Qalinkaa Wax Suureeya: Xeerka Baanka Somaliland

Published on Jan 08 2012 // Columnists, Warar

 

qalinkaaXeerka Baanka SoomaaliLand

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

Qoraaladan soo socda waxa aan wax ka tilmaameynaa Xeerka Baanka Soomaaliland, waxaase aad muhiim u ah in aan tilmaamo dhowr arrimood oo gogoldhig u ah aragtida u baahan in looga dhinbiil qaato xeer walba oo la dejinaayo, kuwaas oo ah sidan:

 

Asaaska Xeerka:

 

Dhammaan xeerarka waxa aasaas u ah waxa ay dadka dhiganayaa ka aaminsan yihiin nolosha, xeerku waxa uu si toos ah uga tarjumaa caqiidada bulshada iyo dhaqankeeda, ma jirto in la sameeyo xeer aan ab iyo issir midna ku lahayn ummadda dhexdeeda iyo soo jireenkeeda, taariikhdeedana meelna aan kaga jirin. Xeerkan iyo kuwa la midka ah ee ku saabsan qaybaha nolosha ee kala duwan waxa waajib ah in ay ahaadaan kuwo ka asal qaadanaaya bulshadan loo dejinayaa waxa ay aaminsantahay oo ah Diinta Islaamka.

 

Aasaaskaa ka dib qoraalka xeerka muhiimadiisu waxa ay tahay inuu u habeeyo mabaadi’da guud si faahfaahsan, waxyaabaha nolosha ku soo kordhayna u qaabeeyo hab waafaqsan mabaadi’daas iyo in qoraalkiisu noqdo mid ka tarjumaaya casriga maanta la joogo kaasoo u sahlaaya qof walba oo maanta adduunka ku nool inuu fahmi karo si ay ugu fududaato inuu garto waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa waajib loogu leeyahay.

 

Awoodda ayaa Curisa Xeerka iyada ayaana Ilaalisa:

 

Waxa dejiya ama curiya xeer cidda awoodda u leh dejinta xeerkaas iyo ilaalintiisa, curinta xeerku ma laha wax macno ah haddii aanay ku ladhneyn awood fulineed oo kasha bulshada ku sandulaynaysa in aanay baal marin waxa uu dhigaayo xeerkaasi, taasoo si cad u tusaysa haddii ay dhaawacaan dhigaalka ku cad xeerka inay mutaysanayaan ciqaab xaddidan oo la garanaayo una dhiganta jebinta xeerka.

 

Waxa hubaal ah in banii’aadamka intiisa badani aanu u ilaalin wanaaga isaga oo dhaqan gelinaaya fariimaha uu ka heli karo damiirkiisa marka uu u fekeraayo si quman, dadku waxay u badan yihiin in ay uga fogaadaan khaladka iyo jebinta xeerarka iyaga oo ka cabsanaaya ciqaabka ay mudanayaan marka ay xadgudub sameeyaan, cabsi gelinta banii’aadamku waa arrinka aasaaska u ah ilaalinta xeerka iyo dhaqan gelintiisa, taas ayaanay ku saleysan tahay dhammaan xeerarka iyo sharciyada la faro banii’aadamka, hadday tahay kuwo ay iyagu dhexdooda ka sameysteen iyo hadday tahay kuwa diintu fareyso.

 

Ma aha arrin dhib badan in la yagleelo xeer baahi badan loo qabo lana filaayo inuu waxtar weyn u leeyahay bulshada, waxa taas ka muhiimsan in hay’adda loo dejinaayo xeerkan iyo hay’adaha dowladda ee kala qayb qaadan doona socodsiinta xeerkani ay leeyihiin awooddii fulineed ee ka dhigi lahayd mid jira oo dhaqan gala, haddii taas la waayo oo ay weliba ku darsanto in mararka qaarkood maamulka sare laftiisu aanu karin fulinta xeerka, waxa waajib noqonaysa in la is weydiiyo faa’iidada ku jirta in wakhti iyo dhaqaale lagu lumiyo dejinta xeerar aan dhaqan gal lahayn, waxaana muhiim noqonaysa in awoodda la saaro sidii loo abuuri lahaa jawi keeni kara in xeerka loo helo awooddii fulin lahayd.

