Apple Oo Markii Ugu Horreysay Soo Saartay Talefannada iPhone Oo Midabkoodu Casaan Yahay Iyo Sababta Ku Kalliftay

0
654

Washington (Geeska)- Shirkadda Apple ayaa salaasadii toddobaadkan ku dhawaaqday in ay soo saarayso talefannada casriga ah ee iPhone 7 iyo iPhone 7+ oo midabkoodu casaan yahay, si ay ugu dabbaal degeyso iskaashiga Toban jirsaday ee ay shirkaddu la leedahay ururka RED (Casaan) oo shirkado badan ka caawiya iibgeynta wax-soo-saarkooda midabkiisu casaanka yahay, kaas oo qayb ahaanna midabkan ugu dabbaal dega la dagaallanka cudurka dila hab-dhiska difaaca aadamaha ee loo yaqaanno AIDS ka.

Warmurtiyeed ka soo baxay shirkadda Maraykan ee Apple ayaa lagu sheegay in arrintani ay tahay tallaabo dadka macaamiisha ah laug baraarujinayo ka qayb-qaadashada sanduuqa caalamiga ah ee ol’olaha la doonayo in dunida laga suurtogeliyo jiil ka caafimaad qaba cudurka AIDS ka. Waxa kale oo ay shirkaddu warkeedan ku sheegay in talefannadan cusub suuqyada la soo gelin doono 24ka Bishan Maarij 2017-ka.

Tim Cook oo ah agaasimaha fulinta ee shirkadda Apple ayaa sheegay in ay shirkaddu sidan oo kale hore midabka casaanka uga dhigtay qaar ka mid ah wax-soo-saarkeeda ay ka mid yihin iPod Touch, iPad iyo saacadda Apple Watch iyada oo ka leh isla ujeedadan la xidhiidha cudurka AIDS ka.

Dhinaca kalana agaasimaha fulinta ee shirkadda RED Deibora Dougan ayaa iyaduna sheegtay in shirkadda Apple oo ah shirkadda caawimada ugu weyn siisa sanduuqa RED ay 150 Milyan oo doolar kaga qayb qaadatay shuraakada ka dhaxaysa RED. Lacagtaas oo lagu caawiyo dadka cudurkan qaba ee aan iska bixin karin lacagta dawooyinkiisa qaaliga ah, gaar ahaan dadka dalalka Afrika ee dhaca koonfurta Lama-degaanka weyn.

Talefankan cusub oo ay shirkadda Apple sheegtay in uu qaadkiisu yahay laba qaybood oo kala ah 128 GB iyo 256 GB ayaa qiimihiisu uu ka bilaabanayaa 749 Doolarka Maraykanka ah.