AMISOM Oo Ka Qaylisay Askari Ku Eedeeyay Inaanay Doonayn Inay Al-Shabaab ka Saaraan Somaliya

0
618

Muqdisho(Geeska)-Afhayeenka ciidamadda AMISOM ee jooga Somaliya Cali Aadan Xaamud, ayaa shPicture3eegay inay ka xumaadeen askari ka tirsan ciidamadda AMISOM oo sheegay in aanay doonayn madaxda AMISOM inuu dhamaado dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Waxa uu askarigani sheegay in ay doonayaan hogaanka AMISOM in aanu ka istaagin dhaqaalaha caalamiga ah ee ay helaan, isla markaasna ay doonayaan in aanu dhamaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. Afhayeenka ayaa arinkaas ku tilmaamay mid ay ka xumaadeen isaga oo sheegay in aanay ahayn tabobarkii la soo siiyay askarta AMISOM markii ay hawlgalka soo galayeen.

Waxa afhayeenka AMISOM waraysatay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ugu horayntiina isaga oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeedhay askarigaas Afhayeenku waxa uu yidhi“Waan ka xumahay oo sakarigaasu ciidankan kuma jiro oo waa uu sheeganayaa’uun, waxaanan sidaas u leeyahay ciidanka AMISOM waxa ay dhamaantood soo maraan tabobar loogu sheegayo ujeedada laga leeyahay Somaliya,waxay askariga shaqadiisu tahay,nidaamka lagu shaqaynaayo iyo siyaabo badan oo kale oo loo tabobaro, fikradaas waa mid aanu aad uga xumaanay,Arinkaasna waxba kama jiraan oo maaha mid maskaxda galaaya,aniguna umaba malaynaayo inuu askarigaasu uu yahay mid ciidanka ka tirsan hadii aanu jiranayan.”

Afhayeenka oo la waydiiyay jiritaanka kala mushahar badnaanta xad dhafka ah ee askarta dawlada Somaliya iyo kuwa AMISOM waxa uu yidh“Waa laba arimood oo aan lays barbardhigi karayn oo midi waa ciidan caalami ah oo midawga Afrika ka socda, dawlada Somaliya, ciidamadeedu waxay qaataan iyo waxay ku nool yihiin waanu jecalnahay inay horumar gaadho, laakiin waxan maanta la sheegayaa waa arin aanu ka xumaanay.”

Ugu danbayntii Afhayeen Cali Aadan Xaamud oo ka hadlaaya filashada sanadkan ee AMISOM waxa uu yidhi“Sanadkan waxaanu rajaynaynaa  inuu noqdo sanad horumar leh oo nabadgalyo leh, waxaanu doonaynaa dhamaan  meelaha aanu joogno inaanu nabadooda xasilino, halkaanu gaadhnona in aanu ka saarno waxii nabada Somaliya ka soo horjeeda.”