Mulocaw Hashii May Ma Aragteen? Maya E Maqaarkii Maw Sidaa? Qalinki Deeq Cismaan Daahir

Published on Oct 06 2013 // Maqaalo

Shacabka Jamhuuriyada reer Somaliland wali waxay Baadigoobayaan Hogaamiye Muwaadin ah iyo Dalyaqaan Siyaasaiya Ilaa hadana may helin”.

Jamhuuriyad saoamaliland waxay ka madaxabanaantay koonfurta Somaliya sanadkii 1991, waxaanay noqotay dal ka madaxbanan xukunkii kaligii taliska ah ee Mahamed Siyad Barre, waxaanay ku dhawaaqday madaxbaannideeda 18-May-1991.

Wixii ka dambeeyay 1991 somaliland waxa soo maray madaxwaynayaal kala duwan ee uu ugu horeeya Cabdiraxman Axmed Cali (Cabdiraxman Tuur) 1991-1993, waxaanu bilaabay Qoraalka iyo habaynta Dastuurka Somaliland kaas uu ku guul daraysatay Dhamaystirkiisa laakiin waxa la odhankaaraa meel ayuu soo gaadhsiiyay iyaga oo ay jireen Duruufo adag adag oo ku gadaamnaa iyo Caqabado dul hoganaayay Xukuumadii markaa la dhisay.

Intaa kadib waxa xukunka la wareegay Maxamed Xaaji Ibaraan Cigaal, shirkii Boorma ee beelaha Somaliland isgu tageen Magaalada Boorama sanadki 1993, waxaana shirkaa lagu doortay Marxuum Maxamed Xaaji Ibaraan Cigaal waxa kale oo halkaa lagu sameeyay Axdi Qarameed (National Charter) wakhtigan oo ay jirrtay Amni daro iyo Sansaan Colaadeed, waxaana markiiba dhacay Dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daatay waxanu Cigaal ku guulaystay Hubka Dhigistii beelihii Hubaysnaa, waxana la qarameeyay Ciidamadii Qaranka Somaliland Ugu dambayntii, Wxa uu dhisay Dawlad lugaheeda ku taagan waxana la ansixiayay oo la meel mariyay Dastuurka Somaliland 31-May-2001.

Markii uu Geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibaraan Cigaal Alle haw naxariistee 03-May-2002, waxa xilkii Guurtidu ugu dhawaaqeen Daahir Rayaale Kaahin Oo markaa ahaa Madaxwayne ku xigeenkii madaxweyne Cigaal.

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u guulaysatay Habka iyo Hanaaka Dawladnimo, Horumarinta Dhaqan-dhaqaale, iyo Geedi socodka Dimuqraayada iyo waliba Qaranimada Somaliland iyo Dhismaha Nabada, waxana lagu xasuusan karaa Mashaariciihii kala duwanaa ee dalka laga hirgaliyay isga oo noqday madaxwaynihii ugu adkaysiga Badnaa Uguna dulqaadaka badnaa, iyadoo saxaafada loo mariyay Aflagaadooyin ka dhan ah madaxyanaha xataa Xaaskiisa cayda la gaadhsiiyay. Markii uu sii sagootinaayay kursiga Madaxwaynenimo iyada oo uu dalku galay xaalada aad u adag, ereyadiisii waxa ka mid ahaa “waxaan kaaga tagay Dal midaysan iyo dad midaysan”

Markii madaxwayne Siilaanyo xilka loogu dhawaaqay 2010 Waxa dul hogaanayay Ballan qaadyo tiro beel ah, waaxanu ballanqaday inuu soo dhisaayo xukuumada kooban oo tayo leha, laakiin taasi waxay noqotay halbacaad lagu lisay hada wasaaradaha hada jiraa Inkabadan 26 wasaaradood Halka Wasiirada iyo W.kuxigeenadu yihiin 46,iyo hay’ado kale oo tiro beel ah oo an dastuurka meela kaga jirin waxaan ka xusi karaa, 1. Hay’ada ICT-ga 2. Hay’ada la dagaalanka Musuqmaasuqa 3. Hay’ada ilaalinta Tayada 4. Commisionka la dagaalamka HIV-Aidska 5. Gudida Shaqo abuurka dhalinyarada Iyo Qaarka loo badan Dhamaan hay’adahana waxa ku shaqo leh Wasaaradaha waana shaqada wasaaraha , Tusaale ahaan Hay’ada la dagaalanka Musuqmaasuqa waa shaqadii Xisaabiyaha Guud oo Wasaarada Maaliyada Hoostaga, Gudida Shaqo Abuurka Dhalinyarada Waxa ku Filan Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Qoyska oo aad loo tayeeyo.

Hadaba Bulshada reer Somaliland siyaabo badan ayay u fasirteen Arimahan halka qaar kood ku andacoonayaan Inaan loomeel dayin Hay’adahan ee ay tahay Farsamo jeeb loogu samaysanaayo Hantida Umadda , Halka qaarkale ku tiraabeen waa Aqoon daro dawladeed iyo maamulxumo siyaasadeed. Taasi wata dhalisya in wasiir waliba mudo kooban hayo si hormo kale oo wasiiro ah loo soo daayo loona magacaabo wasiiro cusub.

Xukuumada maanta talada haysaa, waata garaadkeedu siiyay in Hay’ad madax banan la hoos geeyo Madaxtooyada, waxaanan ka taaban karaa Hay’ada Horumarinta Wadooyinka (Somaliland Road Authority) iyo Hay’ado kale oo aad u tiro badan oo la hoos geeyay Madaxtooyada Xukuumadan maanta Joogataa waata u tudhi wayday Shacabaka masaakiinta ah ee Neef walba oo xoola ah dusha ka saartay waxa aanu qaadi Karin, waata karantimayn kari wayday Ganacsatada wax soo dejisa ee shacadbka sida ay doonan ka yeela, waa ta Kootada (quota) ugu xidhay cida maslaxadeeda ah, Waxana la odhankarkaa umay abaalgudin shacabkii soo doortay e kursiga saaratay kaliya waxa ay ugu abaal guday Xadhig Cagajuglayn iyo Hanjabaad ka dhan ah shacbiga. Shacbiga Reer Somaliland waa dacad oo ima bisla Siyaasada hadaba kii dan leh marka ay Suudiga iyo Kulaylka ay umaraan kadib uu gaadho halkii uu doonayay ayuu inta askar is hordhiga albaabka ka xidhaa.

Leave a comment