Aqoonyahan Maydhane Oo U Jawaabay Aqoonyahan Bile

0
750

Hargeysa(Geeska)-Aqoonyahan  Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka mid ah aqoonyahan reer Awdal ee ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa ka jawaabay hadalo uu aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo ka tirsan xisbiga KULMIYE uu hawada u mariyay xisbiga Waddani oo ahaa kuwo eedayn ah.

Professor Maydhane, wuxuu si adag u dhaliilay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay mid aan macno lahayn, kuna kooban fikir uu qof qoray, “Waxa laga yaabaa inaan aanaan Maxamed Cali Bile isku si u aqoonin halbeegyada waxayaabay yihiin, anigu halbeeg ayaan u haystaa dib u eegista dastuurka, hal beeg ayaan u haystaa wadada Saylac iyo Borama isku xidha ayaan dhisayaa, inay hal beegyo cad cad yihiin ayaan u haystaa, waxase eed culus ah in uu bedelo hadalkii ahaa barnaamijka kulmiye waxa laga keenay ka waddani oo uu ku bedelo kulmiye waxa dhalay waddani, anigu ma arag cid masuul ka ah waddani oo weli tidhi Waddani ayaa iska daa’ inuu dhalee ka horeeyay xisbiga KULMIYE.” ayuu yidhi Professor Maydhane oo intaas raaciyay “su’aasha koowaad ee qofku isweydiin karaa waxa weeye kulmiye ma leeyahay barnaamij siyaasadeed oo uu rabo inuu ku ololeeyo, barnaamijyada siyaasadeed maaha wax qofku inta mar qudha la qoro uu qofku   hoosta ku haysto waa wax loogu tallo galay in bulshada gaadho oo ay ka soo fal celiyaan, waxaynu ognahay muddo kordhintii bishii 3aad, waxay muddo kordhintaasi dhacday xisbigaas oo aan lahayn wax barnaaminj siyaasadeed ah, waana u ayaan darro in isaga oo rabay in uu dalku maamulo aanu lahayn wax barnaamij siyaasdeed ah.”

Ugu dambayn wuxuu aqoonyahan Maydhane yidhi “Barnaamijka kulmiye boggiisa 1aad waxa ku taala hore ayaa loo soconayaa, su’aashu wax weeye horadaasi waa halkee, horada aynu naqaanay sida uu Maxamed ku doodayo haddii ay tahay wixii looga soo joogay KULMIYE toddobadaas sannadood musuq ayaa la idinka soo joogay.”