Aragtida Ay Mihnadlayaasha Caafimaadku Ka Bixiyeen Komishanka NHPC Iyo Talooyinka Ay U Soo Jeediyeen

Published on May 24 2014 // Warar

Picture4Waa qoraallo wacyi-gelin ah oo ay iska kaashadeen Komishanka Qarankaee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) iyo Wargeyska Geeska Afrika… Q:8aad

Hargeysa (Geeska)- qormooyinkan wacyi-gelinta ah ee muddo inoo soo taxnaa waxa aynu kaga soo hadalnay mawduucyo tiro badan oo ay ka mid yihiin, Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadka iyo faa’idooyinka uu u leeyahay bulshada reer Somaliland ee hadda uun bilaabay jidkii horumarka in ay ku tallaabsadaan, dibna u dhisaan hay’adihii adeegga bulshada ee uu caafimaadku ka mid yahay. Waxa aanu Komishanku u taagan yahay in la helo qaab loo xakamayn karo mihnadaha caafimaadka, taas oo ah in la hubiyo aqoonta iyo heerka xirfadeed ee mihnadlaha caafimaad ee uu muwaadinku shimbirka uga raadinayo xanuunka haya.

Haddaba wargeyska Geeska Afrika isaga oo arrimahaas oo dhan maanka ku haya waxa uu qorsheeyey in qoraalladan wacyi-gelineed ee taxanaha ah uu ku soo daro qormooyin lagu eegayo aragtida ay Mihnadlayaasha kala duwan ee caafimaadku ka qabaan Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadka, iyo shaqadiisa, iyo weliba haddii ay jiraan talooyin ay ku soo biirinayaan. Waxaana aynu maanta ku bilaabaynaa waraysi kooban oo aanu arrintan kala yeelannay, Maamulaha Shaybaadhka Casriga ah ee Needle Pathology Laboratory, Md. Xuseen Jaamac Xaad oo ka mid ah mihnadlayaasha caafimaadka ee dalka.

Waa kuma Md. Xuseen Jaamac Xaad?

Sanadkii 2003da waxa uu waxbarashadiisa heer-jamacadeed ka bilaabey jaamacada Alzaem  Al-Azhari oo ku taalla magaalada Khartoum, ee dalka SUDAN. Gaar ahaan Kulliyada  shaybaadhka, waxa aanu ka qaataey shahaadada Degree (Degree of Medical Lab science) Sannadkii 2006da, kadib waxa uu mudo sannad ah ka shaqeeyay Cisbitaallo ku yaala wadanka Sudan. Sannadkii 2008 illaa 2009 waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan  Kulliyadda Caafimaadka, sidoo kale waxa uu macallin ka noqday ama qaarkood weli ka yahay, dhowr ka mid ah jaamacadaha muhiimka ah ee dalka ka dhisan, sida Kampala university –Hargeisa Branch, Golis university iyo Addis ababa Medical university College. Sannadihii 2010, 2011, waxa uu mar kale dib ugu noqday barashadii cilmiga, waxa aanu Cilmiga Caafimaadka bulshada iyo Daraasaadkooda ka bartay Jaamacada Qaranka ee Malaysia (National university of Malaysia – UKM) isaga oo ka qaatay Shahaadada Master Degree in Epidemiology and Statistics. Md. Xaad, waxa uu sidoo kale qaatay koorsooyin kale duwan oo qaarkood ku saabsanyihiin maamulka iyo maareynta, sida loo hindiso, loo maamulo ama loo qiimeeyo mashaaricda caafimaadka. Xaad, hadda waxa uu madax ka yahay qaybta cimli baadhista ee wasaarada caafimaadka, isla markaana waa maamulaha shaybaadhka casriga ah ee Needle Pathology Laboratory. Waraysigii aanu la yeelannayna sidan ayaa uu u dhacay:

Baahida Komishankan loo qabaa inta ay le’Picture3eg tahay?

J: Sideedaba Bani’ aadamku waa in uu yeeshaa xakame ama sharci qabta, hadii aanu jirina sida uu doono ayuu u talaabsanayaa waxa uu doonana wuu sheegan karaa. Dad badan oo muwaadiniin ama shisheeye ah oo dalka ka shaqeeya ayaa sheegta xirfado aanay aqoonteeda lahayn, tusaale ahaan; waxaad arkeysaa qof aan waligii gelin Dugsi caaafimaad oo ku maxaafsanaya magaca Doctor (Dhakhtar) oo inta uu Farmasi furto ku dhajiyey boodh uu ku qoran yahay Dr Hebel. Taasi waxan odhan karna waa khiyaamo iyo dhuljiifnimo cad oo badheedh ah oo lagula kacay dad shacab masaakiin ah. waxa kale oo jira dakhaatir ajaanib ah oo sheegta aqoon caafmmad oo aan la hubin oo ka howlgala dalkeena dadka shacabkuna kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan sida qaliimo aan loo baahneyn oo ay sameeyaan.

Marka aan eegno dhinaca shaybaadhka iyana waa la mid oo inta badan dadka ka shaqeeya xarumah caafimaadku malaha aqoontii loo baahnaa kuwaasi oo soo saara natiijooyin qaldan ama aan jirin, tusaale ahan; waxaa laga yaabaa in aad aragto qof laga qaadey kaadi oo lagu yidhi kelyaha ayaa ku fadhiya ama wadnaha ayaa ku weynaadey ama infekshan ayaa dhiigaaga raacay, waxyaabahaas oo aan lagu ogaan karin kaadi kali ah sida kaleyo xanuunka oo laga ogaankaro dhiiga, ama wadne xanuunka oo u baahan sawir iyo wixii lamid ah.

Maxaad u malaynaysaa in uu yahay qaabka ugu quruxda badan ee uu Komishanka qaranka ee mihnadaha caafimaadku u gudan karo waajibaadkiisa shaqo ee ah xakamaynta mihnadaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka?

Waxa fiican in la adeegsado ciidan u gaar ah Komishanka oo baadhitaanno iyo kormeer ku sameeya goobaha caafimaadka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba. Waxa kale oo loo baahanyahay in uu Komishanku abuuro Waax qaabilsan dabagalka gabbood-fallada ay ku kacaan shaqaalah caafimaadka iyo anshax-marininta cid kasta oo lagu helo falal-danbiyeedyo iyo xeelado guracan oo ka dhan ah cafimaadka bulshada iyo xaqiijinta heerka adeega caafimaad ee laga rabo in uu bixiyo  minhnadle caafimaad oo kasta.

Taladaada ku aaddan komishankan?

Maadaama ay shaqadani tahay shaqo aad u adag fulinteedo, horta komishanku waa in ay u dhabar adaygaan dhib kasta oo kaga iman karta inta ay shaqada gudanayaan. Howlaha noocan oo kale ah waxay u baahanyihiin dhaqaale iyo dad xirfado gaar ah leh sidaa awgeed waxan ku talin lahaa in Komishanka loo sameeyo miisaaniyad-sannadeed Qaran oo ku filan si ay u fuliyaan howlahooda qaranku u igmadey iyo in komishanka la siiyo tababaro iyo  khibrado u fududeeya fulinta hawlahooda shaqo ee ay qaranka u hayaan. sidoo kale waa in la sameeyo shuruuc laga soo dheegtay diinteena islaamka taasi oo lagu dhaqi doono qof kasta oo sheegta xirfad aanu lahayn ama sameeya gabbood-fallo ku aadan xirfada caafimaadka. La soco waraysiyo kale iyo qaybo kale oo taxanahan ka mid ah…

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!