Urur-Diimeedka Takfiirka Iyo Hijrada: Taariikhdeeda, Fikirkeeda & Raadadkeeda Qaliinkii- Dr. Mustafa Kaydsane…{Q. 1aad)

Published on Apr 13 2017 // Maqaalo

1) Taariikhdooda:

Ayaamahan waxa warbaahinta mar kali ah sida qiiqa fooxa u qaybsaday Jamaaco ama Urur Diimeed aan hore magaciisa loo maqal, kaa soo isku sheegay "Asaadicuuna-canil-xaq", oo la micna ah "caddeeyayaasha xaqa". Sheekada Jamaacaddani haddaba ma mid cusubbaa mise waa mid sooyaal hore leh. Ujeeddada maqaalkeenan ayaa ah in aynu daaha ka rogno halka ay Jamaacaddani xiddidada ku leedahay oo ah Jamaacadda la yidhaahdo  "Atakfiir wal hijra".

Jamaacadda Takfiirku( gaalaysiinta muslimiinta an iyaga ahayn)waxay markii ugu horeysa ka soo dhex baxday Islaamiyiintii la xidhxidhay 1965'kii. Nidaamkii kali-taliska ahaa ee  Jamaal Cabdi Naasir wuxuu u gaystay Islaamiyiinta jidh-dil, dulayn iyo dil aan maxkamad lahayn. Halkaasi ayuu ka unkamay fikirkaasi..

Ragii ugu caansanaa ee fikirkaas aasaasay waxa ugu muhiimsanaa:

1) Sheekh Cali Ismaaciil( waxay walaalo ahaayeen Sh. Cabdi-Fataax Ismaaciil oo ka mid ahaa 6'dii qof ee lala dilay Sayid Qudb, 1965), waxa la sheegaa in uu isagu jeelka ku dhex aasaasay Jamaacaddan. Waxa kale oo la sheegay in uu fikirkaas ka soo laabtay kana tawbad keenay markii dambe.

2) Axmed Mustafa Shukri(Abu Sacad) wuxu kamid ahaa dhalinyaradii la xidhxidhay 1965. Jeelka dhexdiisa ayuu ku noqday Amiirka Jamaacadda xilkaana wuxu hayey ilaa 1978, wakhtigaasi oo lagu fuliyey dil dedelaad ah, iyada oo lagu eedeeyey dilka  Wasiirka Diinta ee Masar Maxamed Xuseen A-dahabi.

Laga soo bilaabo 1974 waxay Jamaacaddani si fikfircoon ugu dhex faaftay dhalinyarada Islaamiyiinta. Mudo markii la joogana waxa xabsiga loo taxaabayey boqolaal taageerayaasheeda ah. Markii la soo gaadhay 1978 Jamaacaddu waxay noqotay mid sir ah oo qarsoon.

Jamaacaddani waxay dhulka Soomaalida soo gaadhay 1978'kii markii fikirkan uu qaatay Amiirkii Jaamacadda Al-Ahli( waa Jamaaco uu sheekh u ahaa Sheekh Max'ed Macalin Xasan, waxa Muqdisho laga aasaasay 1970) ee la odhan jiray Sheekh C/qadir Sheekh Max'ud( isaga oo wakhtigaa arday ka ahaa Makka). Dhalinyaro badan baana wakhtigaa qaatay fikirkaa oo reer Muqdisho u badnaa, waxay markii dambe ku faaftay fikradani meelo kala duwan sida Soomaalida Kenya. Dhanka waqooyi ama Somaliland kuma ay faafin, waayo waxa halkaa ka jirtay Jamaacaddii Waxdatu-shabaab oo uu Amiir u ahaa wakhtigaas Sheekh C/qadir Xaji Jaamac, oo si adag isu hortaagay, dhamaan dadkii fikirkaa lagu tuhmayna wuu ka eryay Jamaacaddiisa.

Wixii ka dambeeyey 1980 Jamaacadda Takfiirka ee Soomaaliyeed way sii talax gabaysay, dad badanina way ka sii fagmayeen, maqalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeduna wuu yaraaday. Waxa loo badinayaa intii ka soo hadhay ay ku shaqaynayaan dhaqdhaqaaq qarsoon.

La soco qormooyinka dambe, inshalaah.

 

Leave a comment