Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Markii Afaraad Abaal-marint Xidiga Adduunka Ee Ballon d’Or

Published on Dec 13 2016 // Ciyaaro

czf174ixgaqzyspCristiano Ronado ayaa Markii afaraad loo doortay xidiga dunnida, Isagoo ku guulaystay abaalmarinta Ballond’Orka ee la siiyo xidiga ugu fiican Sannad kasta. Ronaldo ayaana kaga adkaatay Messi oo ugu cadcadaa tartamayaasha.  Xidiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaana loo filayey inuu bilada sannadkan qaadi doono maadaama oo kula guulaystay kooxdiisa Real Madrid Champions League-ga, iyo Xulkiisa Portugal oo uu laqaaday koobkii Euro-2016. Inkastoo uu kamaqnaa goobtii xafladan isagoo kooxdiisa Real Madrid u raacay Japan si uu u safto Koobka Kooxaha Caalamka, balse waxa uu Noqday Xidigii Ugu Fiicnaa Sanadka 2016, isagoo kaga adkaaday Messi oo Shan Jeer qaaday Bilada Ballond;Or ka.

Abaalmarinta Xidiga Adduunka ee Ballon d’Or ayaana Sannadkan kaga duwanaa sannadihii hore, Maadaama oo France Football si madax bananaan u bixisay iyadoo ayna ku jirin Ururka FIFA, waxaana codaynayey Wariyayayaasha Kala duwan ee Kubada Cagta.

 

 

Leave a comment