Aqoonyahan Dr. Maxamed Cali Direyse Oo Geeriyooday

0
641

Markasta oo uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka geeriyoodo amma ka baxo shaqsi aqoonyahan ah oo aan waxba laga qorin, waxa ay ka dhigan tahay buug ka gubtay qaybta keydka xog-ururinta buuggaagta dhaxal-reebka ah, kaasoo anfici lahaa jiilka u soo kacaya dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxa cusbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa ku geeriyooday maanta Allaah ha u naxariistee marxuum Dr. Maxamed Cali Direyse oo ahaa aqoonyahan bartay cilmiga caafimaadka dadka,  dhirta, macdanta iyo cilmiga raad-raaca taariikhdii hore, waxaannu ururiyey, isla markaana hayay taariikho badan iyo aansaartii hore ee uu lahaan jiray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse waxa marxuumka lagu aasay Hargeysa, iyadoo aan wax taariikh ah laga reebin.

Marxuunku waxa uu ku dhashay caasimadda Hargeysa sannadkii 1952-kii, yaraantiisii waxa uu ku soo qaatay waxbarashadiisii dugsiga Axmed-guray iyo Faarax Oomaar ee Hargeysa, ka dib markii uu dhammaystay dugsigiisii sare ayuu galay mac-hadka culuunta caafimaadka oo uu dhammeystay sannadkii 1974-kii, waxaannu isla mac-hadkaas loogu qaatay in uu ka noqdo macallin dhiga culuunta caafimaadka isla sannadkii 1975-kii ilaa iyo sannadkii 1980-kii, marxuunka waxa loo magacaabay Isu-duwaha Adeegyada caafimaadka ee gobolka Togdheer sannadku markuu ahaa 1983-kii, isagoo xilkaasi haya ayaa dalka Maraykanka loogu diray waxbarasho dheeraad ah sannadkii 1987-kii.

Allaah ha u naxariistee, waxa marxuumku uu shaqo ka helay cusbitaal ku yaala dalka Sucuudiga, kaasoo la yidhaahdo Kinfat hospital sannadkii 1991 ilaa 1995, muddadaasi ka dib waxa uu waxbarasho cilmiga caafimaadka wadnaha u tagay dalka Mareykanka,  markii uu halkaasi ka soo guryo noqday waxa loo magacaabay xidhiidhiyaha mashruuca la odhan jiray FINSOM oo ka dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Finland, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, kaasoo xilkaasi hayey wakhtigan xaadirka ee uu xijaabtay. 

Allaah ha u naxariistee marxuunkaasi  waxa uu guursaday laba dumar ah oo u kala dhalay min laba carruur ah oo isugu jiray laba wiil iyo laba gabdhood, waxaanu marxuunkaasi lagu aasay xabaalaha ku yaala masalaha ee caasimadda hargeysa.

Waxa ka soo qayb-galay aaska marxuunkaas masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan,  Wasiir Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), mudane,  Xassan Ciise Jaamac, Cbdi Haybe Muxumed iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka.

Anigoo ku hadlaaya magacayga, ka shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo masuuliyiinta kor ku xusan, waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuun Maxamed Cali Darayse in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo iyo dhamaan idilkeenba, waxa kale oo Alle (SWT) ugaga baryaynaa in uu geeyo Janatul Fardowsa. Aamiin.