“Aniga, Cid Xilka Iga Qaaday Ma Jirto, Madaxweynuhuna Warqad Iima Soo Qorin”

20
2923

Guddoomiye ku xigeenka haayada Qaxoontiga

Hargeysa(Geeska)-Khadar Sheekh Cabdulaahi Sheekh Cali Jowhar ayaa sheegay in aan laga qaadin xilka guddoomiye ku xigeenka haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha, iyadoo uu Madaxweyne Biixi dhawaan haweenay u magacaabay jagadii uu ku fadhiyay.

Masuulkani waxa uu ku hadlay halka ay iska seegeen xukuumada, waxaanu eeddo dusha ka saaray guddoomiyaha haayadaas Mr. Cabdikariin Xinif oo uu ku tilmaamay mid awood u adeegsaday, waxaana isaga oo arimahan kala hadlay tilifishanka Eryal uu yidhi  “ Madaxweynaha Somaliland waxa uu ii magacaabay guddoomiye ku xigeenka haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha, war saxaafadeedkii ugu danbeeyay waxa dhacday in booskaygii loo soo magacaabay ruux kale iyada oo aan meelna laygu sheegin oo laga dhigay in aan cidna joogin, xaqna waxaana u lahaa madaxweynuhu hadduu xilka iga qaadayo in sidii uu iigu magacaabay, waxaan u arkaa inaan ilaa hadda anigu ahay guddoomiye ku xigeenkii haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha maadaama oo aan sifo sharci ah booskayga loo samarin magacaabistiisa waxaan aqoon sanaanayaa marka uu madaxweynuu shaaciyo inuu xilkii iga qaaday.”

Khadar ayaa ka hadlay halka ay iska seegeen xukuumada madaxweyne Biixi “Guddoomiyaha oo aan isku dhacnay oo awood sheegasho tagrifal ah samaynaayay oo aniga shaqsi ahaan iyo shaqaalaha beeshaydu ka soo jeeda cunsurinimo kula kacay, laba agaasime waaxeed oo reerkayaga ah ayuu badalay waxa uu ku badalay laba agaasime waaxeed oo reerkooda ah, ogna waa uu isiiyay, markaan idhi igalamaad tashan dadkan markaad badalaysay ee ogta maxaad iisiisay, waxa uu yidhi meeshan anigaa ka maamule ah, isaga oo awood sheegasho sheeganaya, anigu saxeex maan lahayn jeegna maan qori jirin, aoowdii madaxweynuu isaga ayuu wada siiyay, aniga oo guddoomiye ku xigeen ah ayuu shidaalka xataa ii saxeexay oo uu yidhi 50 litir wiigii qaado aniga iyo xaafadiisa ayaa isku shidaal ahayn, isaguna 400 Litir oo shidaal ah ayuu qoraayay, waxaan u arkay inay madaxweynaha hoosta ka midaysan yihiin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here