Real Madrid Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Japan

Published on Dec 13 2016 // Ciyaaro

real5Xiddigaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay waddanka Japan oo ay kaga qayb-gelayaan tartanka naadiyada dunida ee FIFA Club World Cub.

Real Madrid oo isku dhan ayaa saaka salaaddii hore wakhtiga Japan ka degtay garoonka diyaaradaha ee Tokyo, halkaas oo ay uga sii gudbeen magaalada ay ku ciyaarayaan ee Yokohama oo ay ku yaallaan garoomadii aadka u quruxda badnaa ee lagu qabtay koobkii Adduunka 2002. 23 ciyaaryahan, tababare Zidane iyo shaqaalaha kale ee kooxda ayaa waxay soo dhoweyn diirran kala kulmeen dadweynaha waddanka Japan oo garoonka diyaaradaha hortiisa iyo jidadkaba u taagnaa.

ciyaartooyada Real Madrid U Safray Japan;

Goolhayeyaal: Navas, Casilla, Yanez

Difaaca: Carvajal, Pepe, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Coentrao, Danilo

Dhexda: Kroos, Rodriguez, Casemiro, Kovacic, Modric, Asensio, Isco

Weerarka: Ronaldo, Benzema, Lucas Vazquez, Morata, Mariano

Leave a comment