AMISOM iyo Somaliya Oo Al-Shabaab Ka Qabsaday Magaalada Qoryooley

0
702

Picture4Muqdisho(Geeska)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose ee Somaliya oo sannadihii ugu dambeeyay ay maamulaysay Al-shabaab.

Dagaal culus oo dhacay kadib ayaa ciidamada dowladda Somaliya iyo AMISOM waxaa u suuro-gashay in ay la wareegaan degmadaas, inkastoo weli gudaha degmadaas aan si rasmi ah looga wada saarin ciidamadda Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkii Qoryooley lagu qabsaday ka dhashay, waxa se saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka ay sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha.

Wariyeyaal isugu jira Soomaali iyo ajnabi oo la socda ciidanka huwanta ah ee Qoryooleey la wareegay ayaa sheegay inay arkeen dhaawac badan oo isugu jira Somali iyo AMISOM. Laakiin dawladda Somaliya ayaa sheegtay inay laba askari kaga dhinteen dagaalkaas.

Madaxweyneha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay fadhigii baarlamaanka ayaa isagu ku faanay in ay deegaano hor leh ka qabsadeen Al-shabaab, isla markaasna beesha caalamku ay gargaar gaadhsiinayso “Maalin walba waxaan ka saarnaa Al-shabaab goobo muhiim ah oo shacabku ay ku heleen neecaw nabadeed. Waxaana billownay gar-gaar bani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gar-gaar lala gaadho dadka ku nool deegaannada la xoreeyo, maamulo kumeel gaadh ahna loo sameeyo, in laga hir-geliyo hay’adaha amniga iyo garsoorka, maamul-wanaag iyo adeegyada bulshada si dadka deegaannadaas ku nool ay uga tashadaan aayahooda.”