Maxaynu U Samaysanay Xisbiyadda Qaranka? Cumar Maxamed Faarax

Published on Apr 06 2017 // Maqaalo

“Uf Qabiilka Anaa Leh

Wuxuun baa ku Adeegta

Nin iskii Kartidiisa

Isagoon cid ku Tiirsan

Isku Taagi Kareynin

Una Haysta Ateero

Ayaantuu Dambi Geystana

Laga Hoos Galo Eeda”

 Abwaan Gaariye

Diblomaasi iyo taariikh yahankii Faransiiska ahaa ee la odhan jiray Alexis de Tocqueville oo noolaa 1805-1859, ayaa mar uu faaqidayay axsaabta Maraykanka, wuxuu yidhi; “Waxa jira rag badan oo Mabda’ leh oo ku jira xisbiyada Maraykanka, laakiin ma jiro xisbi mabda’ lihi” (“There are many men of principle in parties in America, but there is no party of principle”) 

Dunidda reer galbeedka ee aynu ka soo ergisannay  nidaam dawladeedkooda axsaabta badan, waxay  xisbi siyaasadeed ku sharraxeen “Waa  ururka  koox  dad ah oo ku middeysan  aragti, iskuna bahaystay  inay  saameyn ku yeeshaan ray’ul-caamka bulshada kuwaas   oo u tartamaya   doorashooyinka si ay u qabtaan xukunka dawladda.”

Dadka  xisbi ku wada jiraa, waxay  wadaagaan  ujeeddooyin iyo hadaf, baadi-sooc u ah oo ay kaga duwan yihiin xisbiyada kale ee siyaasadda ee tartanku ka dhaxeeyo. Xisbiga siyaasiga ah,  waxa horyaalla imtixaan ah  inuu maskaxda dadweynaha ku kasbado aragtidiisa, hiraalkiisa siyaasadeed iyo ujeeddooyinka  uu u taagan yahay inuu wax kaga qabto mustaqbalka. 

Haddaba, waxa jira shan waajibaad oo ay tahay inay xisbiyadda siyaasiga ahi qabtaan kuwaas oo kala noqonaya sidan:-

1-Waxay dejiyaan siyaasadda guud ee wadanka: xisbi waliba waxa uu ugu xusul-duubayaa inuu talada waddanka u qabto inuu ka gun gaadho oo uu hirgaliyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee uu aaminsan yahay ee ku jiray barnaamij siyaasadeedkii xisbiga (political manifesto) iyo qodobbadii kale ee ay ummada u ballan-qaadeen intii lagu jiray ololaha doorashada. Xisbiyadu waa inay maskaxda ku hayaan inay sameeyaan wixii u wanaagsan danta guud ee waddanka.

Hadafka laga leeyahay siyaasadaha cusub ee xisbigu dejinayo, waxa looga gol leeyahay in wax lagaga qabto sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha iyo duruufaha guud ee markaas taagan. Waana inuu xisbi waliba gaarkiisa u yeeshaa afkaar uu kaga duwan yahay kuwa la tartamaya.

2-Xisbiyadu

waxay  koriyaan  garaadka  siyaasiga ah ee bulshada: xisbiyada qaran ee dalalka  waxay masuuliyadi ka saaran tahay   waxbarista,  kor-u qaadista  iyo abaabulka   afkaarta dadweynaha, waana inay  sare u qaadaan heerka fahamka siyaasadda ee muwaadiniinta dalkooda  oo dhan.

2-Xisbiyadu waa inay si dhow ugu xidhnaadaan dadweynaha oo ay u abaabulaan isku soo baxyo ay shacabku  badheedhahooda ka dhiibanayaan mowduucyada waaweyn ee dalka ka taagan. Marka dadweynaha la dhiso fikirkooda siyaasiga ah, waxay noqonayaan qaar si  bisayl ku jiro  codkooda ugu soo dooran kara dawladda ay doonayaan. 

