Gobolka Xaysimo Oo Ka Adkaaday Gobolka Awdal iyo Rajadooda Oo Ku Xidhan Kulanka Maanta

Published on Nov 05 2016 // Ciyaaro

xaysimooo

Geeska (Sports) Waxaa Shalay garoonka Hargaysa Stadium ka bilaabmay wareegii Saddexaad ee tartanka Gobolada Somaliland, waxaana kulamadoodii  saddexaad wada ciyaaray  gobolada Awdal iyo Xaysimo oo ka wada tirsan Group-ka A. Xulka gobolka Awdal ayaa kulankan ciyaarayey iyaga oo u baahnaa kaliya inay bar-bar dhac la galaan Gobolka Xaysimo, iyo sidoo kale inaanay la kulmin wax guul darro ah oo ka badan 2-0, halka xulka gobolka Xaysimo u baahnaa guul ay goolal ka badan 2 ay rabeen inay xamaashaan.

Bilowgii ciyaarta ee qaybtii hore ayaa labada gobol ba soo bandhigeen ciyaar aad u xamaasad badnayd, wallow ay Awdal ay ka muuqatay inaanay wax badan u qabin gool inay dhashato, halkaas oo ay Xaysimo xooga saareen goolkiii furintaanka sidii ay u heli lahaayeen. Weerar badan kadib xulka gobolka xaysimo ayaa la yimid goolkoodii furitaanka daqiiqadii 43-naad, waxaana u saxeexay C.laahi Gacmo, waxana sidaasi hogaanka ku qabtay gobolka Xaysimo.

 

Dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta xulka gobolka Xaysimo ayaa weerar kale kusoo qaaday Gobolka Awdal, waxaana fursadaasi gool u badalay xidiga ugu goolasha badan tartanka koobka gobolada Somaliland ee Maxamed Maxmuud Jaamac (Enginerka), waxaana lagu kala nastay 2-0 uu hogaaminayo gobolka Xaysimo.Gobolka Awdal ayaa markan bilaabay in uu walwalo waxayna qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 2:0 uu xulka gobolka Xaysimo hogaanka ciyaarta ku hayay isla markaana ay rajadooda afar dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland ay sare ugu qaadeen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababaraha Awdal ayaa shaxdiisa wax ka bedel ku sameeyay, iyadoo Gobolka Awdal diyaar u ahaa inuu  keeno goolasha lagu lahaa. Halka  xulka gobolka Xaysimo uu sii joogteynayey qaab ciyaareedka fiican ee ay Awdal kala horyimaadeen waxayna sameeyeen fursado loo fishay gool, balse umay suurto galin inay dhaliyaan goolka 3-aad ee rajadoda ciyaarta wanaajin lahaa.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 uu Gobolka Xaysimo kaga adkaaday Gobolka Awdal, wallow  gobolka Awdal uu iska xaadiriyay wareega afar dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland . Dhanka kale xulka gobolka Xaysimo ayaa rajdiisu ku xidhan tahay ciyaarta maanta ee Sanaag iyo Saaxil, halkaas oo haddii Saaxil guul-daraysato ama bar-bar dhac  la gasho ay soo bixi doonaan.

 

Leave a comment