AMISOM Oo Ka Shakisan Inay Madaxda Al-Shabaab Gashay Muqdisho Iyo Puntland

0
566

Picture6Muqdisho(Geeska)-Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan dawladda Somaliya danjire Maxamed Saalax Nadiif, ayaa sheegay inay AMISOM dareensantahay in madaxda sare ee Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada caasimadda Somaliya ee Muqdisho iyo dhinaca maamul goboleedka Puntland ee Somaliya, ka dib dagaalada ka socda dhulkii ay xukumi jireen oo meelo badan oo ka mid ah lagala wareegay.

Waxa  shalay Muqdisho shir ku yeeshey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah Safiirada Beesha caalamka sida, Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaranada Midoobey Nick Kay, Ergayga Midowga Afrika Mohamed Salah Annadif, Ergayga Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso iyo safiiro kale.

Shirka ka dib waxa saxaafadda la hadlay ergayga Midowga Afrika danjire Maxamed Saalax Nadiif, waxaanu sheegay in baadhitaano ay Muqdisho ka sameeyeen ciidanka Midowga Africa ay ku heleen Geerash weyn oo ay ka buuxaan waxyaabaha qaraxyada iyo bambooyinka macmalka ah loo isticmaalo, kuwaas oo la doonaayo  sida uu sheegay in shacabka lagu waxyeeleeyo, “waana ka hortagney ayuu yidhi. Ergayga ayaa soo dhaweeyey hawlagalada ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, waxaana u ballan qaadey haddii ay yihiin AMISOM in ay ka go’an tahay in sanadkan uu noqdo kii Soomaaliya nabad laga dhigi lahaa.

Wuxuu intaas raaciyay inay aad u tuhmayaan in magaalada Muqdisho iyo Puntland ay galeen qaar ka mid ah hoggaamiyaasha al-Shabaab. “Waxaanu ka shakinsanahay in qaar badan oo ka mid ah madaxda Al-Shabaab ay u soo baxsadeen Muqdisho, Puntland iyo meelo kale.” Ayuu yidhi danjiruhu.