 

Xeerka iyo Caddaaladda:

 

Caddaaladu waa sababta ugu mudan ee aasaaska u ah jiritaanka bulshada, horumarkeeda iyo samo ku noolaansha dhexdeeda, mar walba oo lagu guuleysto in la dhaqan geliyo caddaalada lagana yeelo mid hogaaminaysa dhammaan waayaha nolosha ee ummaddu mareyso waxa si dhab ah loo gaadhayaa ujeeddooyinka laga leeyahay nolosha iyo wanaag ku maareynteeda, marka la buriyo khadkaas waxa laga dhaxlayaa burbur saameeya dhammaan nolosha qaybaheeda kala duwan oo dhan, taasna waxa aan filayaa in aanay u baahneyn tilmaamo badan ee aan marag ka wada nahay.

 

Hadaba, xeerku waa qayb ka mid ah nolosha oo tilmaameysa xadka ay kala leeyihiin bulshada wada dhaqan qaybaheeda kala duwani, waxa ugu muhiimsan ee xeerkaas ka dhigi kara inuu noqdo mid taaba qaad ah waa inuu aasaas caddaaladeed ku dhisan yahay, caddaaladaasi waxa ay dhigaysaa in ciddii wanaag sameynaysa loo ogolaado iyadoo la faraayo inay ka fogaato xadgudubka nooc kastaba, ciddii dhibaato wadana laga joojiyo, haddii ay xeerka meel kaga dhacdona lagu fuliyo ciqaabta u dhiganta khaladka ay geysatay oo keliya oo aan lagu xadgudbin. Cidda keliya ee caddaalad sidaas u hirgelin kartaana waa cidda nafteeda ku agaasinta caddaalad.

 

Qodobadaas saddexda ah waxa wadaaga dhammaan xeer walba oo la damacsan yahay in loo dejiyo bulshada, haddii aan laga run sheegin qodobadaas waxa natiijadu noqonaysaa in ujeeddadii laga lahaa xeerka la rumeyn waayo, taasi waxa ay ka dhigaysaa wakhtigii, hawshii iyo dhaqaalihii lagu bixiyey xeerku inuu noqdo mid lumay oo aan faa’iido laga gaadhin.

 

Xeerka Baanka SoomaaliLand

 

Qormadan waxa aan si kooban ugu tilmaamayaa Xeerka Baanka Soomaaliland meelaha u baahan in farta lagu fiiqo, iyada oo qaabka aan u marayaa yahay mid lammaane ka dhigaaya in aan tilmaamo halka leexsan kuna daro talo ka dhigi karta mid quman, waana sidan:

 

1.       Caddeynta Xeerka:Ma jiro wax si toos ah kuu tusaaya in xeerkani yahay kii Baanka Soomaalilanad, Qodobka 1aad waxa ku sheegan in xeerka loo aqoonsanaayo Xeerka Baanka Soomaaliland, qodabkani waa muhiim laakiin kuma filna in uu qiro in xeerku yahay kii Baanka Soomaaliland, Qod 2aad ee fasiraadaha ereyada  ayaa dhammeystir iyo filaansho u noqon lahaa qodobkaas, laakiin fasiraada ereyga  ‘Baan’ ma bixinayso inuu yahay Baanka Soomaaliland, sidaas darteed, waxa quman in si cad loogu qeexo xeerka in ereyga ‘Baan’ loola jeedo Baanka Soomaaliland, mana aha muhiim in halkan lagu sharxo shaqada uu ‘Baan’ qabto.

2.       Habka Shaqada Baanka:Baananka maanta adduunka ka jira hadday yihiin kuwa dawladdu leedahay iyo hadday yihiin kuwa gaarka loo leeyahay, waxa ay ku shaqeeyaan in ay laba hab mid uun raacaan, ama ay isku dhafaan labadaba, kuwaas oo kala ah:

·         Hab waafaqsan Sharciga Islaamka;

·         Hab aan waafaqsaneyn Sharciga Islaamka;

·         Labadaas hab oo la isku dhafay !

