“Anigu Waan Caafimaad Qabaa, Dalkana Anigaa Madaxweyne Ka Ah Oo Ka Taliya, Hadday Iyagu Sheegayaan Hala Waydiiyo Cidda Ka Talisa Dalka”

0
1200

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad, doorashada uu dalku dhawaan galaayo iyo waxa uu qaban doono marka uu xilka ka dago.

Waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo sida oo kale ka hadlay taageerada uu u muujiyay musharax Muuse Biixi oo u ordaaya xisbiga madaxweyne Siilaanyo ee Kulmiye, waxaanu arimahan kaga hadlay warasyi uu la yeeshay Axmed Saki oo ka tirsan tilifishanka Qaranka, waxaana waraysigaas oo madaxtooyada ku qabsoomay uu u dhacay sidan:

Sool iyo Sanaag waxa ka bilaabmatay qaadashada kaadhkii codbixinta, waa maxay fariintaada madaxweyne ee aad u dirsayso?

Waxaan ku guubaabinayaa inay kaadhka codbixinta la qaato, ahmiyad weyn ayay leedahay in kaadhka la qaato, inaan doorasho xor ah oo xalaal ah aynu galnaa waa waajib ina saaran, waa xaq dadka iyo shacbigu uu leeyahay, dal dimuqraadi ah oo madaxbanaan ayaynu nahay waa inaynu marka ay doorashadu timaado kuligeen u diyaar garownaa, sidaa daraadeed waa in kaadhka la qaataa oo loo diyaar garoobo si doorasho wacan oo wanaagsani ay inoogu dhacdo.

labadaas gobol ee ugu danbeeya inaad si gaar ah ula hadasho ma jeceshahay?

Waxaan jeclahay inaan ku dhirigaliyo guubaabadaas inay kaadhka qaataan,doorashaduna waa waajib ina saaran oo waa xaq aynu leenahay meel kasta oo aynu joogno yaynu waxba kala hadhin ee aynu da'daal ka gaysano hawshaas.

Xisbiyada mucaaradka ah siiba kuwa dhaliila xisbiga talada dalka hayaa waxay kugu dhaliilaan in aanay sax ahayn madaxweyne inaad taageerto musharaxa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, maxaad kaga jawaabaysaa arinaas ay kugu eedaynayaan mucaaradku?

Asxaab ayaynu nahay, dal dumuqraadi ah ayaynu nahay oo asxaab ka kooban, xisbi ayaan ka tirsanahay haddaanan xisbigayga musharaxiisa taageerin hadaa yaan taageeri lahaa, dabcan dadka waan u simanahay si marka loo eego laakiin xisbi ayaan ka tirsanahay oo xisbiga aan ka tirsanahay musharaxiisa waan taageerayaa oo waa waajib iyo xil i saaran.

Mucaaradka waxaan u dirayaa dal dimuqraad ah ayaynu nahay xaqiina waad helaysaan cid xaqina idiin diidi kartaa ma jirto, markaas aynu wada da'daalno oo hawlgalno shakigana iska saara oo iska daaya insha allaahu doorasho xor ah oo xalala ah ayaa inoo dhacaysa.

Madaxweyne waxa jira siyaasiyiin iyo dad kale oo badan oo caado ka dhigtay in aanu madaxweynaha caafimaadkiisu sax ahayn,dalkana aanu ka talin, fariinta aad u dirayso dadkaas adiga oo jaaniskan aanu ku siinay ka faa'idaysanaaya maxay tahay?

Iyaga ha la waydiiyo cidda ka talisa dalka, anigu waan caafimaad qabaa Alxamdulilaahi rabil caalamiin caafimaadkayguna aad iyo aad ayuu u fiican yahay, dalkana anigaa madaxweyne ka ah oo ka taliya, hadday iyagu sheegayaan cid kale oo ka talisa iyagu ha sheegaan oo ha la waydiiyo.

Xisbiyada mucaaradka ah iyo waliba siyaasiyiin kale waxay yidhaahdaan dalku waxa uu leeyahay musdanbeed ama dad kale oo madaxweynaha ka danbeeya arintaas iyada ah maxaad kaga jawaabaysaa?

Dalka xilka iyo masuuliyada iga saaran cidna ugama danbeeyo, xilka iyo waajibka i saaran waan ka soo baxaa shaqadaydana waan haystaa Alle mahadii, si fiicana way ku socotaa, dalka iyo dadkuna meel fiican ayay hawshu maraysaa, dadku waa wada shaqaynayaa hawsha waa loo soo jeedaa aniga kaligayna maaha ee waa layla shaqaynayaa, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa dadka ila shaqaynaaya iyo kuwa had iyo jeer doonaya inay u halgamaan dalkan xoriyadiisa iyo madaxbanaanidiisa.

Waxa aad leedahay caafimaadkaagu waa taam oo waa uu buuxaa?

caafimaadkaygu Alxamdulilaahi rabilcaalamiin waa taam oo waa uu wanaagsan yahay.

Waxa aad tahay madaxweynihii ugu horeeyay ee Afrika doorasho madaxtooyo kaga taga sideetan cod, maantana Somaliland waxa sadex bilood kadib loo dareeri doonaa doorashadii madaxtooyada, waxa ku tartamaaya saddex musharax ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid. maxaad u soo jeedinaysaa saddexdaas musharax?

Musharaxiinta waxaan u soo jeedinayaa dal dumuqraadi ah ayaynu nahay tartan xalaal ah oo xor ah ayaynu galaynaa, tartankaas xorta ah ee xalaasha ah cid waliba waa ay ka qaybgalaysaa nin walowba nasiibkaaga ka qaad waxii sharcga iyo doorashadu noqotana haloo wada hogaansano.

Dadka qaar ayay doorashada shaki kaga jiraa inay dhacayso kuwaas maxaad ugu jawaabaysaa?

shakiga iska saara ayaanu leenahay, dalku waa dal madaxbanaan waa dal soo bislaaday oo siyaasadiisu bislaatay oo gaamuray oo garanaaya waxa uu samaynaayo, insha allaahu si wanaagsan ayay inoogu dhici doontaa doorashadu waa inay cid waliba u hogaansantaa waxii ka soo baxa.

waxa jiri kara qaar ka soo horjeeda nabada iyo jiritaanka Somaliland oo ku soo dhex dhuuman kara inay nabadgalyada wax yeelaan, fariintaada dhinaca amnigu waa  maxay?

maslaxadeena oo dhan ayaa ku jirta  oo ta dalka iyo ta umadda ayaa ku jirta xil iyo waajib ina saaran kuligeen weeye in aynu ilaalino qaranka oo aynu nabadgalyada ilaalino, inaynu wada jirka iyo midnimada ilaalino oo aynu dimuqraadiyadeena ilaalino, waajib iyo xil ina saaran weeye, cid kastana waa ku waajib.

Shacabka Somaliland iyo dadka iyagu xiiseeya siyaasadu  waxay is waydiinayaan mudane Axmed Siilaanyo marka uu ka dago saddex bilood kadib madaxweynenimada, maxuu qaban doonaa?

Mar walba talo ayaan la taaganahay, wanaagbaan la taaganahay, waxii layga baahan yahay ayaan la taaganahay waxii dalka iyo dadku ay iiga baahdaan ayaan mar walba diyaar la ahay.

Wakhtigaaga maxaad ku qaadan toontaa?

Waxaan ku qaadan doonaa danahayga iyo danaha dalka insha allaahu tacaalaa.