Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xidigii Ugu Fiicanaa Sannadka Ee Fifa Bixiso (Fifa Best Player Award)

Published on Jan 10 2017 // Ciyaaro

ronaldo-2Zuurach (Geeska) Xidiga kubda cagta  ee Cristiano Ronaldo ayaa habeenimadii xalay loo doortay inuu yahay xidigii ugu fiicnaa dunnida sannadkii dhamaaday ee 2016 iyo xili ciyaareedkii hore 2015/2016, waxaana la siiyey abaal-mariinta FIFA BEST PLAYER. Ronaldo ayay abaal-marintan kula Tartamayey xidigaha Messi iyo Grizmann oo qudhoodu yaraysan sannadkan.

Biladan ayaa noqotay tii 10-naad ee xidigan ku guulaysto sannadkan, waxaana ay u ahayd sannadkani mid aad ugu fiicnaa xidigan reer Portugal, waxanu kooxdiisa la qaaday sannadkan Horyaalka Champions League-ga, halka uu qarankiisa la qaaday koobka Euro 2016 oo markii ugu horaysay ay qaadeen Portugal.

Dhanka kale Tababaraha kooxda Leicester City ee Claudio Ranieri ayaa ku guulaystay macalinkii aduunka ugu fiicnaa sanadki 2016 kadib markii uu codkii la bixiyay kaga sareeyey tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane iyo tababarhaa xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos. Halyaygii xulka qaranka Agentina ee Diego Maradona ayaa Ranieri abaal marintan gudoon siiyay kadib marki uu xili ciyaareedkii hore aduunka ka yaabsaday, kooxdiisana u qaaday Premier League-ga markii ugu horaysay.

Xidiga reer Malaysia ee Mohamedd Faiz Subri ayaa taariikh cusub dhigay isna kadib markii uu ku guulaystay abaal marinta goolkii aduunka ugu fiicnaa ee FIFA Puskas Award.

 

Leave a comment