Albeerkooyinka Cadaaladda: W/Q Ibraahim Qaasim

0
604

hornnAlbeerkooyin (huteelo hurdo) iyo cadaaladda markay noqoto waa laba aad u kala fog, balse cabirka maskaxdeena ayeynu la kaashan doonaa xidhiidhka uu qoraalkeenu ka dhaxaysiiyey.

Xukunka dawliga ah ee ay wadaagaan umadaha dalnimo sheegta, waxay dhigtaan xeer udub dhexaad uga noqda waayaha nolasha, siyaasada, dhaqaalaha ee xili kasta la soo darsa, Somaliland kuwaas ayey ku jirtaa oo waxay dhigteen 1991-kii xeer wada noolaansho u ah beelaha ku wada jira dawlanimada Somaliland.

Sanooyinkii la soo dhaafay isbadalo badan ayaa soo food saaray xeerarkii dawladnimo iyo kuwii ay ku heshiin jireen beeluhu, waxaa la wada tirsanayaa cadaaladda daro u janjeedha dhanka dilka.

Imisa maxbuus oo dil lagu xukumay ayaa haatan jeelasha magaalooyinka Somaliland ee waaweyn ku jira? Yaa cid loo dilay? Miyaad maqasheen qof ayaa qof loo dilay? Aniga ogaalkay maya? Waxaase ka reeban inta magta lagu kala qaato ee reeruhu ka heshiiyaan.

Hay’addaha waaweyn ee ka shaqeeya danaha reer galbeedka waxay Somaliland ka hir galiyeen nidaam ah in aan qof qof loo dilin, hadii ay taasi dhacdo waxaa lumaysa sharaftii dadka iyo xoriyadii xuquuqal iinsaanka, waa siday aaminsanyihiin Hay’addaha inaga caawiya geedi socoka dimuquraadiyada, waxaa dhacda in qofka dil lagu xukumo waliba lacag loogu daro inta uu jeelka ku jiro, oo uu u qaato guno maalin leh ah, taas oo ay bixiyaan Hay’addahaasi.

Alle SWT waxa uu inoo sheegay in markay noqoto dhiiga bini’aadamka ay xagiisa kala qiimo badan tahay aduunyada oo uu rogo, taasina waxay inoo muujinaysa Alle STW halka uu ka taagan yahay dhiiga aadamaha oo bilaash lagu qubo, xageenana waxay ka noqotay shayga ugu dhibka yar ee waliba qofka gaystaa ku helaayo deganaansho iyo dhaqaale.

Bulsho weynta ku dhaqan caasimada ayaa garwaaqsatay in qofkii dil lagu xukumaa uu ka dhigan yahay nin la raaxo geeyey, oday reer Hargeysa ayaa yidhi “qoladan wax baadhata iyo kuwo dadka uun iska dilaa waxay ku faanaan dilka oo waxay ku odhanayaan inta aan ku dilo in aan Albeerkada tagi” waana sababta keentay in aan is xasuusino halkuu ku damabeeyey qof qof loo dilay sharcigii dhigaayey meesha uu ku baaba’ay?.

Dhibka iyo dulmiga hadii layska qaban waayo waxaa iman doonta goor ilmahaagu ku dulmiyo, ku dilo, ku dhaco oo uu waliba moodo inuu jano ku tagaayo hadii uu birta kaa also.

Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Qaasin05@hotmail.com