Aqoonyahan Dhallinyaro Ah Oo Cadeeyay Hankiisa Siyaasdeed

0
711

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guuleed Yuusuf Iidaan, oo ka mid ah dhallinyarada magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah u sheegay inuu u taaganyahay tartanka doorashada golaha wakiilada oo sannadka dambe la filayo inay qabsoonto. Guuleed oo loo yaqaano Guuleed Goohe, wuxuu kulan ay isugu yimaadeen dhalilnyaro aqoonyahani ahi uu ka cadeeyay inuu yahay murashax doonaya inuu ka mid noqdo golaha wakiilada Somaliland, isagoo sheegay inay bulshadiisu soo sharaxday, waxaanay dhallinyaradii kulanka ka qayb gashay cadeeyeen inay taageeradooda la garab istaagi doonaan.marka uu isa soo sharaxo.

Guuleed waxa uu ka mid ahaa Dhalinayaradii ugu horaysay ee ay Macalinnimo  u qaadatay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre, ee Dugsiyada Sare, sidoo halena waxaa uu kamid ahaa Assasyaashii  Dalada dhalinyarada Somaliland Ee SONYO  oo uu xilal kaladuwan kasoo qabtay  ,waxaa uu ahaa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Dalada Dhalinyarada ee SONYO , waxaa uu kaqaygalay  Shirar badan oo ay  Dhalinyarada Aduunka  isuguyimaadeen , iyadoo uu mudo dheer ka soo shaqaynaayey arrimaha horumarinta dhalinyarada Somaliland.

 Dhallinyaro badan ayaa u muuqata inay soo bandhigayaan hankooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay ka qayb galaan siyaasadda Somaliland, gaar ahaan waxa isa soo taraya dhallinyaro badan oo doonaysa inay ka mid noqdaan golaha wakiilada Somaliland.