Angel Di Maria Oo Lagu Xukumay Hal Sano Oo Xadhiga Iyo Sababta Xukunkiisa

Published on Jun 23 2017 // Ciyaaro

 

 Xidiga Garabka Weerarka uga safta kooxda Paris Saint Germain Angel Di Maria ayaa lagu xukumay xabsi hal sano ah kadib markii uu qirtay inuu musuq-maasuqay cashuur waqtigiisii horyaalka Spain.Ciyaariyahanka reer Argentina ayaa geystay khiyaamo dhanka canshuura ah oo dhan 1.14 Milyan oo Pound intii lagu jiray afartiisii sano ee Real Madrid 2010 ilaa 2014.29-jirkan heerka caalami ayaa heshiis la gaadhay gudoonka sare garsoorka si uu kaga badbaado dhageysiga dacwadiisa maxkamadda sare ee Spain – taasoo falkaan dambiga ah ku heshay Lionel Messi sanadkii hore.

Sidoo kale wuxuu qirtay xidigii hore Manchester United inuu tiro laba jeer ah khiyaanay cashuurta taasoo ka dhigan inuu mid walba ku mudanayo ganaax lix bilood ah iyo inuu bixiyo ganaax dhan 1.76 Malyan oo Pound.Wararka waxey intaas ku darayaan in eedeynta Angel Di Maria ee cashuuraha ay ka qeyb tahay xuquuqda sawiradiisa sanadahii 2012 iyo 2013.Ma ahan xirfadlahii ugu horeeyay ee arintaan ay ku qabsatay Spain – waxaa kiiskaan lagu helay Lionel Messi, Neymar iyo Javier Mascherano kuwaas oo ka wada tirsan Barcelona.Todobaadkaan ayeyna aheyd markii Ronaldo iyo Jose Mourinho lagu soo eedeeyay iney lunsadeen cashuur walow macalinka reer Portugal uu sheegay in ayna ilaa iyo haatan wax xidhiidh ah lasoo sameynin waaxda canshuuraha Spain.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!