“Anigu Shirka Burco Waxaan U Arkaa Taageerayaasha kulmiye Oo Wada Hadlaayey”

0
894

Axmed cabdi-dheere

 

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay Shirkii Madax-dhaqameedka ee beelaha Habar-jeclo iyo Subeer Awal uga qabsoomay magaalada Burco, shirkan oo xisbiga Kulmiye lagu taageeray, isla markaana dad badani dhaliileen, ayaa dhaliilahaas ka difaacay xisbigiisa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in xisbiga Kulmiye oo taladda dalka mar kale ku guulaysanaayo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Tirada dadkii isku diiwaangaliyey doorashada, badh baa ka go’ay, kaadhadhkana in baa qaadatay, kaadhadhkaas inta qaadatay ayaana saddexda Xisbi u kala coddeynaysa, anagu haddii aanu nahay xisbiga Kulmiye waxaanu rajaynaynaa in tirada ugu badan aanu ka helayno gobolada, waxaana ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye sidii ay cod bixinta uga qayb gali lahaayeen ay falawgeed qabtaan, Xisbiyadana mucaaradka iyo taageerayaashoodana waxaan ugu baaqayaa in si nabadgalyo ah doorashadu inoogu dhacdo”

Mar aanu wax ka weydiinay shirkii Burco ku dhexmaray madax-dhaqameedka iyo dhaliilaha Xisbigiisa uga imanaya ayaa ku jawaabay “Anigu waxaan u arkaa Shirkaas ka dhacay Burco taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo wada hadlaayey ama Beel ha lagu tilmaamo ama Degmooyin ha lagu tilmaamo, ama Gobolo ha lagu tilmaamo, Shirkaasina muu hayn Shirar lagaga tashanaayey maxaynu reer hebel ka yeelnaa, ee codka ma siinaysaan Kulmiye ayey ahayd”

Mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira loolanka la sheegay in loogu  jiro kursiga guddoomiyaha Kulmiye, ee u dhexeeya Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi ayaa ku jawaabay “Maanta Doorasho ayaa la galayaa, laba qof isma haysan karaan, Nin kasta oo Xisbiga ku jira waa u fasax inuu isku soo taago kursiga Guddoomiyaha laakiin wakhtigeedii maaha, wakhtigeeda ha la gaadho”.