Isbarbar-dhiga Awooda Kooxaha Ku Tartamaya Horyaalka Premeir League-ga Iyo Kulamada Ugu Soo Horeeya Koox Kasta

Published on Feb 09 2017 // Ciyaaro

Top-SixHoryaalka wadanka England ee Premier League-ga ayaa maraya todobaadkiisii 24-naad, waxaaana  xili ciyaareedkan sare u  kacay loolanka loogu jiro horyaalkan. waxana halka ugu saraysa ku raaxaysanaysa kooxda Antonio Conte ee Chelsea oo sagaal dhibcood oo nadiif ah ka saraysa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Tottenham. Waxayna hadda umuuqataa in tartanka koobka horyaalka loogu jiro ay ka xamaasad badan tahay tartanka loogu jiro kaalmaha Champions League-ga loogu soo baxo oo ay ku xifiltamayaan shan kooxood oo aan dhibco badan kala saraynin. Hadaba faaladeenan ayaanu ku eegi doonaa sida uu noqon karo kala saraynta horyaalka Premier League-gu, inagoo eegi doona koox kasta guulaheeda, dhibcaheeda iyo kulamada kusoo food leh inay ciyaarto dhawaan.  Hadii aynu eegno lixda kooxood ee ugu sareeya,  Kooxda Chelsea ayaa hogaanka ku haysa 59 dhibcood, halka kooxdaTottenham Hotspur 50 dhibcood kaalinta labaad ugu soo jirto, Man City ayaan iyadna leh 49 dhibcood, halka Arsenal 47 dhibcood leedahay, kooxda Liverpool ayaa iyadna leh 46 dhibcood, halka ay Man United leedahay 45 dhibcood, iyadoo soo gaadhay kaalinta lixaad balse fursad u leh inay soo gasho kaalmaha hore.

Lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxaha u tartamaya Horyaalka Premier League-ga

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa lixda kulan ee ugu soo horeeya lixda kooxood ee u tartamaya afarta kaalmood ee ugu saraysa horyaalka Premier league-ga ee uu ku jiro koobka horyaalku. Waxayna u soo kala horeeyaan sida ay u kala sareeyaan. Chelsea ayay u soo horeeyaan shan kulan oo ay ugu dhawaan ku xaqiijisan karto koobka Premier leaque-ga.

Lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxda Hogaanka haysa ee Chelsea ayaa ah sidan; kooxda Burnley (away), Swansea (Home),  West Ham (Away), Watford (Home), Stoke City (Away), iyo Man City (Home). Hadii aynu eegno lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxda Tottenham waxay kala yihiin sidan; Liverpool (Away), Stoke City (Home), Everton (Home), Crystal Palace (Away), Southampton (Home) iyo Burnley (Away). Hadii aynu eegno lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxda Man City ayaa kala ah sidan; Bournemouth (Away), Sunderland (Home), Stoke City (Home), Liverpool (Home),  Arsenal (Away) iyo Chelsea (Away). Lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxda Arsenal waxay kala yihiin sidan; Hull City (Home), Liverpool (Away), Leicester (Home), West Brom (Away), Manchester City (Home) iyo West Ham (Home).  Lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxda Liverpool waxay kala yihiin sidan; Tottenham (Holme), Leicester (Away), Arsenal (Home), Burnley (Home), Manchester City (Away), iyo Everton (Home). Lixda kulan ee ugu soo horeeya kooxda MAN United waxy kala yihiin sidan; Watford (Home), Bournemouth (Home), Southampton (Away), Middlesbrough (Away), West Brom (Home) iyo Everton (Home).

 

Kooxda Chelsea ayaa awoodeedu saraysaa, waxaana suurto gal ah ina kaalinta koowaad ku dhamaysato, dhanka kale Tottenham qudheeda ayaa la odhan karaa way ku dhamaysan kartaa kaalinta labaad, halka Man City ay kaalinteeda Sadexaad haysan karto, balse Arsenal iyo Liverpool ayaan lagu kalsoonaan doonin inay kaalinta afaraad kusoo baxaan, maadaama oo Man United u muuqato mid kusoo dhawaatay oo hadda isla qabsatay, waxaana suurto gal inay kaalinta Afaraad ku dhamaysato kooxda macalin Jose Mourinho. Liverpool iyo Arsenal ayaana guul darooyin la kulmay muddooyinkii ugu dambeeyey waxayna u muuqadaan kuwo lumiyey fursadi ay ku tartamayeen kaalmaha hore.

 

 

Leave a comment