“Aniga Waxa Iga Go’an Dood La Soo Dhigo Oo Ku Saabsan Somaliland Inaanan Ka Fadhiisan Oo Cidna Uga Baaqan, Waan Tagayaa Cidna Fasax Ka Qaadan Maayo”

0
1090

Hargeysa(Geeska)-Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa ka hadlay hadalo qaar ka mid ah dadka reer Awdal ay dhibsadeen oo uu kaga dooday shirkii Soomaalida ee dhawaan ku qabsoomay dalka Jabuuti, waxa uu Dr.Bulxan sheegay in sidii uu wax u waday hadalka laga duway.

Dr.Bulxan oo arintan kala hadlaayay tilifishanka Bulsho waxa uu yidhi “Ninkaas aan u jawaabaaayay ee Xuseen Warsame ee lahaa kaalay dalka,Gadabuursigan aad sheegayso ee aad leedahay cadaalad ma haystaan Soomaaliya maxaad ku haysaa maxaa taariikh ahaan jiray ayaan muujinaayay oo maxaad awood qaybsiga ku haysateen oo buugaygii ayaan laba ama saddex ka badan Gadabuursi ma haysan, Isaaqa qudhiisu waa ku dulmanaa, reeraha kale waa ku dulmanaayeen, waxa loola soo noqday waa xaqdarada ka socotay markaas waxaan lahaa waar halkan ayaynu wax ku nahay, reer Awdalna wax ku yihiin oo ilaa madaxweyne ay noqdeen baal dahab ahna ay ka galeen taariikhda Somaliland, calanka Somaliland waxa sameeyay nin reer Awdal ah,heesta nin reer Awdal ah, markii Isaaq islaynaayayna hawshay reer Awdal ka galeen waa la ogyahay, waxaan ku lahaa waar waxani waa wax aad ku faanto.”

Dr.Bulxan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Si kale ayaa loo qaatay in aan anigu Gadabuursi ka saaraayo oo aan dhaleecaynaayo, xaasha, dalkana waan joogay ilaa nabadayntii gacmaana waa lays wada haystay, waxa loo baahan yahay in waxii cadaalad ah la balaadhiyo wax waliba waa ay inoo dhan yihiin lana joogo oo lawada qaybsado oo aakhirka soo saarno, muwaadinku waa maxay, muwaadinku waa qof reer Somaliland ah oo aan cid kale ka sarayn la dooran karo isna wax dooran kara.”

Dr. Bulxan, wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay inaanu cidna uga fasax qaadan meel kasta oo lagaga hadlayo qaddiyadda Somaliland,  “Shirkan uu machadku qabtay iyagaa qabsaday haddii ciddi hayso meel kale oo lagu qabto iyo hab lagu qabto ha soo baxaan oo ha sameeyaan, aniga waxa iga go’an horena aan ugu jiray dood la soo dhigo oo ku saabsan Somaliland inaanan ka fadhiisan oo cidna uga baaqan, waan tagayaa afkaarataydana waan dhiibayaa cidna fasax ka qaadan maayo, waayo anigu shakhsi ahaan iyo aqoonyahan ahaan ayaan u tagaa xukuumadna kama socdo, cidna kama socdo, waxa kaloon aaminsanahay meesha Somaliland lagaga doodayo in la tago oo laga doodo, waxaan aaminsanahay cid naga buruud saraysaa inaanay jirin, in waxeena aynu sheegano haddii aan laba nahay iyo haddii aan shan nahay iyo hadii aan boqol nahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here