrikaanka ahi ay celcelis ahaan bishii baxaan Sentimitir badhkii (0.5), timaha dadka ka soo jeeda gobalka Qawqaas ee dhaca xuduudka qaaradaha Eeshiya iyo Yurub ay bishii baxaan qiyaas ah 1 Sentimitir?

Ma’ se ogtahay in nidaamka cunto ee aan isu dheellitirnayn, dhibaatooyinka caafimaad, xadgudub dibadda kaga yimaadda iyo ku talaxtagga isticmaalka maaddooyinka kiimikada ka samaysani ay curyaamiyaan korniinka timaha?

Waxa se’ qosol leh in hababka ugu fiican ee aad timaha dheeraantooda ku daryeeli kartaa ay tahay in aad gaabiso timaha marka uu dayaxu dhammaystirmo (Caddada buuxda oo ah 14 ka bisha dayaxa).

Ma se’ ogtahay in ay jiraan habab dabiici ah, oo hidde ahaan loo soo kala dhaxlay, oo qofka doonaya in uu timaha daryeelaa mari karo isaga oo kaga maarmaya hababka casriga ah ee kharashka badani ku kaco ee hadda loo isticmaalo daryeelka timaha.

Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa ina tusaysa qaar ka mid ah hababkaas dabiiciga ah iyo waxtarkooda.

1. Duugista lafta madaxa

In muddadiiba mar madaxa la duugaa waxa ay firfircooni gelisaa wareegga dhiigga ee timaha gaadhaya, waxa aanay dedejisaa bixitaankooda. Sidaa awgeed xeeldheerayaasha daryeelka timuhu waxa ay ku talinayaan in la joogteeyo toddobaadkiiba mar in la duugo madaxa iyada faraha hore ee gacanta muddo shan daqiiqo ah loogu duugayo hab goobo. Wareeg ah (Gacanta duugaysa loo dhaq-dhaqaajinayo qaab wareeg ah), duugista kadibna lagu dhaashiyo dufan timaha nafaqo u yeelanaya.

2. Muudka basasha

Xeeldheerayaasha daryeelka timuhu waxa ay ku talinayaan in muud ama casiir ka samaysan basal lagu darmo malqacad malab ah, kadibna la mariyo madaxa, iyaga oo sheegay in ay taasi firfircooni gelinayso wareegga dhiigga ee madaxa, xoojinaysana bixitaanka timaha.

3. Cunto isu-dheellitiran

Waxa ay khubarada caafimaadka timuhu tilmaamayaan in caafimaadka timuhu uu yahay halbeeg laga qiyaaso caafimaadka jidhka, si toos ahna ay ugu xidhan tahay nidaamka cunto ee isu dheellitiran ee uu qofku qaato. Sidaa awgeed waxaa lama huraan ah, in qofka danaynaya timihiisa dhererkooda iyo quruxdoodu uu raaco caadooyin cunto oo caafimaad qaba, iyo in uu badsado isticmaalka khudradaha kala duwan ee Faytamiinnada leh.

4. Timaha gaabintooda iyo dayaxa

Inkasta oo aan illaa hadda si cilmiya arrintan loo sugin, haddana waxa ay qaar badan oo khubarada caafimaadka timaha ka mid ahi ku talinayaan in timaha la gaabiyo marka uu dayaxu buuxsamo, ama labada maalmood ee ka horreeya buuxsankiisa (12 iyo 13). Dadka isdan aaminsani iyaga oo arrintaas sababaynaya waxa ay sheegayaan in ilayska dayaxu saamayn ku leeyahay dhirta, xayawaanka iyo dadka intaba.

 

Leave a comment