Nolol la xusuusto Saciid Maxamed gees, Qaybta 10aad

Published on Mar 30 2017 // Maqaalo

Gartay oo guryasamo galbeed weeyee

Gawaan bahale iyo geyigan jaan

Gamaaso maxaayla soo galay.

“Faysal Cumar Mushteeg”

Dawladdii Jamhuuriyadda Somaaliyeed iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (World Health Organization) ayaa wada galay heshiis sidii cudurka Furuqa ama fantada la iskaga kaashan lahaa dabargoyntiisa. Furuqu waxa uu ahaa cudur dunida waqti dheer ku caan ahaa, oo qofka uu ku dhaco finan malax leh oo mararka qaarkood isku darsama ayaa jidka qofka  ka soo bixi jiray; dadka qaar ayuu indho-tiri jiray oo labada  indhaoodba beeli jiray ama il buu  ka tuuri jiray oo hebel cawar ayaa markaas loo bixin jiray. Qofka ka bogsada haaro iyo baro madow ayuu jidka kaga tegi jiray . Waxa la odhan jiray hebel furuq–dhoob ayuu leeyahay. Waa la isku naanaysi jiray oo la odhan jiray hebel furuqleh, xataa sannadaha ayaa lagu tilmaami jiray oo lagu magcaabi jiray sida sannadkii furuqle.

Aniga oo shaqadii shaybaadhka Cusbitaalkii Dhigfeer haya ayaa si lama filaan ah la igu magcaabay inaan madax ka noqdo mashruucan lagaga cidhibtirayo furuqa dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed  sannadkii 1968.  Cudurka Furuqu waxa uu rigli ku ahaa waddanka Itoobiya, halkaas oo uu carrada Soomaaliyeed marmar kaga soo fidi jiray. Waxa aan shir kaga qaybgalay laga hadlayo dabargoynta furuqa dalalka Kongo iyo Baakistaan oo markaas laba qaybood ka koobnayd (EAST AND WEST PAKISTAN), haddase  kala ah laba dal  Bakistaan iyo Bangaladaash, oo uu rigli ku ahaa cudurkaasi oo aan soo kormeernay dad u jiifa. Cudurku dawo ma lahayn ee waxa laga hortagi jiray tallaal dadka la tallaalo intaanu ku dhicin  iyo dadka uu ku dhaco oo la karantiimeeyo.

Waxa aan ku dhaqaaqay aasaaskii hay’addii hawsha tallaalka wada gaadhsiin lahayd dalka oo dhan iyo shaqaalihii loo tababari lahaa hawshaas, xafiisyadii, gaadiidkii iyo miisaaniyaddii loo baahnaa qorshaheeda. Waxa gacan  weyn hirgelinta hawshaas nagu siiyey URURKA CAAFIMAADKA ADDUUNKA  (WHO amma OSM).

Subax Salaasa ah aniga oo magaalada Beledweyne jooga oo sahamintii hawsha tallaalka ku jira ayaa idaacaddu sheegtay in Madaxweynihii Jamhuuriyadda  Soomaaliyeed marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake lagu toogtay oo lagu dilay magaalada Laascaanood, isaga oo kormeer ku maraya gobollo abaar ku dhufatay. Waxa uu marxuunku ahaa Madaxweynihii labaad  ee dalka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee la doorto. Waxa la doortay 10 Juun 1967, waxana la dilay 15 Oktoobar 1969. Oyada oo la wada naxsan yahay oo laga baqayo in dagaal sokeeye dalka ka dhaco ayaan galabtii degdeg Muqdisho ugu noqday.

