Somaliland-Itoobiya: Colaaddii Isu Bedeshay Walaalnimada Qalinka Mawlid Ali-dhure

Published on May 25 2017 // Maqaalo

“Waayadii hore soohdintayada Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax iskaga caabbido, xoogagga Kiristaanka ahina ay wax kaalmo  tara waayeen ayay soohdimahayagii badda gaadhsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah,” Boqor Mililiqii Itoobiya

Sooyaalku waa muraayadda laga daawado taariikhda la soo maray si joogtada iyo timaaddada loogu lafa-guro loogagana go’aan qaato. Marka dib loo eego taariikhda Soomaalida iyo Itoobiyanka waxa laga dheehanaya colaad gaamurtay iyo xafiiltan xeel-dheer oo u dhexeeyay labada ummadood ee deriska ahaa wakhtiga dheer. Colaaddan ayaa loo nisbeeya mid ugu horayn salka ku haysay Diin, mar labaadna u soo gudubtay lexejeclo dhul. Somaliland waxay ahayd meelaha la rumaysan yahay in ay xuddun u ahayd khilaafka oo Itoobiya ayaa hamuun u qabtay in ay mar uun qabsato Somaliland, sidoo kalena colaaddeedu halis bay ku ahayd maaddaama ay u dhawdahay salkana ku hayso dhul badan oo ah Itoobiyada Soomaalidu degto, haseyeeshee haatan waxa muuqata isbedel labada dhinacba ka yimid.

Fikraddii Soomaali Weyn

Dabayaaqadii dagaalkii 2-aad ee adduunka(1941s) waxa lagu tilmaamay markii ay ugu dhawayd in markii u horaysay Soomaalidu yeelato maamul ama dawlad u gaar ah. waa markii Ingiriisku dagaal rogaal celis ah ku soo qaaday Talyaaniga oo ka qabsaday meelo ka mid ah dhulkii Soomaalida ee hore Ingiriis u xukumayay. waxa Ingiriisku qabsaday sannadkii 1941-kii, afar qaybood oo ka mid ah xiddigtii Soomaalida, kuwaasi oo kala ahaa: Ogaadeeniya, Soomaalidii Talyaaniga, Somaliland, iyo waqooyi-bari Kenya.

Wasiirkii arrimaha debadda ee Ingiriiska ee waqtigaasi, Ernest Bevin, waxa uu soo jeediyey in dhammaan Soomaalida la wada hoos geeyo maamul qudha oo meel keliya ah, Loona diyaar-gareeyo sidii loo gaadhsiin lahaa madaxbannaani. Bishii June ee sannadkii 1946-kii, waxa uu Ernest Bevin aqalka hoose ee baarlamaanka Ingiriiska u soo jeediyey in dhulalka lagaga hadlo af-Soomaaliga la isku wada geeyo, lagana dhigo dhul leh maamul guud oo hoos yimaadda Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, oo markaasi ay u suurto gasho dadweynahaasi reer-guuraaga ahi inay maamushaan noloshooda dhaqaale, iyaga oo aan la kulmi wax carqalad ah oo weyn oo ku timaad, waxana dhici karta inay helaan fursad dhab ah oo ay ku samaystaan nolol dhaqaale oo fiican ”Waxa keliya ee aan doonayo in aan sameeyaa waa sidii aan reer-guuraagaasi masaakiinta amma saboolka ah, aan u siin lahaa fursad ay wax ku taransadaan oo ay nolol ku samaystaan. Cidna dani uguma jirto in laga manciyo amma la iska hortaago dadkaasi saboolka ah iyo lo’dooda halkaasi ku sugani inay helaan si fiican oo ay u noolaadaan,” Sidaas ayuu yidhi Mr Bevin sida ku xusan Buugga Mary Harper kaga hadashay arrimaha Soomaaliya( getting Somalia wrong)

