Amarkii Koowaad Ee Ka Soo Baxay Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan

0
695

 

sudanMadaxweynaha dalka Koonfurta Sudan ee maalintii Sabti ee toddobaadkan oo ahayd 9-kii July 2011 madax bannaanidiisa ka qaatay dalka Sudan intiisa kale ayaa daqiiqado yar kadib markii xilka madaxweynenimo loo dhaariyey soo saaray amar uu ku diidayo in marada calanka dalka Sudan ee laga dejiyey koonfurta Sudan dib loogu celiyo magaalada Khartuum ee caasimadda woqooyiga Sudan.

Amarkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee ka soo baxa madaxweyne Salva Kiir intii xilka loo dhaariyey kadib, waxa uu sidoo kale noqonayaa kii ugu horreeyey ee ka soo baxa guud ahaanba dalka Koonfurta Suudaan madax bannaanidiisa kadib, waxa uu madaxwenuhu sheegay in calanka dalka Sudan ee maalintii xafladdu ka dhacaysay fagaaraha Dr. John Garang laga dejiyey kadibna la saaray calanka cusub ee dalkani uu yahay taariikhi ay dhigi doonaan matxaf yada iyo goobaha la dhigo aataarta qiimaha leh.

Amarkan oo afhayeen u hadlay madaxweynuhu uu kaga dhawaaqay goobtii xafladdu ka dhacaysay oo uu fadhiyey madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al-Bashiir, qorshuhuna ahaa in uu isagu diyaaraddiisa ku sii qaato calankan, waxa uu Salva Kiir ku sheegay in ay dalka Sudaan wadaagaan taariikh badan oo qadhaadh iyo macaanba leh, oo ah sababta illaa hadda xattaa magaca dawladdooda cusub loogu daray Sudan, sidaa awgeed si ay jiilalka dambe ee K/Sudan u xasuustaan calankan iyo taariikhdii halgan ee loo soo maray dejintiisa la dhigi doono goob taariikhi ah.