Xeerkan maanta ina horyaal qodob si toos ah u cadeynaaya habka uu u maraayo shaqadiisa ma jiro, waxa ku jira waxyaabo badan oo ka soo horjeeda Sharciga Islaamka sida dulsaarka, derivatives-ka, …. Dhinac kale waxa ku tilmaaman waxyaabo tixgelin siinaaya Sharciga Islaamka, iyo in habka loo fulinaayo shaqada baanku ahaato mid ku dhisan in laga talo-qaato tilmaamaha Islaamka.

Si taas loo saxo, murankana looga saaro, waxa mudan in si cad loo sheego habka shaqada baanku inay tahay mid ku dhisan Nidaamka Sharciga Islaam-ka, iyada oo loo cuskanaayo in bulshada uu u adeegayaa tahay Islaam, distoorkooduna  caddeeyey in wixii Islaam ka soo horjeeda aan lagu dhaqin bulshada.

3.       Xeerka waxa ku jira arrimo si cad u dhinac maraaya Sharciga Islaamka, waxaana ka mid ah:

·         Dulsaarka: sida ku xusan Qod 80 waxa uu baanku siinayaa amaah dowladda marka golaha wakiiladdu ansixiyaan amaahdaas, waxa baanku ka qaadanayaa amaahdaas khidmad ‘DULSAAR’ ama ‘RIBAA’. Waxa aan wada ognahay in Ribada ama Dulsaarka Sharciga Islaamku inaga reebay. 

·         Derivative:Waa waxa loo yaqaan ‘Financial Derivative’, ma aha iib la xidhiidha Financial Assets (Noodh, IWM) ama Real Assets (Mood) midna, waxa uu yahay mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loo yareyn lahaa khatarta, waxa la kala iibsanayaa waa khatar la filaayo inay dhacdo, qof ayaa ka fogaanaaya khatartaas qofna wuu u badheedhayaa oo wuu iibsanayaa, iibka noocan oo kale ahna Sharciga Islaamku ma ogola, waxa uu khilaafsan yahay tiirarkii iibka iyo ganacsiga ee Islaamku jideeyey.

·         Damaanadaha Deynta: In deyn la bixiyo, cadeynta deyntana loo bedelo Financial Securities, ka dibna la suuq geeyo ma ogola Sharciga Islaamku, halkan dhowr fal oo khalad ah ayaa isugu tegay, waxa ka mid ah in deyntan la bixiyey lagu qaadanaayo dulsaar ‘Ribaa’, iyo in la iibinaayo deyn oo faa’iido laga helaayo. 

(Waxyaabaha la xidhiidha Financial Securities-ka oo dhan ha noqdaan kuwo waafaqsan Islaamka ama ha noqdaan kuwo khilaafsan, ma aha Xeerka Baanka Soomaaliland halkii lagaga hadli lahaa, sidaas darteed, qodobo aad u tiro badan oo ka mid ah xeerka oo ay ku jiraan waxyaabahaa aan tilmaamay waxa mudan in dhammaantood laga saaro xeerka.)

4.       Dhismaha iyo Maamulka Baanka:Marka aad si qoto dheer u akhrido tuducda ‘III’ ee isku dubaridka iyo maamulka waxa aad arkaysaa in qaabdhismeedka maamul ee Baanka, masuuliyadaha  iyo awoodaha kala duwan ee maamulka baanku leeyahay ay u baahan yihiin in dib loo eego waxna laga bedelo, iyada oo maanka lagu hayo in uu noqdo Baanku mid aan lahayn maamul baahsan tiro iyo tayo ahaanba, iyo in qodobada ka baxsanaan kara xeerkan laga saaro, taasna waxaan u tilmaamayaa sidan:

·         Masuuliayadaha iyo Awoodaha Maamulka:Waxa uu tilmaamayaa Qod 20 in guddida agaasimeyaashu masuul ka noqdaan hirgelinta siyaasadda Baanka, waxaase mudan inay iyagu awood u yeeshaan ansixinta siyaasadda laakiin fulinta iyo hireglinta siyaasadaas masuul ay ka noqdaan guddida fulinta ee Baanku, waa tusaale kooban oo ka waramaaya sida ay muhiimka u tahay in si cad loo kala saaro hawlaha guddiyada iyo maamulada kala duwan ee Baanka.