Hammigaas Ingiriisku ku qalqaaliyay Soomaalida oo si weyn loogu hanqal taagay marna ma noqon mid guulaysta waxaana ka horyimid dawladdihii dagaalka labaad guulaystay ee Faransiis, Ruush, Maraykan iyo Talyaaniga oo u xusul duubna in dib loogu soo celiyo qaybtii uu hore u maamulayay isaga oo adeegsaday dadka Soomaalida ah ee uu galaangalka ku lahaa ee Koonfurta. Dalalkan ayaa ka soo horjeeday in Ingiriisku helo dhul intaa leeg oo bariga Afrika ah oo uu maamulo ama galaangal fiican ku yeesho waxaana sidaas lagu dhiciseeyay hammigii Soomaali weyn.

Hase yeeshee markii Soomaaliya iyo Somaliland xorriyadda heleen 1960 waxa sii socday raacdada loogu jiro helista Soomaali dawlad kaliya leh; arrintani waxay carqalad ku ahayd dalalka dariska ee Itoobiya iyo Kenya. Waxa la sheega in dawladda Masar oo xafiiltan ka dhashay biyaha webiga Niil ka dhexeeyay Itoobiya ku sii qalqaalisay Soomaalida  in ay carqalado ku abuuraan Itoobiya oo dhulkooda helaan “Waddaniyaddii Ingiriisku abuuray ee ahayd in 5-ta Soomaalidu dawlad qudha yeesho waxa ka faa’iidaystay oo sii kobciyay dawladda masaarida iyada oo isticmaalaysa dad ay u rabbaysatay ujeedadan(Tababarro Masar siin jirtay aqoon yahanka, saraakiisha IWM),” Sidaas ayuu yidhi siyaasi ahna qoraa Cabdiraxmaan Cadami oo aan kala sheekaystay mawduucan intii aan qorayay.

Taariikhda Colaadda Soomaalida Iyo Itoobiyanka

Hillaadihii 2002-dii qormo uu qoray Alle ha u naxariistee siyaasigii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo uu afsoomaali u turjumay qoraaga Axmed F. Cali  ‘Idaajaa’ ayaa lagu soo qaatay himilada wakhiga dheer ee Itoobiya ugu haliilaysay helista dhul dheeraad ah oo Soomaalidu leedahay. Bal aynu milicsanno sadarro ka mid ah warqad hoggaamiye Itoobiyaan ahi u diray Reer Galbeedka 1891 oo lagu soo qaatay qormada Cabdirisaaq “warqad-wareegtadii caanka noqotay ee ku taariikhaysnayd 10kii Abriil 1891kii; taas oo boqor Mililiq uu ku hagaajiyey xoogagga Reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ruushanka. warqad-wareegtadaas meel ka mid ah wuxuu Mililiq ku yidhi, “waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax iskaga caabbido, xoogagga Kiristaanka ahina ay wax kaalmo  tara waayeen ayay soohdimahayagii badda gaadhsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah”. weedhahan Mililiq waxa laga dheehan kara dood ku saabsan himilo dhuleed iyo xafiiltan diimeed oo Soomaalida iyo maamulladii Itoobiya soo dhexmaray.

Mar labaad waxay arrintu sii xumaatay markii Itoobiya ka mid noqotay gumaysteyaashii kala qoqobay dhulka Soomaalida. Haweenayda wariyaha ah ee BBC-da Mary Harper waxay buuggeeda ‘Soomaaliya oo khalad laga fahmay’ ku astaysay sida ay Soomaalida u xanuujisay in Itoobiya gacanta ku dhigto dhul badan oo Soomaalidu leedahay “Waxa laga yaabaa in waxa ugu xanuunka badnaa Soomaalida ay ahayd in Itoobiya lagu wareejiyey dhulal ay u arkayeen dalkoodii ay iyagu xaq u lahaayeen. Soomaali badani weli waxay ku canaantaan oo ay kaga cabataa Ingiriiska in uu Ogaadeeniya ku wareejiyey Itoobiya sannadkii 1948-kii, haddana in uu badhtamihii sannaddii 1950-kii sidoo kale ku wareeijiyey isla Itoobiya dhulalkii daaqsinta ahaa ee Hawd iyo Riseef Eeriya ‘Reserved Area’” Sidaas ayay buuggeeda ku tidhi Mary Harper

