Aqoonsi Raadisku Waa Oodo Dhacameed

65
6678

Danjire Cali Aadan Cawaale
Asalaamu caleykum,

Qormadan sidata cinwaanka Aqoosigu waa oodo dhacameede siday u kala sarreeyaan aan u kala gurro waxay u horraysaa dhawr qormo oo aan kaga hadli doono dadar gelinta aqoonsiga dalkeenna, maantana waxan ku soo qaadanayaa Passport-ka Somaliland oo hiil qaran u baahan.
Muwaaddin kasta waajib baa ka saaran u dedaalka xaqiijinta qarannimada iyo qaddiyadda Somaliland ee xilliga dheer loo soo halgemey, waxana biyo kama dhibcaan ah inanynu mar walba inta hoggaanka inoo haysa u daba fadhiisanno, iyana daacadnimo iyo dan guud innagu hoggaamiyaan. waajibkaas ayaa ina faraya inaynaan ku bakhaylin wixii aynu talo iyo tusaale ku biirin karro hadba cidda xilkaa inoo haysa.
Aan biyo dhaco oo dulucda u daadagee aqoonsiga ay Somaliland raadineysay muddada dheeri wuxu u baahan yahay inaynu marka hore si wacan raadintiisa uga baaraan-degno oo ugu weel samaysanno, una daba gallo marba xidhiidhada togan ee inoo furma. Arrintaas oo aan qabo inaynaan weli samaysan. Sida loogu weel samayn karaa ma adka waxayse u baahan tahay ku-talo-gal qorshaysan oo dad iyo duunyo ku habboon loo hello.
Ka sakow shuruudaha 4ta ah ee “Montivedio Convention” ee dal jira lagu noqdo (Dad, xuduudo cayiman, Dawlad dhisan iyo inay heshiisyo geli karto) oo ay madaxdeenu aad uga hadlaan, waxa jira qodobo kale oo muhiim ah oo ay tahay inaynu ka hawl gallo si ay inoogu sahlaan aqoonsiga buuxa. Waxa ka mid ah caqabadahaa ka soo horreeya aqoonsiga buuxa, qaar aan la kulmay intii aan u igmanaa xilkii ay hawshaasi ka midka ahayd. Waa arrimo ay suura gal tahay in lagu guulaysto haddii loo hagar baxo oo si hufan looga hawl galo. Waxa kamid ah arrimahaas:
Passport-ka Somaliland 
Passport-kaaga oo lagu galo dalalka kale macneheedu maaha inay dalalkaasi ku aqoonsadeen sida ay dad badani qabaan, balse waxay aqbaleen inaad jirto leedahayna passort kuu gaar ah. Tusaale waxa kuugu filan dalka Taiwan oo dadka sita passport-koodu 93 dal oo ay ku jiraan USA, Biritain iyo Midawga Yurub oo aan aqoonsanayn bilaa visa ku galaan. Lama aqoonsana balse waxay ku dedaaleen inay dunida ku qanciyaan passport-kooda si ay China uga duwanaadaan, waanay ku guulasteen dedaal badan kadib. Dalal aan la aqoonsanayn sida Falastine iyo Kosovo ayaa iyana lagu safraa Passport-kooda balse dalal madax bannaan looma aqoonsana.
Dhacdo aan la kulmay oo bayaamisay xog muhiim ah:
Midawga Yurub waxay samaysteen xog diyaarsan oo kala soocda passports-ka dunida waxanay u kala saareen dawladaha la aqoonsan yahay, kuwa aan la aqoonsanayn iyo kuwo aan dal lahayn.
Mar aannu shir Somaliland aqoonsigeeda lagaga hadlayey ku qabannay xarunta EU-da ee Brussels sannadkii 2015 ayaanu ku marti qaadnay ganacsade reer Somaliland ah oo sita Passport-keenna si uu uga hadlo dhibta ka haysata ganacsatadeenna aqoonsi la’aanta. Visa ayaanu uga dalbannay Safaaradda Belgium, kadib qunsulkii Belgium waxa uu noo soo saaray warqad daabacan oo qeexaysa halka Passport-keenu kaga jiro xogtaa EU ee passports-ka caalamka. Haddaba anoon ina barbar dhigayn Taiwan oo dal hore u maray ah haddana waxan filayey inu Passport-keenu ka dhex muuqdo kuwa aan la aqoonsanayn balse may dhicin! Hoos markaan liiskii u sii raacay waxan arkay inu ku jiro qaybta u liidata oo loo yaqaan FANTASY Passports, waa kuwa ay samaystaan qofafka, qabaa’ilka, shirkadaha,kooxo diimeedka iwm. Markii aan weydiiyey masuulkii maxaa halkaa naloogu daray waxay jawaabtiisii noqotay kala dooda xafiiska ay khusayso ee EU-da. Fadlan guji halkan si aad u aragto
https://ec.europa.eu/…/list_of_known_fantasy_and_camouflage… 
Waxa kuu soo baxaya “List of known Fantasy and Camouflage passports” hoos u raac oo eeg Republic of Somaliland.
Miyeynaan ka qaddiyad cuslayn ama la mid ahayn dalalkan loo qiray inay jiraan balse aan haysan aqoonsi caalami ah? Waa dalalka; Western Sahara, Palestine, Nothern Cyprus iyo Kosovo oon midkoodna dal madax bannaan weligii noqon. Jawaabtu hadday haa tahay waxbaa innaga qaldane waa in degdeg loo saxaa.
Xogtaa waxan la wadaagay laba wasiir oo aanu ku wada sugnayn xilligaa Brussels oo uu ka mid yahay Wasiirkeenna Arrimaha Dibedda waqtigan oo markaa ahaa Wasiirka Qorshaynta mudane Sacad Cali Shire waxanan ka codsaday inay dedaal culus ka galaan bal horta siday EU inoogu dari lahayd DALALKA AAN LA AQOONSANAYN oo inaga saaraan list-ka FANTASY-ga welise Fantasy-gii baynu ka mid nahay.
Waxan qabaa inaanay adkayn in laynagu daro dalalka aan weli la aqoonsan balse rabto in lagu wajaho dedaal qorshaysan iyo daba gal joogto ah.
Talo soo jeedin
• Waxan u soo jeedineyaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda in dib loo qaabeeyo kala mudnaanta tallaabooyinka aqoonsi raadiska dalka oo oodaha dhacameed siday u kala sarreeyaan loo kala guro.
• Wax wal oo cusubiba suuq-geyn buu u baahan yahaye waa inay masuuliinta dawladdu ku dhoofaan Passport-ka Somaliland marka ay Nairobi, Addis Ababa, Kampala iyo Jabouti Tegeyaan si dalalkaasi ula qabsadaan Passport-keenna. 
• Kenya iyo Uganda oo shaqaale badani ka joogo dalkeenna waa inaynu kala gorgortannaa inay aqbalaan Passport-keenna haddii kale aynu kuwooda diidnaa.
Alla haw naxariistee Abwaan Garriye wuxu yidhi:
Dalcaduba ma dheeree
Nimaan kaba dareen qabin
Inu dayn ka maqan yahay
Ayaan doono lagu karin.
Insha Allaah waa inoo qormada xigta oo ku saabsan National Country Code ( Maaha kii telephone-ka e waa mid kale).
Ammaana ALLA,
Ali Adam Awale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here