Arsen Wenger:  “Hadii La Jecel yahay iyo Hadii La Necayba Waan Joogayaa Arsenal ilaa Xagaaga Dambe”

Published on Feb 18 2017 // Ciyaaro

Tabobaraha reer France ee cadaadiska badan saaran yahay  Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in uu tababare usii ahaan doono Arsenal xili  ciyaareedka dambe oo aanu ka tegayynin. Wenger oo ay da'diisu tahay 67 jir ayaa warbaahinta hor yimid kaddib toddobaad bahdilaad ay ku dhacday kooxdiisa, taas oo sababtay hadal hayn iyo olole ka dhan ah oo lagu dalbanayo inuu soo afjaro 20 sannadood oo uu tababare u ahaa Arsenal.

Kaddib ciyaartii 5-1 Bayern Munich ay ku karbaashtay Arsenal, dhawr ciyaartooyadii hore ee Arsenal ka mid ah ayaa la sheegay inay noqonayaan macallimiinta beddelaysa Wenger oo aanay waxba u oollin Emirates, hase yeeshee, ninka reer France oo qandaraaskiisu dhamaanayo dhamaadka xili ciyaareedkan, ayaa aaminsan inuu heshiis cusub u saxeexi doono Arsenal bilaha Marcha ama April ee foodda inagu soo haya.

"Waxba igama gelin wixii dhacay, laakiin anigaa tababare usii ahaan doono xili-ciyaareedka dambe. Halkan aan ka sheego ama meel kale ah, waxa hubaal ah inaan tababare sii ahaanayo." sidaas ayuu yidhi Wenger oo shir jaraa'id duhurnimadii Jimcaha ku qabtay London. "Marka aan idin leeyahay March ama April, sababtu waa ma garanayo midka ay noqon doonto, laakiin ma rabo inaan mar labaad idinkala hadlo taas." ayuu raaciyey.

Wenger waxa uu xaqiijiyey in uu la qabsaday dhalleecaynta loo jeediyo oo aanu dheg u dhigi doonin, laakiin uu ku fikirayo in uu usii wato shaqadiisa sida ugu wanaagsan ee uu is leeyahay way habboon tahay.  Wenger ayaa Arsenal u qaaday 3 koob horyaalka ah, 6 FA Cup iyo 6 koob oo Community Shield ah.

 

Leave a comment