·         Tirada iyo Tayada:In la isu dheeli tiro tirada maamulka, shaqaalaha iyo shaqada loo filaayo Baanka, taasoo ah in aan maamulka Baanka aad loo ballaadhin iyada oo shaqada u taalaa ay kooban tahay, waxa suurogal ah in laga maarmi karo jagada maamul ee Agaasimaha Guud, marka la eego dhismaha maamul ee Soomaaliland iyo shaqada Baanka Soomaaliland waxa la isku qancin karaa in Guddoomiye iyo Guddoomiye Xigeen ku filan yihiin, waxa soo raacaana uu noqon karo madaxda waaxaha, maamuleyaasha laamaha iyo shaqaalaha.

·         Xeer Hoosaadka Baanka:In xeerarka hoose ee la xidhiidha hab-maamulka hoose ee Baanka (sida shaqaalaha, hantidhowrka, iwm) looga tago xeer hoosaad uu Baanka Soomaaliland dhigto ka dib marka si sharci ah loo dhiso, kuwaas oo aan ka hor imanayn xeerarka kale ee Soomaaliland.

·         Qayaxaadda Masuuliyadda iyo Awoodda:Waa in marka la xusaayo awoodsiinta masuulka si qayaxan loo sheegaa ee aan la isticmaalin odhaah aan bixineyn macnihii awoodsiintu lahayd.

·         Talo gelinta Wasiirka Maaliyadda:Magacaabida xubnaha guddida agaasimeyaasha ma haboona in looga dhinbiil qaato talada Wasiirka Maaliyada, caalamka maanta la joogo Baanka Dawladdu wuu ka madax banaan yahay Wasaaradda Maaliyadda, waxa ka dhaxeysa wada shaqeyn,  waxay si wada jir ah isaga kaashadaan dejinta iyo fulinta Monetary  iyo Financial Policy-ga waddanka.

5.       Lacagta Dalka:Laga bilaabo Qod 47 – 60 waxa ay u badan tahay kuwo la xidhiidha denbiyo leh abaal marin ciqaabeed, qodobada noocan oo kale ahi kuma haboona Xeerarka Baanka in si cad loogu xuso oo weliba ciqaabtoodana la raaciyo, waa fal dembiyeedyo hoos taga xeerka ciqaabta oo loola noqonaayo waxa Sharciga Islaamku ka qabo fal dembiyeedkaas, sidaas darteed, waxa haboon in laga saaro qodobada noocan ah xeerka.

6.       Hawlaha Shaqada iyo Arriamaha Lacagta:Laga bilaabo Qod 61 – 74 waxa ay tilmaamayaan habka uu ula dhaqmaayo Baanka Soomaaliland bangiyada kale iyo sarifleyaasha,  tafaasiisha noocan ahi waxa ay qayb ka noqonaysaa xeerka Baanka Soomaaliland u dhigi doono bangiyada, shirkadaha maaliyadeed iyo sarrifleyaasha (marka laga reebo qodobo si dhextaal ah uga mid noqday cinwaanka cutubka oo aan la jaan qaadeyn), taas macnaheedu waxa uu yahay in aan faahfaahinta iyo tilmaamida qodobadan looga baahneyn inay qayb ka noqdaan Xeerka Baanka Soomaaliland, kuwaas oo mudan inay ku soo baxaan xeer u gaar ah oo habeynaaya shaqada bangiyada, shirkadaha maaliyadeed, sarrifleyaasha iwm, xeerkaas waxa soo saaraaya Baanka Soomaaliland, isaga ayaa ansaxinaaya waxaana saxeexaaya Guddoomiyaha Baanka Soomaaliland.

7.       X5kuwaas oo mudan inay ku soo baxaan xeer u gaar ah oo habeynaaya shaqada bangiyada, shirkadaha maaliyadeed, sarrifleyaasha iwm idhiidhka Baanka Soomaaliland iyo Dowladda:Qod 75-81 waxa ay xoogga saarayaan xidhiidhka ka dhexeeya wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Soomaaliland, way haboon tahay in la xuso in Golaha Wakiiladdu yahay ka kor-joogaaya hawlaha Baanka. Tilamaamaha kale ee ku xusan qodobadan waxa aan ku sheegay No 3.

