Allahayow Haween Daa

0
571

guryMarka hore aan hambalyeeyo xaawlayda oo dha. Marka xiga maalmahan waxa isa soo taraya hadal haynta iyo ololaha lagu taageerayo in doorashada wakiilada dumarka tingelin gaar ah la siiyo, taas oo ku iman karta in la siiyo kooto iyaga u gaar ah oo dabcan u baahan sharciyada gaar ahaan dastuurka ama xeerka doorashada wax laga bedelo iyo in Xisbiyado xiliga doorashada ay saami waafi ah ka siiyaan musharixiinta dumarka ah taas oo iyadu na dabcan ku xidhan siyaasadaha xisbiyada iyo istraatajiyadaha ay ka leeyihiin ama ka kala leeyihiin doorashada wakiilada.

Inta aynaan arinkan si fudud ugu rixin ama uga biyo diidin marka ugu horeysa waxay tahay bal in su'aasha ugu horeysa ee aynu arkan iska waydiinaa maxaa keenay arinkan? Ma dan baa loo arkay oo inaga ayuu inaga yimi mise waa ku dayasho cid kale oo iyadu dhaqankeeda in aynu duuduub ku qaadano dabada ka riixasa.

In aynu qaadano iyo in ay naan qaadani ha inoo dambayso eh maanta go'aaminta taladeena siyaasad iyo maamul ba dumarku horta miyay ka maqan yihiin mise iyagaa ba ah kuwa giraanta wareejinaya? Maanta dawrka ay dumarku leeyihiin taladeena marka aynu ognahay ma inagu dhiiri gelinaysaa in aynu isku aamini karno hadii aynu se tusaale ba u qaadano ma waxaynu odhan karnaa waa tusaale fiican mise waa tusaale xun? Mise arinka dumarka waxaynu ku liqnaa duuduub sidii midhaha darayga ilayn waa kii abwaankii yidhi:

Haween U Samir Ama Ka Samir

Sidaa Waxay Ku Dhamaan

Loomaba Samaynin Eh !!!