Isku Aadka Wareega 16-ka Ee Koobka Champions League-ga Oo Lasoo Saaray

Published on Dec 13 2016 // Ciyaaro

czeqvumxuaekzg2“Arsenal Vs Bayern, PSG Vs Barcelona, Leicester City Vs Sevilla”

halay Duhurnimadii ayaa Waxa lasoo saaray isku-aadka wareega 16-ka ee Koobka Horyaalada Yurub ee Loo yaqaano Champions League-ga  iyadoo ay kasoo baxeen kulamo xiiso leh. kooxaha Bayern Munich iyo Arsenal ayaa Sannadkii Afaraad oo Xidhiidha ku kulmaya Tartankan Champions League-ga, waana kulanka ugu adag, waxaana dhanka kale iyaguna is arkay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Barcelona. Kooxda difaacaneysa koobkan ee Real Madrid waxa ay isku dhici doonaan kooxda Talyaaniga ee Napoli, halka kooxda Atletico Madrid ee gaadhay finalka xilli ciyaareedkii hore ay wareegan wajihi doonto kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen.

Si kastaba ha ahaatee, isku aadka wareega 16-ka ee koobka Champions League ayaa u dhigan sidan;

Isku aadka oo dhameystiran:

Manchester City Vs Monaco, Real Madrid Vs Napoli, Benfica Vs Borussia Dortmund, Bayern Munich Vs Arsenal, FC Porto Vs Juventus, Bayer Leverkusen Vs Ateltico Madrid, PSG Vs Barcelona iyo Sevilla Vs Leicester City

 

Leave a comment