Aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen Oo Safar Ku Yimid Magaalada Hargeysa

0
710

 

jamaal cali xuseenHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Citi banka qeybtiisa Tanzania Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inay wakhtigan Somaliland galeyso halgankii dhaqaalaha oo loo baahan yahay siddii waddanka maalgashi shisheeye loogu soo jiidi lahaa,laguna dadaali lahaa sidii loo kobcin lahaa  dhaqaalaha waddanka oo shaqo abuurisna loogu sameyn lahaa dhalinyarada.Isla markaana waxa uu ku amaanay xukuummada madaxweyne Siilaanyo muddadii halka sannadood ahayd ee ay jirtay waxqabadka ay ku talaabsatay.

Sidaa waxa uu Jamaal ku sheegay,kadib markii uu saaka si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa.  

Guddoomiyaha Citibank Baank qeybtiisa Tanzania Jamaal Cali Xuseen oo qolka nasashada ee Madaarka  ugu waramayey saxaafada ayaa waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin dhamaan asaxaabta Salaadiinta,dhalinyarada,Xubno ka socday Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Iyo Dallada SONSAF,xildhibaanada,aqoonyahanka aad iyo aad ayaad u salaaman tihiin,annigu maanta waan ka yaabay soo dhaweyntiina oo waxaan is-idhi ma xod-xoodasho kale ayaa ku jirta”.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku hambalyey shacabka reer Somaliland sida wanaagsan ee nabadooda u ilaashanayaan,isla markaana waxa uu xukuummada Somaliland ku amaanay waxqabadkeeda ay samaysay muddada halka sannadood ah ee ay xilka haysay, waxaanu yidhi “Shacabka reer Somaliland aad ayaan ugu hambalyeynayaa sida wanaagsan ee ay dimuqraadiyada,nabadooda u ilaashanayaan, xukuummada waan u hambalyeynayaa waxqabadka ay sameeyeen iyo xukuumadihii ka horeeyeyba waxyaabaha ay waddanka ka soo qabteen”

“Dalka Somaliland waxa uu ku soo caano-maalay nabad iyo kala danbeyn horumarkuna kolba meel ayuu u socdaa oo geedigii ayeynu ku jirnaa,geedigiina weli muu dhamaan hawshiina may dhamaan hawlweyn ayaa idin sugaysa,waddankana sugeysa inay dhalinyarada iyo cidda xooga weyni ka qaadanayso,aniguna intii aan ka ciyaari karayo waan ka ciyaari dadkii kalena way ka ciyaarayaan oo wixii ay qaban karayaan way qabanayaan,”ayuu yidhi Jaamal Cali Xuseen.  

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waan jecelay inaan markasta waddankayga ku soo noqdo oo aan ogaado xaaladu kolba halka ay mareyso iyo wixii aan tallo iyo tusaaleba aan ku soo kordhin karo”.

Intaa kadib waxay Weriyayaashu weydiiyeen Su’aalo.

Mar aan weydiiyey Jamaal Cali Su’aal ahayd, Jamaal Waxaad dalka timid iyada isbedel Siyaasadeed uu ka dhacay,markaa ma ku tallo jirta inaad Siyaasada ka qeybgasho? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Imika xukuummad cusub ayeynu dooranay oo waxay jirtaa sannad uun oo waxa u dhiman afar sannadood waana xili fiican,markaa Salaad walba xiligeeda ayaa la tukadaye ee imika  aynu garabgalno oo aynu la shaqeyno dawladeeda imika si aynu u gaadhno himilooyinka aynu hiigsanayno.”

 Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo dhaweyey go’aankii Furashada Ururada Siyaasada ee uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay una gudbiyey Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Go’aankuu furashada ururada Siyaasada ee uu ku dhawaaqay madaxweynuhu  una gudbiyey Golaha Wakiillada in Ururo siyaasadeed oo cusub la furo waa shey aad u wanaagsan oo furfureysa siyaasadii oo fursad siinaysa dad badan oo aan ku jirin inay ka soo qeybgalaan oo ay waddanka wax ku taraan”

Guddoomiyaha Citi bank qeybtiisa Tanzania waxa uu ku amaanay guddidi talo-bixinta ururada Siyaasada uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hawshi ay qabteen,isaga arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Guddidi tallo-bixinta Ururada Siyaasada uu madaxweynuhu u magacaabay waxay qabteen hawl-weyn waanan ku bogaadinayaa sida fiican ee ay u dhabar adeygeen iyo xogtii fiicnayd ee ay soo uruuriyeen, taas oo shacabka reer Somaliland ka wadda farxisay natiijadii ay ku dhawaaqeen”.

“Guddida tallo-bixinta Ururada Siyaasada arrinta kaliya ee aanan ku raacin waxa weeyaan soo jeedintii ahayd in la kala diro Golayaasha deegaanada dalka, oo waxa ka jooga oo guddida ka  mid ahaa saaxibkay Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo ahaa guddoomiye kuxigeenka guddidaasi”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Mar uu Jamaal ka hadlayey u jeedada safarkiisa uu ku yimid Somaliland waxa uu yidhi“U jeedada aan dalka u imid waxa weeyaan casuumad ay ii fidiyeen dhalinyaro aad u fara badan oo ka mid ah aqoonyahanada dalka oo waxaan la sameyn doona indho-indhayn wada-tashi,madaxda Xisbiyada kalena dhamaantood saaxib ayaan la wada ahay.Dadka ayaan la wada tashanayaa oo wixii igala gudboon ee aan waddanka u qaban karayo waan u qabanayaa…waddan dad ayaa u soo dhintay oo naftoodi u soo hurey, markaa inuu qof xoogiisa ku taageero oo kaliya waa ta ugu hawl yar….welina halgankiina weynu ku jirnaa”

“Waxay imika galeynaa halgankii dhaqaalaha oo adduunkii uu isbedelay oo waxa berigii hore lagu dagaalami jiray aydhiyoolajiyado iyo dhul-balaadhsi,laakin maanta waxa lagu tartamaa dhaqaale, markaa aynu ku dedaalno sidii aynu u kobcin lahayn dhaqaalaheena,waddankasta dhaqaalihiisa ayaa hub u ah….markaa waa in Istaraatijiyadii (Strategy) dhaqaalaha loo kobcin lahaa oo shaqo abuuris dhalinyarada loogu sameyn oo waddanka maalgelin shisheeye loogu soo jiidi lahaa si dhaqaalihiisu isku kabo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waa inuu waddanku yeesho istaraatijiyad dhaqaale oo la isla wada ogyahay waxaad mooda inaynu iska socono oo aynaan ka hadli jirin istaraatijiyad  dhaqaale, taasina dhibaato malaha oo waddanku waxa uu soo marey burbur fara badan oo dadkii culeys badan ayaa la saarayey oo guri dhis ayeynu ku jirnay oo waddankii ayaa la dhisayey oo waddooyinkii ayaa la dhisayey oo dadkii ayaa la dhisayey oo hadana waxaynu dhisaynay dimuqraadiyadii”         

Waxa madaarka ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Citibank Bank qeybtiisa Tanzania Jamaal Cali Xuseen,Salaadiin,Xildhibaano,aqoonyahano,dhalinyaro, Xubno ka socday Ururka dhalinyarada Somaliland ee SONYO, iyo dad kale.

Hadaba, Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland oo wakhtigan degen dalka Tanzania, isla markaana ah guddoomiyaha Citi bank qeybtiisa Tanzania ayaa waxa uu  qaatey shahaadada loo yaqaano Master Of Bussiness Administration (MBA),isaga oo ka qaatay Jaamacada Hadvard University oo ah Jaamacada ugu sareysa adduunyada,isla markaana ay faro ku tiris yihiin dadka Soomaalida ah ee dhameeyey.Sidoo kale Jamaal waxa uu haysta Shahaadada loo yaqaano CPA-da oo ah Xisaabiye la hubiyey.