Aragtida Ay Mihnadlayaasha Caafimaadku Ka Bixiyeen Komishanka NHPC Iyo Talooyinka Ay U Soo Jeediyeen

0
617

Picture2Waa qoraallo wacyi-gelin ah oo ay iska kaashadeen Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) iyo Wargeyska Geeska Afrika… Q:9aad

Hargeysa (Geeska)- qormooyinkan wacyi-gelinta ah ee muddo inoo soo taxnaa waxa aynu kaga soo hadalnay mawduucyo tiro badan oo ay ka mid yihiin, Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadka iyo faa’idooyinka uu u leeyahay bulshada reer Somaliland ee hadda uun bilaabay jidkii horumarka in ay ku tallaabsadaan, dibna u dhisaan hay’adihii adeegga bulshada ee uu caafimaadku ka mid yahay. Waxa aanu Komishanku u taagan yahay in la helo qaab loo xakamayn karo mihnadaha caafimaadka, taas oo ah in la hubiyo aqoonta iyo heerka xirfadeed ee mihnadlaha caafimaad ee uu muwaadinku shimbirka uga raadinayo xanuunka haya.

Haddaba wargeyska Geeska Afrika isaga oo arrimahaas oo dhan maanka ku haya waxa uu qorsheeyey in qoraalladan wacyi-gelineed ee taxanaha ah uu ku soo daro qormooyin lagu eegayo aragtida ay Mihnadlayaasha kala duwan ee caafimaadku ka qabaan Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadka, iyo shaqadiisa, iyo weliba haddii ay jiraan talooyin ay ku soo biirinayaan. Waxaana aynu maanta ku soo qaadanaynaa qaybtii labaad ee ururinta aragtida mihnadlayaashu ka qabaan komishanka, oo aynu ku eegayno Dr. Khadar Axmed Cumar oo ka hawlgala cisbitaalka guud, macalinna ka ah kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeyska.

Waa kuma Dr. Khadar Axmed Cumar?

Magacaygu waa Dr Khadar Ahmed Omar. Waxaan ka shaqeeyaa Cisbitaalka guud ee Hargeysa gaar ahaan waadhka nafaqada ee caruurta. Waxaa kale oo aan wax ka dhigaa jaamacada Hargeisa.

Dhinaca aqoonta, waxaan shaahadada Bachelor degree ah aan ka qaatay jaamacada Hargeisa, Waxaa kale oo aan tababar caafimaad ku soo qaatay jaamacad ku taala wadanka Norway oo loo yaqaano University of Oslo, Imikana waxaan ka diyaariyaa Jaamacada Golis Master of Public Health.

Baahida Komishankan loo qabaa inta ay le’eg tahay?

J: Baahida loo qabo komishanka mihnadlayaasha caafimaadku runtii waa mid aad iyo aad u balaadhan oo qiimo wayn u leh dhamaan shacabka Somaliland. Waxaa la wada ogsoonyahay in ay jiraan dad badan oo ku shaqaysta xirfada caafimaadka iyagoo aan wax aqoon ah u lahayn mihnada caafimaadka taasoo khatar ku ah shacabka Somaliland isla markaana galaafata nolosha boqolaal kun oo qof oo muwaadiniin ah oo intay dan moodeen dad jaahiliin ah kala kulmay halis caafimaad oo gaadhsiisan ilaa heer dhimasho. Faaidooyinka uu leeyahay komishanku runtii aad bay u badan yihiin balse hadii aan ka sheego wax ka mid ah oo aan ku soo koobi lahaa sadex arimood oo kala ah:

1) Waa ta koowaade, Waxay kor u qaadayaan tayada caafimaad ee shacabka somaliland waxaanay ka ilaalinayaan ciddii khatar gelinaysa nolosha bulshadeenna ee ku andocoonaya inay aqoon u leeyihiin mihnada caafimaadka.

2) Waxay tirokoobayaan dadka Shahaado sax ah oo la aqoonsanyahay ka haysta mihnada caafimaadka si looga war hayo cidda aqoonta u leh caafimaadka ee lagu aamini karo nolosha bulshadeena.

3) Waxa ay dhawrayaan sharafta mihnada caafimaadka iyaggoo ka ilaalinayaa wax Allaale wixii wiiqaya sumcada ay mihnadu ku leedahay bulsho waynta somaliland dhexdeeda.

Maxaad u malaynaysaa in uu yahay qaabka ugu quruxda badan ee uu Komishanka qaranka ee mihnadaha caafimaadku u gudan karo waajibaadkiisa shaqo ee ah xakamaynta mihnadaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka?

Waxay ila tahay qaabka ugu quruxda badan ee Komishanka qaranka mihnadlayaasha caafimmaadku u gudan karo waajibaadkiisa shaqo waxa weeye, in ay raacaan xeerka iyo qawaaniinta u degsan wadankeena ee qeexaya inay ilaaliyaan tayada caafimaad ee shacabkeena, isla markaana ugu hawlgalaan si karti iyo cadaaladi ay ku dheehantahay oo aanay cidna uga waabaanin waajibaadka loo igmaday. Cidda ay ay ku qabtaan inay ku shaqaysanayso mihnada caafimaadka iyada oo aan wax aqoon ah u lahayna waa inay ka qaadaan talaabo sharciga waafaqsan oo degdeg ah si ay uga waantoobaan arimaha nocaas ah, isla markaa ay digniin ugu noqoto cidii doonaysa inayku dhaqaaqdo arimahan oo kale.

Taladaada ku aaddan komishankan?

Marka hore waxa aan leeyahay, aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin shaqadaa wanaagsan ee aad u haysaan wadankeenna oo runtii aad iyo aad u qiimo badan.

Talada aan u soo jeedinayo Komishanka mihnadlayaasha caafimaadku waa in ay shaqadooda u gutaan si cadaalad, karti iyo dhiiranaani ay ku jirto, oo aanay cidna uga waabanin wixii ka hor imanaya waajibaadkooda shaqo. Isla markaana ay yeeshaan sabir badan oo ay kaga dabaashaan wixii dhibaatooyin ah ee la soo darsa ilaahayna ha idiin fududeeyo hawshaa culus ee aad qaranka u haysaan.