“APD Qayb Kama Aha Warbixinta Uu Machadka ISS Soo Saaray”

61
4050

Agaasimaha APD Maxamed Faarax

Hargeysa(Geeska)-Akademiga Nabadda iyo horumarka Somaliland ayaa sheegay inaanay qayb ka ahayn warbixin la baahiyay oo lagu sheegay inay wada jir u diyaariyeen Akademiga Nabadda iyo machadka kale ee ISS ee caanka ka ah qaaradda Afrika.

Qoraal uu soo saaray agaasimaha APD MAxamed Faarax Xirsi, ayaa wuxuu sheegay in machadka ISS uu u sheegay inay warbixinta magacooda ugu dareen xidhiidh hore uga dhexeeyay awgood, balse wuxuu sheegay inaanay APD warbixintaas qayb ka ahayn “Warbixin dhawaan lagu daabacay Wargeyska Geeska Afrika maalintii Khamiistii 02/11/2017 oo uu soo saaray machadka ISS, haddii aannu nahay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland waxa aannu caddeynaa in aan warbixintaas uu ka hadlayo la qorin, lana diyaarin mac-hadkaas ISS.

Haddaba, xidhiidh aannu la sameynay mac-hadkaas ISS kadib, waxa noo caddaatay wada shaqeyntayadii aannu lahayn darteed ay ugu soo dareen magacayaga, annaguna haddii aannu nahay Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, waxa aannu mar kale caddaynaynaa in aannu warbixintaa qeyb ka ahayn.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here