Al-Shabaab Shalay Weerar Yaab Leh Ku Qaaday Madaxtooyada Somaliya, Masuuliyiinta Ku Geeriyootay Iyo Ceebta Amni Ee U Soo Hoyatay Madaxweyne Xasan

0
635

Picture6Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay duhurnimadii weerar ku qaaday xarunta madaxtooyada Somaliya, oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Laakiin madaxweynaha waxba kamay soo gaadhin weerarkaas.

Wararka ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday gaadhi lagu qarxiyay derbiga ku wareegsam madaxtooyada, kadib rag hubeysan ayaa gudaha u galay madaxtooyada. Laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa baahisay in xogo ay heshay u xaqiijiyeen in dablaydu ay daqiiqado haysteen masaajidka uu madaxweyna inta badan ku tukado salaadda Jimcaha ee madaxtooyada ku dhexyaala. Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkaas, waxaanay sheegtay inay ugu tallo galeen inay ku laayaan masuuliyiin halkaas ku sugnaa, kuwo kalena ay ku qabtaan. Raggii weerarka soo qaaday oo ka koobnaa 7 xubnood ayaa dhammaantood geeriyooday. Ragga weerarka fuliyay ayaa dhammaantood ku labisnaa dirayska ciidamada Somaliya.

Weerarka waxa inta la ogyahay ku geeriyoodayAgaasimihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamuud Xirsi Cabdulle oo ku sugnaa masaajidka, kana yimid dalka Maraykanka iyo Taliye kuxigenkii hore Nabadsugidda Somaliya Gen.Nuur Shirbow. Waxa kale oo geeriyooday askar ka mid ahaa ilaalada madaxtooyada. Waxa iyaguna jira xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ay dhaawacyo fududi soo gaadheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo saaray warsaxafadeed ka dib weerarkaas, wuxuu cambaareeyay weerarkaas. “Ololaha Militeri ee ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa uu yahay mid la sii labo jibaarayo si dalka oo dhan looga cidhib tiro caddowga umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka Madaxweynaha Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weerarka ka bacdi wuxuu telefoono u diray diblomaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho oo uu u xaqiijiyay inuu nabad qabo oo aanu dhaawac ku soo gaadhin weerarkaas. Ragga uu la hadlay waxa ka mid ah ergayga qaramada midoobay Mr. Nicholas Kay oo sheegay in Xasan Sheekh ula xidhiidhay si uu ugu cadeeyo nabad qabkiisa.

Weerarkan oo ah kii ugu cuslaa ee sannadihii u dambeeyay ay Al-Shabaab la beegsato madaxtooyada Somaliya, wuxuu muujinayaa tabar daridda dawladda Somaliya iyo sida uu Xasan Sheekh Maxamuud ugu fashilmay sugida ammaanka caasimadda Somaliya ee Muqdisho.