“Anigu U Maleeyn Maayo Ragga Madaxtooyada Isku Urursaday Inay Doorkan Maanta Somaliland Daacad Ka Yihiin”

0
992

Picture7Hargeysa (Geeska)- Musharaxa Madaxaweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa tilmaamay in Xukuumadda dalka ka talisa aanay daacad u ahayn dalka iyo dadkaba, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay in Qaramada Midoobay in rajadii hore  uga qabtay Somaliland iyo Liiskii ay soo saari jirtay, oo markii hore Somaliland meel fiican kaga jiri jirtay ay hadda meel aad u hoosaysa kaga jirto.

Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay Munaasibada ay u qabteen Musharax u tartamaya Doorashooyinka Golaha Wakiilada ee la filayo in Sannadka dambe  uu dhaco, waxa uu balanqaaday in haddii taladda dalka ku guulaystaan in sicir bararka dalka ka jira wax badan ka qabtaan, Dhaqaalaha dalka sare u qaadan, waxaanu ugu horeyn Jamaal Cali Xuseen hadalkiisi ku bilaabay “Waxa sharaf ii ah Xisbiga UCID-na sharaf u ah in madashan qiimaha iyo qayaaha badan ee Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyaradu ay iskugu yimaadeen aynu ku soo dhaweeyno Saldanadii oo furaysa ama xadhiga ka jaraysa Xildhibaankoodii ugu horeeyey ee Baarlamaanka ka sharaxaysa Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka, waa Madal aad u qurux badan oo Xisbiga UCID ku kasbaday Taageerayaal aad u tiro badan, oo ka soo digo rogtay Xisbul Xaakimka Kulmiye, waxaana leeyahay Hambalyo Prof: Cali Bare Xuseen, oo ah Nin aqoon yahan ah, ahna Ragga loo baahan yahay inay Dalka u galaan Barlaamka, oo aanu ku kalsoonahay shaqsiyadiisa iyo taageerada uu haysto, ee ka haysto taageerayaashan uu wato”.

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiiisa sii wata ayaa yidhi “Baryahanba isbadal Siyaasadeed ayaa dalka ka jiray, waad ogtihiin cidina idinka sheekayn mayso halka aynu Caalamka ka marayno, haddii aynu ka soo oodanay xaggii Arrimaha Dibada, Nabadgeliyada, Dhaqaalihii ay waxyaabo badan, Xukuumadduna waxa ay tidhaahda Mucaaradku baalayo ayuunbuu sheega, waar anagu waxba ma sheegna, waxaaba Maanta ugu daran in Qaramada Midoobay (United Nation), doorkan ay mar walba Liis soo saarayaan,Liiska Somaliland ku daraya, Liiskan Somaliland barrigii hore meel fiican ay ka mari jirtay, oo waxa la odhan jiray waa Dalalka soo koraya, waa inay helaan Aqoonsi wey fiican yihiin, Nabadgeliyo iyo Dimuqraadiyad ayey leeyihiin, Maalin dhawaydna waxa la inagu daray Liiska Wadamada dhoofiya Xayawaanka aadka ugu yar Dunida, oo waxa la yidhi Hariimacadka ayaa Somaliland laga dhoofiya, mana ogeyn, waxyaabaha dhacaya ee aad ogtihiin ayaa waxa ka mid ah Dimuqraadiyadii oo hoos u dhacday”.

Mushaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID  Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Muxuu dalka u baahan ayaa Su’aashu tahay, dalku waxa uu u baahan yahay Hogaan daacad ah, anigu u maleeyn maayo Ragga Madaxtooyada isku urursaday inay doorkan Maanta Somaliland daacad ka yihiin, Shacabka reer Somaliland waa inay sidii laga rabay oo awalba isbadalka siyaasadeed ay Fartooda ugu badali jiraan ayaa laga raba, Nin xoog ku haysan karaana ma jiro, Nin hankooda duudsi karaana ma jiro, cidii kale ee ay doonayaan ayey codka siinayaan, ilaa dalkeenu helo dad daacad ah oo aqoonta la ehel ah, oo qof walba waxa uu soo qabtay lagu qiimeeyo, oo lagu shaqaaleeyo dalkeenu horumar gaadhi maayo, sidana ku jiri mayno”.Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaas ku daray “Waa ogtihiin oo Dhaqaaleenii Sicir-barar ayey Xukuumaddani ku sameeysay, waad ogtihiin Sicir-barar ayaa aad iyo aad loogu tagay, waxa aanu leenahay haddiii aad noo timadeen waanu idin soo dhaweeynaynaa,hankayguna waxa weeye in aanu ka shaqayno qodobada ay ka midka yihiin Dhaqaalaha, dalku Maanta waxa uu u baahan yahay cid Dhaqaalaha taaqana, soo baratay, ku soo shaqaysay, garanaysana, dalku waxa uu u baahan yahay Nabadgeliyo iyo inaynu Nabadgeliyadeena ka sii shaqayno, Siyaasadeeni Arrimaha Dibada iyo Caalamkuba soo ayuu u dagay, anaga hankaygu uu balaadhan yahay, waxaana jecel nahay in haddii ALLE nagu guulayo in dalka waxyaabo fara badan ka qabano.”