Boobkii quwadaha shisheeye ku hayeen arlada Soomaalida waxa marag u ah oo Mary Harper-na buuggeeda ku soo qaadatay gabay Alle ha u naxariistee gabayaagii Faarax Nuur ku cabiray jaahwareerkii Soomaalidu ka qaaday loolanka dhulkooda loogu jiray waxaana tuducyada u horreeya gabaygiisa ka mid ahaa sidan soo socota:

Ingiriis, Talyaaniyo iyo Amxaar, way akeekimiye

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone

Waa duni la kala iibsadoon, Nala ogeysiinne

Waa duni ninkaad aammintaa, kuu abees yahaye.

Hammiga Itoobiya kuma eekaan halkaas ee wuxuu hiigsanayay in uu hantiyo xeebaha Somaliland iyada oo gumaystihii Reer Galbeedka u sii dhexmaraysa. Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo xilliyaddii midawgii Somaliland-Soomaaliya 1962-4-kii ka mid ahaa hoggaanka Militariga ee qaybta Somaliland wuxuu barnaamijka Xasuus Reeb ee Horn Cable tv u sheegay in Itoobiya doonaysay in ay dagaal ku qabsato Berbera kadib markii ay gumeystayaashu ka tageen Arliga Soomaalida, taas oo ay kaga hor tagaysay isu tag Soomaalida dhex mara oo amnigeeda wax yeeli kara. Bishii November 2016 waraysigan uu bixiyay waxa uu ku sheegay in dawladda Ingiriisku u soo sheegtay in Itoobiya u xusul duuban tahay in ay hanato xeebaha Somaliland, wuxuuna tilmaamay in diblamaasi Ingiriiska u joogay Soomaaliya oo ay si shakhsi ah isu yaqaaneen arrintan u xaqiijiyay.

Jeneral Galaal waxa la waydiiyay waxa uu ka taray dagaalkii 1964 dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya waxaanu ku jawaabay “Itoobiyaanku waxay goosteen in ay qabsadaan wixii la odhan jiray Somali Protectorate(Somaliland) oo dhinac waxay rabeen bad, dhinaca kalena waxay diidanaayeen Soomaali baa isku biirtay, fikraddaas curatay ayay rabeen in ay dhiciseeyan, marka waxa la yidhi(Itoobiya qorshaysay) aan kala goyno labadoodaba; midna aan qabsanno, arrintaas Ingiriiska ayaa noo soo sheegay- aniga ninkii Ingiriiska halkan u joogay ayaa ii sheegay oo yidhi ‘ Itoobiya waxay rabta in ay halkan qabsato’ marka wax yar oo caawimo ah(Hub) buu na siiyay oo ah 5 taangi. Nin Jeneral ahaa oo Gaal Eriteriyaana ah ayaa ku dhaartay ‘marka aan bilaabo(Dagaalka) 30 maalmood gudahood in uu Berbera qabsanayo Hargeysana iska marayo,” Sidaas ayuu yidhi Galaal laakiin, dagaalkaasi kuma guulaysan Itoobiya oo Soomaaliya way iska caabiday. Waxaana ka dambeeyay dagaalkii 1977 ee hordhaca u noqday burburkii Soomaaliya.

La Soco qaybta labaad oo ku saabsan halkii giraanta colaaddu isaga bedeshay xidhiidh wanaagsan oo Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya

Mawliid Cali-dhure;

Saxafi, waxna ka bartay Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamigaa;

 Mawliid2014@gmail.com  /facebook.com/saki2017/twitter.com/SakiCali.

 

Leave a comment