8.       Golaha la Tashiga Shareecada:Waxa muuqata in heerkii aqooneed ee looga baahnaa xubinta golahan ka mid noqonaysa aan si cad loo sheegin, waxa aad u muhiim ah waxbarasho jaamacadeed oo sare iyo khibrad, taasi waxay suurogal ka dhigaysaa in xubin walba oo golaha ku jirtaa si wada jir ah ay u wada fahmi karto cilmiga diinta iyo casriga maanta la nool yahay. Waxaa ka mid noqon kara golahan tiro kooban oo ah dad aqoon u leh cilmiga dhaqaalaha, bangiyada iyo xisaabaadka, si ay uga caawiyaan culimada fahamka la xidhiidha cilmiyadaas.

9.       Guddida Xallinta Khilaafaadka Maaliyadeed:Haddii ujeeddada ugu weyn ee guddidu tahay inay xalliso khilaaf, ka hor inta aanu maxkamad gaadhin, waxa la adeegsan karaa ciddii labada dhinac ee is haysaa u aragto inay ku guulaysan karto xallinta khilaafka, taas waxa lagaga maarmayaa in bulshada wakhti iyo hanti kaga lumin hawl si fudud loo maareyn karo, madaxweynaha laftiisa ma aha in lagu badiyo guddi abuur aan loo baahneyn, maxkamadaha laftoodu gar maslaxo way sameyn karaan. Haddiiba ay muhiim noqoto in guddidan oo kale la sameeyo ma aha daruuri in ay qayb ka noqoto Xeerka Baanka.

10.    Siyaasadda iyo Maamulka Lacagta (Monetary Policy):Cutubyo kala duwan iyo Qodobo badan waxa aad ugu soo noqnoqonaysa tafaasiil hoos imanaysa Siyaasadda iyo Maamulka Lacagta, waxa marag laga wada yahay in hawlaha ugu muhiimsan ee Baanka Soomaaliland laga sugayo ay ka mid tahay, waxaase hubaal ah in Siyaasadda lacagtu tahay mid isla bedesha duruufaha dhaqaale ee waddanka, taas macnaheedu waxa weeye inaan loo baahneyn in loogu xuso xeerkan si tafaasiil ah, iyo in aan  shaqada maalinlaha ah ee bangiga aan lagu sharxin, waxa loo baahan yahay keliya waa in la sheego in Baanku masuul ka yahay maamulka iyo siyaasadda lacagta, si uu masuuliyadaas u gutona uu adeegsanaayo tabaha ugu haboon ee degenaansho lacageed waddanka dhaxalsiinaaya.

Qodobadan aan sida kooban u tilmaamay waxa ay farta ku fiiqeen meelo kooban oo ka mid ah Xeerka, si aynu dhammaanteen u gaadhno waxa aan higsanayno oo ah in aan dejino xeer waafaqsan Sharcigeena, oo si fudud loo fahmi karo, aasaas wanaagsana u noqon kara dhisitaanka dhaqaale caafimaad qaba, si hadaba taasi u hirgasho waxa muhiim ah in aan talaabooyinkan qaadno:

1.       In si cad aan hoosta uga xariiqno in Habka Shaqada Baanka Soomaaliland tahay mid ku dhisan Sharciga Islaamka.

2.       In dejinta xeerkan ay iska kaashadaan khubaro leh aqoontan hoos ku sheegan:

·         Aqoonta Sharciga Islaamka

·         Aqoonta Xeerka iyo Qaanuunka

·         Aqoonta Dhaqaalaha

·         Aqoonta Bangiyada iyo Xisaabaadka

·         Aqoonta IT-ga

·         Aqoonta Maamulka iyo Maareynta

Fulinta labadaas qodob waxay inoo horseedaysaa in aan ku guuleysano sidii aan u hantiyi lahayn xeer ka tarjumaaya diinteena iyo dhaqankeena, waxaana ay daboolaysaa baahi ballaadhan oo ka dhalatay jiritaan la’aanta Baanka Soomaaliland.

 

Axmed Cabdiraxmaan Sh Bashiir

 

qsuureeya@live.com

 

 

 

Leave a comment