“Anaga Ayaa Leh Wadankan, Dumeera Ilaa Lowya-Cado Anaga Ayaa Leh, Anaga Ayaa Ilaashanayna”

0
1032

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geele  ayaa khudbad u jeediyay shacabka reer Djibouti, maalintii munaasibadii Ciidda Carafo, waxaanu shacabka uga waramay waxyaabo badan oo ku xeeran dalka Djibouti.

Madaxweyne Geele, wuxuu farriin u diray dad uu sheegay inay ku doodaan inaanay Djibouti lahayn shacab badan oo suuq ganacsi leh, isagoo sheegay in tiro yaro raantu tahay mid ka mid ah nimcooyinka.

Madaxweyne Geele, ugu horayn wuxuu yidhi “Dalkeena aan wada jecelnahay waxaan qabnaa inuu wadadii toosnayd uu ku joogo, in dedaalkeena midnimadeena is jacaylkeena, isku naxariisadka aanu isku naxariisanayno inuu dalkeena ka dhigay dal la aamino oo degan, waxa uu u degan yahayna dadkiisa ayaa aaminsan, dadkiisa ayaa leh anagaa; ayaa leh wadankan Dumeera ilaa Lawyocado anaga ayaa leh, anaga ayaa ilaashanayna, anaga ayaa isku dul qaadanayna, anaga ayaa yeelayna in dadka noo yimaada ay nabad iyo deganaasho nagula noolaadaan oo ixtiraam noo yeesha anaguna aanu ixtiraam u yeelano.”

Madaxweyne Geele, wuxuu sheegay in Djibouti door muhiim ah ka ciyaarayso horumarinta gobalka Geeska Afrika, “Gobalkeena haddii wanaag iyo walaalnimo ay ka socoto anagu kuwa ugu horeeya ayaanu nahay, kuwa ugu horeeya waxaanu u nahayna waayo markii horeba kuwa ugu horeeya ayaanu anayn, markii horeba kuwa jecel dalkooda oo jeerkooda si wanaagsan ula noolaada anaga ayaa ah, dhaqaale,siyaasad, dimuqraadiyad iyo maamul wanaag haddii laga hadlo inagu safka aynu ku jirnaa waa meel wanaagsan, waxa keenayaana waa dadkeena, waxa keenayaana waa dadkeena waan ku celinayaa mar kale waayo haddii dadku uu madax is galiyo, haddii uu dadku niyadu ay ka xumaato, haddii dadku ay mustaqbal arki waayaan oo dhalinyaradu ay arki waydo in mustaqbalkoodu uu dalkooda  ku jiro dal ma noqonaayo, waxa uu noqonayaa wax laysku dhex jiijiito oo laysku dhex laayo. Waxaanu aragnay dalal badan oo sidaas ku nool oo hadana socda, waxaan leenahay yarideenu nimco ayay leedahay, waxa jira dad yidhaahda waa dal yar oo dadkooduna waa uu kooban yahay oo suuq aanu wax ka iibino ma laha  ayay odhanayaan, anaguna waxaanu leenahay yaraantaaba nimco ah.”  Ayuu yidhi Geele, waxaanu ugu dambayn yidhi “Waxii aanu hayno waanu is gaadhsiin karnaa,waan isku naxariisan karnaa, waanu is jeclaan karnaa, waanu is tirin karnaa, waanu is tabi karnaa, ayaantan ciidda oo ka mid ah ayaamaha barakaysan inaan is xasuusino waajibkeena weeye, dalkeenu xaq buu inagu leeyahay, xaqiisana inaan gudanaa waajibkeena weeyaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here