3- Axsaabtu waa inay ka shaqeeyaan xasiloonida siyaasadda wadanka: xisbiyadda tartamaya waxa looga baahan yahay   inay u midoobaan  in dalkoodu ahaado   mid siyaasad ahaan xasilloon oo aanay  xiisado iyo kala qaybsanaan gudaha ahi ka jirin.  Waa in afkaarta xisbigu aaminsan yahay ay mudnaanta koowaad siisaa  in siyaasadda waddanku noqoto mid xididdo adag ku taagan oo aanay gilgilaynin   wax qulqulatooyin ah oo saaxada dhabqin kara.

4-Xisbiyada iyo

Wakiilladooda  Baarlamaanka: Golaha Baarlamaanku waa Wakiilladii dadweynaha. Xisbiyada siyaasadduna waxay  xubnaha xisbigoodu ku leeyahay ay u dhiibaan qorsheyaasha  siyaasadeed ee  ay aaminsan yihiin xisbi ahaan si ay u gole geeyaan baarlamaanka hortiisa. Dawladaha Baarlamaaniga ahina xisbiga kuraasida ugu badan  ee sharcigu jideeyay ku guulaysta ayaa soo dhisa dawladda cusub.

 5-Xisbiyadu waa wershadda soo saarta

oggaamiyeyaasha: shaqada  ugu muhiimsan ee xisbi kastaa waa inuu helo jiil hoggaamiyeyaal ah oo loo diyaariyo, loona carbiyo  inay ka qaybgalaan doorashooyinka guud iyagoo xambaarsan himilooyinkii xisbigoodu  higsanayay oo haddii ay doorashada ku guulaystaan-na soo dhisa dawladda waddanka maamulaysa muddo xileedkaas.

  

Inkasta oo dadka reer Somaliland ay lafta kaga jirto dimuqraadiyaddu, haddana waxa jira in hab-dhaqanka bulshada ee ku dhisan ardaayeysigu uu   carqalad ku yahay inay tamariso nidaamkeenna

dimuqraadiyaddu.  Waxa  siyaasiyiinta hormuudka u ah xisbiyada qaranka ee u baratamaya doorashada madaxtinimada looga fadhiyaa  inta aan la gaadhin bulshada  in ay iyagu ka xoroobaan cunfiga reernimada. Ka hor inta aanay dadweynaha ka dabiibin in dimuqraadiyadeennu noqoto mid beelaysan.

 Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa 28-kii bishii hore soo saaray  natiijadii uga soo baxday diiwaangelintii codbixiyeyaasha doorashooyinka ee dalka laga fuliyay, waxaanay daboolka ka qaadeen in wadarta dhammaan dadka isu diiwaan-geliyay doorashooyinku ay noqdeen 873,331 (Siddeed Boqol iyo saddex iyo toddobaadkan kun, saddex boqol iyo saddex iyo kow iyo sodon qof) gobollada Somaliland oo dhan. Liiskaasi waxay guddidu sheegtay inay sii kala haadinayso oo ay ka saarayaan dadkii mar wax ka badan is diiwaangeliyay iyo kuwa hadhow kaadhka qaadan waaya.

Dhawaaqaas komishanku wuxuu horseeday in taageereyaasha jibbaysan ee xisbiyadeenna qaarkood in ay iskugu faanaan  baraha saxaafadda bulshada, iyagoo natiijada ka eegaya xagga beelaha. Qoraaladii taageereyaashu waxay dibedda u soo saartay in doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto daboyaaqada sannadkan  la sii saadaalin karo inay noqon karto mid xamaasaddeedu sarrayso.

Ugu dambayn,  xisbiyadeenna siyaasaddu  ma u dhaqmaan oo codka ummada ma u raadsadaan sida xisbiyada adduunka ka jira, mise waa qaar u dhisan uun in ashkhaas koobani kursiga ku gaadhaan? ma habboon tahay inay  hal ku dhig u qaataan tudducan aan ka soo dheegtay kaydkii suugaantii Abwaan Gaariye ee ahayd:

“Sidaan Aaminsanahayna

Abkuu Doono ha Sheegtee

Wuxuun baa ehel ii ah

Dadka kaan af Aqaano

Ee si wax iila Arkaaya

ee ina Midayso ujeedo” 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

 

Leave a comment