Hase yeeshee, dagaalkii sokeeye ma dhicin waqtigaas ee waxa uu dhacay sannadihii  1988-1991, ilaa haddana meelo badan ayuu dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed la odhan jiray ka socdaa.  Baroor-diiq afar casho ah ayaa lagu dhawaaqay dalka oo dhan. Waxa Xamar lagu aasay Madaxweynihii 19 Oktoobar 1969. Waxa Madaxweynaha dooran jiray waqtigaas  Baarlamanka, sidaa darteed waxa dood kulul ka dhax bilaabantay baarlamaankii  sidii Madaxweyne cusub loo dooran lahaa. Waxa xilka ku-meel-gaadhnimo inta la dooranayo madaxweynaha cusub sii haynayey Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka. Xildhibaanada Baarlamaanka oo 123 xubnood ahaa hal xubin keliya oo xisbi la odhan jiray Dabka ahaa mooyaane 122-ka  kale waxay ahaayeen Xisbiga SYL ee xukunka hayey oo la isku wada shubay. Sidaa awgeed, xisbigii SYL ayaa xarunta xisbiga shir ku qabsaday. Shirkaas oo xubnihii baarlamaanka iyo madaxdii xisbigu ku dhammaayeen, xataa wasiirradii iyo Wasiirkii kowaad oo ahaa waqtigaas marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Haddaba, habeenkii taariikhdu ahay 21Oktoobar 1969 waxa aan baabuukiisa la saarnaa oo aan la socday Janaraal Jaamac Cali Qorsheel  oo ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, ninkaasi oo aannu  tol iyo xididba ahayn, muddo dheerna saaxiib dhow ahayn. Waxa aannu soo marnay xaruntii xisbiga SYL oo shirku ka socday. Baabuurkii aan wadannay oo meeshii taagan waxa na soo garab istaagay gaadhi uu keligii wato Janaraal Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Qoorsheel ayuu ku yidhi, “Jaamac isoo raac.” Qorsheel intuu baabuurkiisii ka degay ayuu darawalkiisii ku yidhi, “Siciid gurigiisa gee.” Dabadeed Siyaad Barre ayuu baabuurkiisii ku wareegay. Subaxdii 21 Oktoobar 1969kii oo dadkii u kala dareereen hawl-maalmeedkoodii oo la sugayo doorashadii madaxweynaha ayaa jidadkii magaalada Muqdisho, xafiisyadii wasaaradaha iyo xarunta Baarlamaanka  lagu arkay askar hubaysan oo wada hortaagan. Muddo yar kadib ayaa idaacaddu sheegtay in maamulkii dalka ciidanku la wareegay. Waxa la qabqabtay xubnihii dawladda ugu sarreeyey oo uu ku jiro xitaa madaxweynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan  Aadan-cadde) oo la wada xidhay. Ninkii aannu xalay wada joognay marna kama dareemin afgambiga xukuumadda iyo shirqoolka uu ku jiro, isna ilma soo qaadin, inkasta oo markii 1970kii la xidhay aan la kulmay cagajuglayn iyo dabagal joogto ah, iyada oo la ii aanaynayo saaxiibnimadii iyo wada-socodkayagii. Waxa dad xog-ogaal ah mar dambe caddeeyeen in labada janaraal (Siyaad Barre iyo Qorsheel)  xil-ka-qaadistoodu diyaar ahayd oo ay ka war-heleen, kana gaadhsiiyeen afgembiga xukuumadda intaan Madaxweynaha cusub ee saxeexaya xil-ka-qaadistooda la dooran. Siyaad Barre waxa xilka ku hayey Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake ee la dilay oo ay ballan ka dhexaysay. Qorsheel oo askari ciidanka booliska ah ee uu ka madaxda ahaa uu madaxweynihii toogasho ku dilay isagoo weliba la socda madaxweynaha, ayaa markii arrintu dhacday waxa toos ugu sheegay intuu canaantay Wasiirkii Daakhiligii ee awoodda weynaa ee la odhan jiray Yaasiin Nuur  Bidde in xilka laga qaadayo. Sidaa darteed, ayey badbaadin xilalkooda awgeed afgembiga ugu kaceen, iyaga oo ka faa’iidaystay xukunkii degdegga ahaa ee heeganka ciidanka la geliyey markii Madaxweynaha la dilay.

Hawsha dabar-goynta furuqu waxay ahayd inay ku dhammaato muddo toban sanno ah 1967-77. Anigu ma wada dhammayn waa la iga beddelay sannadkii 1971 oo la ii wareejiyey mashruuca hakinta cudurka duumada ( kaneecada), waxana xilka la wareegay saaxiibkay  Maxamuud Axmed Guure (Maxamuud-afweyne). Waxa xusid mudan qofkii ugu dambeeyey ee furuq lagu arko waxa uu ahaa nin la odhan jiray Cali Cumar oo reer Marka ahaa sannadkii 1977kii. Tolow ma nool yahay? Bal adba!

 

Leave a comment