Dhacdooyinka Ugu Muhiimsanaa Taariikhda Islaamka Ee Ku Beegnaa Siddeeda Bisha Soonka

Published on Jun 06 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Dhacdooyinka muhiimka ah ee sida taariikhda ku cad dhicistoodu ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan maalin ay 8 tahay, waxaa ka mid ah:

– Aaskii Imaamkii Weynaa ee Ibnu Maajah

Ibnu Maajah waxa uu dhashay sannadkii 209 ku dhashay deegaanka Qaswin ee dalka Iiraan, waxa aanu ku soo barbaaray jawi ah barashada cilmiga oo xilligaas aad u xoogganaa, isaga oo si gaar ah u jeclaa barashada cilmiga shareecada Islaamka, gaar ahaan xadiiska.

Ibnu Maajah oo ahaa nin cilmi raadsiga safarro aad u badan u galay, culimo badanna u lahaa waxa uu ururiyey 40 kun oo xadiis laga soo weriyey Nebi Muxammed, kuwaas oo uu u arkayey in cid lagu kalsoonaan karaa ay soo gudbisay, in kasta oo qaarkood markii dambe culimadu caddaysay in ragga soo tebiyey aanay ahayn kuwii laga qaadanayey xadiiska. Waxa kale oo uu Sheekhu nidaamiyey cilmiga Fiqiga ee shareecada Islaamka. Imaam Ibnu Maajah waxa uu dhintay bil Ramadaan oo 7 ah, waxa aana la aasay maalintii xigtay oo ay bishu 8 noqotay sannadkii 273 Hijriyada.

– Sahraawi oo cilmiga caafimaadka baray Yurub

Maalin ay bisha soon 8 tahay oo ahayd sannadkii 573 dii hijriyada ayaa uu geeriyooday Sahraawi oo ahaa dhakhtar muslim ah oo la aaminsan yahay in wax badan oo cilmigiisii caafimaadka ah ay ka faa’idaysteen culimadii caafimaadka ee reer galbeedku.

Sahraawi oo illaa maanta aragtiyihiisii iyo natiijooyinkii cilmi ee uu abuuray ay ku jiraan cilmiga caafimaadka ee casriga ah in kasta oo ay isaga geeridiisii ka soo wareegtay in ka badan 10 qarni, ayaa waxa uu magaciisa saxda ahi ahaa; Abu Al-Qaasim Khalaf Bin Cabbaas As-Sahraawi, sida magaciisaba ka muuqatana waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeeday magaalada guunka ahayd ee Sahraa’ oo ka tirsan deegaanka Qurduba ee dalka Isbayn. Halkaas oo uu ku dhashay sannadkii 936 dhalashadii ciise kadib, kuna dhintay 1013-kii.

Muddo 5 boqol oo sano ah ayaa ay kutubta caafimaadka ee uu qoray Sahraawi qaaradda Yurub u ahayd tixraaca ugu weyn ee loogu noqdo cilmiga caafimaad. Cilmiyada caafimaadka ee uu wax ka qorayna waxaa ka mid ah, Qalniinka, oo uu u yaqaannay sancada gacanta. Kutubka uu qalniinka ka qoray ayaana noqday tixraaca koowaad ee culimada caafimaadka ee Carabta iyo Yrub. Sida oo kale waxa uu Sahraawi ahaa qofkii ugu horreeyey eek u baraarugay muhiimadad ay leedahay in marka qofka xubnaha qaar laga jarayo ama qalniin lagu samaynayo, goynta ka hor la xidho halbawlayaasha dhiigga ee xubinitaa mara, si looga hortago in uu dhiigbax dhaco. Waxa aanu ahaa fikir aad loogu tanaaday maadaama oo uu in badan ka horreeyey xitaa curintii cudbiga iyo qaababka kale ee dhiigbaxa loo xakameeyo.

Sahraawi waxa uu hal-abuuray qalab lagu magacaabo, ‘Qalabka kaawiyadda’ waxa aanu kaawiyaddaas u isticmaali jiray ka takhalusidda nudaha dhintay ee jidhka, iyada oo maadaama oo aanay xilligaas koronto jirin uu isticmaali jiray biyo kulul. Kaawiyadda oo ka samaysnayd macdan ayaa marka uu kululeeyo uu saari jiray nabarka, waxa aanay keeni jirtay in nuduhu ay qallalaan, kadibna dhiigbaxa joojiyaan.

 

Leave a comment