Cameroon oo Markii Shanaad Ku Guulaysatay Koobka Afrika

Published on Feb 05 2017 // Ciyaaro, DAAWASHO, Warar

Cameroon-2Cameroon Oo Hanatay Koobkii Qaramada Afrika Iyagoo Ka Adkaaday Masar Waxa xalay magaalo madaxda wadanka Gabon ee Libreville lagu soo gaba-gabeeyey koobkii qaramada qaarada Afrika, oo ay ku tartamayeen labada qaran Egypt Iyo Cameroon. Xulka Cameroon ayaana 2-1 kaga adkaaday Masar, iyagoo qaaday koobkoodii Shanaad ee Koobka Afrika. Ciyaartan oo ahayd mid aad u adkayd oo xataa ay adkayd in la saadaaliyo cida qaadan doonta koobkan. Haddaba ciyaarta ayaa ku bilaabmatay jawi weerar iyo weerar celis ah, waxaana dardar ku bilowday xulka qaranka Masar, iyadoo qaybtii horeba ay u suurto gashay inay dhashadaan goolka daqiiqadii 22' iyaduu goolkaas uu u saxeexay xiga kooxda Arsenal ee Mohamed Elneny, natiiijada ciyaata ayaana ay 1 – 0 hogaanka ku qabteen kooxda Masaaradu. Xulka qaranka Cameroon ayeyna u suurto galin inay goolka barbaraha dhaliyaan qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana lagu kala nastay 1-0. Markii la isku soo noqdy xulka Cameroon ayaa sameeyey dedaal iyo dardar uu ku raadinayeen goolka barbaraha, waxaana u suurto gashay inay daqiiqadii 59' keenaan gooka barbaraha iyadoo uu dhaliyey xidiga N’KOULOUR oo bedel ciyaarta kusoo glay, waxaanay noqotay natiijada ciyaatu 1 – 1. Ciyaarta ayana degtay wixii intaasi ka dambaysay iyadoo labada kooxood ba aad moodaysay inay kala baqayeen. Balse daqiiqadii 88 kaliya markii ay ciyaartu ka hadhsanayd 2 daqiiqadood ee ugu dambaysay ayaa Vincent Aboubakar uu dhaliyey goolkii jay Cameroon guushu raacday. Waxayna ciyaartu kusoo idlaatay 2-1 ay guushu ku raacday Cameroon. Cameroon ayaa marki shanaad qaaday koobkan Afrika, waxaad moodaysay inay soo aarsadeen, kadib guul darooyin bdan oo Masar Baday mudooyinkii ay Finalka Iskugu yimaadeen.

Leave a comment