Rasmi: Isku-aadka Tartanka Kubadda Kolayga Ee Gobolada Oo La Shaaciyey

Published on Oct 24 2016 // Ciyaaro, Warar

koo

Sida la filayo waxaa dhawaan ka bilaabmi doona magaalda Hargeysa koobka gobolada Somaliland kaas oo ka kooban saddex tartan oo kala duwan, kuwaas oo kala ah koobka Kubada cagta, koobka Kubada Kolayga iyo Tartanka orodada ama ciyaaraha fudud hadaba waxa maalintii shalay lasoo saaray isla markaana la shaaciyey isku aadka koobka kubada kolayga ee gobolada Somaliland kaas oo ay kaqayb galayaan 8-gobol oo kala ah; M/Jeex,Togdheer, Sanaag, Awdal, Saaxil, Gabilay, Hawd iyo Daad-Madheedh.

 

Hadaba guddida xidhiidhka Kubada Kolayga ayaa 8 Kooxood u kala qaybisay laba Group oo kala ah A, iyo B waxaana ay isku arki doonaan sidan;

Group A:- M/Jeex, Sanaag, Daad-Madheedh iyo Gabilay

Group B:- Saaxil, Awdal, Hawd iyo Togdheer.

Waxaana labadan Group kasoo bixi doona min laba kooxood kuwaas oo isku wajihi doona Talan-taali taas oo kooxa kaga soo baxda kaalinta 1aad  Groupk A  ay la ciyaari doonto Kooxda kaalinta labaad kaga soo baxday Groupka B, Halkaas oo ugu dambayn ay kasoo bixi doonaan labada kooxod ee Finalka isku arki doona.

 

Leave a comment